KALA DOORASHADAYDII XISBIYADDA QARRANKA

KALA DOORASHADAYDII XISBIYADDA QARRANKA

Muwaadin taniyo intii Dekedda Berbera lagu wareejiyey shirkada gaarka ah ee wadanka imaaraadka carabta inagu soo duushay waxaa bilaabmay qandaraasyo hoose oo la siiyo dad gaara oo ay ehel yihiin reerka madaxtooyada fadhiya!.

Kaalinta labaad xukuumada Ahmed-siillaanyo waxay baadhis iyo sahan u gashay shidaalka dalka ku jira,,, Hydrocarbon Oil Potentials… iyada oo an bulshada la soo hordhigin xeer shidaalka dalka lagaga shaqaynayo, balse waxaa la sheegaa in dhawr gobol oo dalka ah laga wado hawlgal lagu sheego sahan shidaal.

Haddaba, muwaadin marka aan ku horayno arrinta shidaalka, waxaa dhulkeena markii u horeysay laga bilaabay wakhtigii dawladii Kacaanka iyada oo laba Company oo laga leeyahay dalka maraykanka ( Chevron iyo Conoco) ay meelo ka mid ah hawlo ka qabteen. Shirkadahaasi waxay hadal geliyeen xaqa ay Somaliland u leedahay in ay ka hawl gasho khayraadka shidaalka. Balse waxa arrintan shidaalka ku guulaystay dawladdii Daahir Rayaale Kaahin kadib markii ay samaysay Somaliland Oil Concession Reform sanadii 2008-dii markaas oo uu u magacaabay khabiir Petroleum Policy ah agaasimaha guud ee wasaaradii Macdanta iyo Biyaha, Mr. Suldaan waxa uu sameeyey Reform uu ku saleeyey gridline base oo uu dalka Somaliland u qaybiyey 24 Cluster/ Block oo midkiiba yahay ( one degree square), kadibna halkii Block waxa loo qorsheeyey in ugu yaraan heshiis lagula galo laba Company, kadibna Mr. Suldan waxa uu ka jeediyey shir lagu qabtay dalka South Afrika oo ay isugu yimaadeen dunida shidaalka ka ganacsata. Qorshahaas ayaa horta furay fursadda shidaalaka ee Somaliland, wakhtigaas kadibna waxaa timid dalka shirkad ka socotay dalka Norway oo sahan shidaal ka samaysay dhinaca bada.

Haddab muwaadin bal u fiirso xukuumada Kulmiye maalina ma sheegto mashaariic ay dawladii hore kala wareegtay.. yaab!!!. Tani waxay muujinaysaa khiyaamada ay kooxdani dalka iyo dadka ku wado. Markaas muwaadin marka laga yimaado qorshe lala gelayo Company-yada shisheeye miyaanu jirin qorshe loogu talo galay muwaadiniinta uu saamaynayo hawl-galka shidaalku degaanki ay ku noolaayeen. Dunidu hab cilmiyeysan ayey uga hawl-gashaa mashaariicda noocan ah ee dhalan gedoonka ku keenaya bee’adii ay ku noolaayeen dad iyo duunyaba, waxaana loo diyaariyaa Pre-project intervention needs oo looga goleeyahay in lagu daryeelo wixii uu mashruucu dhalan rog ku samaynayo.

Muwaadin arrintani waa tii dhawaan gobolka Daad-madheedh ka dhalisay gadoodka hubaysan iyada oo lala guurayo tikniko aad u badan oo dhulkii, dhirtii iyo kaabayaashii kale ee nolshooda aad u dhibaataynaysa, ayaa degmadii Oodweyne daf la soo yidhi… bal adba… muwaadin miyaanay haboonayn in la sameeyo qorshe mashruuc oo la mid ah kaa dadyowga dunida ee inala midka ahi ay dadkooda u sameeyaan, oo marka horea loo sii gudbiyo bulshada iyada oo ay gadhwadeen ka yihiin oday- dhaqameedka degaanka iyo wax-garadka, iyo aqoonyahanka bulshada.

Haddaba, muwaadin labadan mashruuc ee Dp-world iyo Shidaalka waxaa looga hawl gala hab beelaysan oo naas-nuujin lagu siinayo cida ka soo jeeda xafiiska madaxtooyada… yaab.. war miyaanay dadkani ahayn kuwii u dhaartay ummadda Somaliland? Balse miyey ilaabeen dhaartaas? Oo beeshii way haraaday ayey haystaan oo reer loo dhiibay, oo lagu abaal mariyey ayey isu arkaan? Waxaan u dhaafayaa dadka Somaliland ee ila arkaaya waxa dalka ka dhacaaya.

… La soco Q 21aad ….

Leave a Reply

*