Fariin Caafimaad Oo Mihiima Kuna Sahabsan Shuban Biyoodka Ka Dilaacay Dhulka Soomaalida Ayaa Waxa Inoo Diyaariyey Dr.Ahmed Suldaan Saleebaan.

Fariin Caafimaad Oo Mihiima Kuna Sahabsan Shuban Biyoodka Ka Dilaacay Dhulka Soomaalida Ayaa Waxa Inoo Diyaariyey Dr.Ahmed Suldaan Saleebaan.

Fariin Caafimaad oo ku saabsan shuban biyoodka laga soo sheegayo deegaano ka mid ah dhulka Soomaalidu degto.

Fariin Caafimaad oo ku saabsan shuban biyoodka laga soo sheegayo deegaano ka mid ah dhulka Soomaalidu degto.

…………………………………………………………………………………………..

WAA MAXAY SHUBAN BIYOODKU ?

Waa cudur ay sababto nooc ka mid ah bakteeriyada ama jeermiska loo yaqaan vibrio cholera (hadii la xaqiijiyay) kaas oo mindhicirada qofka ku sii daaya suntiisa sababatana in uu yimaado shubanku. Waa xanuun si degdega ugu faafa bulshada dhexdeeda.

Waqtiyada qaar wuxu noqon karaa mid kooban oo muddo kooban socda, balse wuxu keeni karaa saamayn balaadhan oo galaafata nolosha dad badan waana marka uu noqdo waxa loo yaqaan safmarka ama ( Outbreak).

…………………………………………………………………………………………

CALAAMADAHA LAGU GARTO

Calaamadaha lagu garto xanuunkani waa kuwo ku bilaabmi karaa muddo saacado ama maalmo ah, iyada oo inta badan aan laga garan noocyada kale ee shubanka, kaas oo u baahan in si dhab ah loo xaqiijiyo in uu yahay Cholere iyo in kale.

Waxa ka mid ah calaamadaha xanuunkan :

1- In qofku waqtiyo tiro badan ku noqnoqdo musqusha

2- Fuuq bax degdeg ah oo qofka ku dhaca iyo matag isna bilaabma

3- Tamarta qofka oo aad u diciifta, indhaha qofka oo god gala.

4- Haraad fara badan oo uu qofku dareemo

5- Garaaca wadnaha oo aad u shaqeeya

6- Dubka ama maqaarka qofka oo jilca

7- Cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaca

8- Murqa xanuun soo wajaha qofka uu asiibo

9- In qofku miyir doorsoomo ama uu galo waxa loo yaqaan

( hypovolemic shock ) taas oo ay sababi karta in qofku u geeriyoodo hadii aanu gurmad caafimaad helin.

………………………………………………………………………………………….

SIYAABAHA LOO KALA QAADO AMA UU KU FAAFO.

Xanuunkani waa mid ku gudba sababahan hoos ku qoran

1-Goobaha biyaha laga wada cabo (sida ceelasha iyo haraha hadii ay gaadho saxarada qofka xanuunka qaba.

2- Cunada iyo cabitaanada aad daboolnayn ee lagu iibiyo goobaha nadaafadoodu liidato.

3- In aad xidhiidh toos ah la samayso qof uu xanuunkani asiibay, gaar ahaan dadka u shaqeeynaya bukaanka ama dariskooda,kuwaas oo loo baahan yahay in ay taxadir badan ka sameeyaan.

4- Khudaarta wasakhaysan ee aan la iska dhiqin

5- Gacmaha oo aadan iska dhiqin waqtiyada aad wax cunayso ama kasoo baxdo musqulaha iyo wixii la halmaala.

6- Dadka ka shaqeeya goobaha makhaayada ah hadii uu xanuunkaasi asiibo waxay keeni doontaa in uu si balaadhan ugu faafo dadka goobahaas wax ka cunay ama ka cabay.

…………………………………………………………………………………………

SIDEE LOO XAKAMAYN KARAA ?

1- Marka ugu horeysa waa in hawl wadeenada caafimaadku ay xaqiijiyiin nooca uu yahay shubanku ( verification of diagnosis ).

2- Waa in heegan la galiyo hawl wadeenada caafimaadka ee aqoonta u leh xanuunkan iyaga oo kaashanaya wasaarada caafimaadka iyo hay’adaha ku shaqada leh.

Isla waqtigaas waa in la bilaabo faragelin caafimaad oo degdeg ah si loo joojiyo loona xakameeyo faafida xanuunka.

3- In la furo goobo daawayneed oo lagula tacaalo dadka xanuunkani soo ridanayo, hadii ay ka bataan goobaha caafimaadka ee deegaanadaas ku yaal.

……………………………………………………………………………………………

DAAWEYNTA XANUUNKAN

Daawayntu waa mid u qaybsanta laba nooc oo kala

1- soo celinta fuuqii qofka ka baxay ( Rehydration therapy)

a) ORS “oral rehydration solution”: Waa biyo lagu daray sonkor iyo cusbo oo la cabbayo. Waxaa ORS’ta lagu qasayaa hal liter oo biyo ah oo aanan la karkarin. Haddii la waayo ORS waxaa la isku darayaa hal liter oo biyo ah iyo sonkor “20gm” iyo cusbo “5gm” oo sidaa lagu cabbayaa.

b) Faleembada: haddii qofku uu ka sii daro ama ay anfici waydo ORS-tu, in laga siiyo biyaha xididka,

2-Joogtaynta “maintenance therapy”: markii la soxo khatarta jidha, waxaa la siinayaa bukaanka biyo badan inta uu oonku ka hayo,

dawooyinka la siin karo bukaanka:

Antibiotics, ayaa la qaadan karaa, waase marka matagu uu joogsado

a)Doxycycline hal mar oo 500mg dadka waaweyn.
b)Caruurtana waxaa u fiican Trimethoprium-Sulfomethoxazole. c)Tetracycline waa la siin karaa dadka oo dhan 4 jeer maalintii ilaa 3 maalmood.

…………………………………………………………………………………………..

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA ?

1- Isticmaalka biyo nadiif ah ama la kariyey ama in biyaha lagu daro maadada loo yaqaan (cholorine)

2- Gacmaha oo la dhaqo marka cunada la cunayo, marka uu qofku xaajada oo guto.

3- Cunada iyo khudaarta oo si wanaagsan loo kariyo, lana isticmaalo inta ay kulushahay, hadii kalena si fiican loo daboolo.

4- In dadku ay ka fogaadaan in ay ku saxaroodaan banaanka, goobaha biyo qabatinka iyo goobaha laasaska ah ee biyaha laga cabo ama beeraha lagu waraabiyo.

5- In la buufiyo goobaha iyo guryaha qoysaska uu asiibay, iyada oo la isticmaalaya maadooyinka chemilka ah ee loogu talo galay

6- In laga fogaado cunooyinka lagu iibiyo goobaha aan nadaafadoodu fiicnayn ama wadooyinka ee aan si fiican loo daboolin ( gaar ahaan caruurta yar yar waa in si gaara looga taxadiro )

7- In la hagaajiyo nadaafada guryaha, musqulaha iyo in la iska hagaajiyo qashinka iyo wixii la midka ah.

8- Ugu dambayn arinta ugu muhiimsan waa in la sameeyo wacyi gelin balaadhan oo la xidhiidha xanuunkan, sidoo kale waa in dadka lagu wacyi geliyo arimaha aynu kor kusoo sheegnay ee xanuunka lagaga hortegi karo iyo sidoo ahmiyada ay leedahay in la barto isticmaalka ORS-ta taas oo yarayn karta xadiga fuuqbaxa iyo dhimashada uu xanuunkani keeni karo.

Alle ayaa mahad leh.

Fadlan la wadaag xogtan caafimaad walaalkaaga kale si aynu u yarayno khasaaraha xanuunkani bulshadeena ku keeni karo.

DrAhmed Sultan Suleiman
Dhaka/ Bangladesh

Leave a Reply

*