Mushkilada Kuuriya iyo shaxda ay dheelayaan quwadaha ku loolamaya ee kala ah Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka.

Mushkilada Kuuriya iyo shaxda ay dheelayaan quwadaha ku loolamaya ee kala ah Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka.

 

 
Warsan iyo weedhsan  iyo saadaal irmaan akhyaareey idil ahaantiinba, waxaynu si kooban qormadan u milicsandoonaa mushkilada aad loo hadal hayo ee amintan ah ta ugu hadal haynta badan warbaahinta dunida iyo dadka odorasha dhacdooyinka dunidaba, arintaas oo ah mushkilada ka dhex aloosan Waqooyiga Kuuriya iyo Maraykan iyo xulufadiisa.

Waxaynuna qormadan ku isku hogatusaalayndoonaa jilayaasha dhabta ee cadaloolkan halista ah, waxaynu kaloo ee quwadaha waawayn iyo shaxda ay dheelayaan iyo wadankasta waxay ugu fadhido shaxdan halista ah hadiiba la qaado irmaanta. Maxaa ka dhalan kara hadiiba ay faraha ka baxdo? Miyey quwadaha ku xeeran ee Shiinaha iyo Ruushku dibada ka joogidoonaan hadiiba Maraykan xudoodahoodii ugu yimaado? Ma dhabaa oo Maraykan Kuuriyada Waqooyi ayuu u dan leeyahay mise baroortu orgiga ka wayn ? suaalah iyo kuwo kaloo badan ayeynu isku dayi inaynu qormadan ku eegno ee idil ahaantiinba dhugosho wacan.

 

 

#Falsafada Maraykan ee Mashaakilka Dunida.

 
Marka eyno gebi ahaanba Falsafada rasmiga ah ee uu Maraykan ka leeyahay mashaakilka dunida waxay salka ku haysaa hal masalo oo uu ku caan yahay oo ah siduu mushkilad kasta oo dunida ka jirta uu u noqon lahaa inuu noqdo ka midida daabkeeda haya. Waana Falsafad uu ku caanyahay uuba si badheedha u qeexay mid ka  mida khubaradooda siyaasada Maraykan dhidibada u taagay waayo badana soo ahaan jiray xoghayihii arimaha dibada ee Maraykan waana shakhsiyadaa ka wada dheregsantihiin mr Kissinger.

Waxa mushkilad maanta dunida ka aloosana meeshay doonto ha ahaatee Maraykan iyo guud ahaanba Reergalbeed waa kuwii lug kula jira, arinta  Kuuriyada Waqooyina waa arin wajiyo badan leh se waxay ku arooraysaa uun falsafadaa aynu soo sheegnay. Waayo? Mushkiladu maaha dalka Kuuriyada Waqooyi mana ah hubkeeda waa sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen cida hubkaa iyo dalkaa gacanta ku haysa oo ah maamulka ka jira dalkaas. Waana sababta ay Warbaahinta Maraykan kuwo kamidi sheegeen in maamulka madaxweyne Trump qorshaynaayo sidii loo shirqooli lahaa madaxa sare ee dalkaas Kuuriyada Waqooyi mr Kim, waayo? Waa sida ugu sahlan ee ay quwadaha waaweyni wadamada kale ugu taliyaan madaxuun baa la badalaa oo waxay saaraan mid iyaga ka amarqaata.

Diilintay Kuuriyada Waqooyi ka gudubtay ee Maraykan ka xanaaqay.

 
Markaan eegto waxa ugu badan ee wadamda soo koraaya laga ilaaliyaa waa iyagoo soo gala naadiga Nukliyeerka  bal eeg maxaa Ciraaq lagu weeraray ee marmarsiiyo laga dhigtay ? Maxaa IRan iyo wadamda Reergalbeedku isku hayeen sanadada badan? Maxaa hada Kuuriyada Waqooyi lagu haystaa ? dhamaan waa isku wada sabab, Sababtaas oo ah mawduuca Nukliyeerka hadaba Maxay uga dhigantahay wadamada waawayn ee dunida ku hordoobya ilaahbaa iska lehe Tijnolojiyadani ?

Sababtu wax kale maaha ee waxay tahay in wadamada aynu soo sheegnay gaar ahaan wadamada Reergalbeed ay dunida ku maamulaan afar shay oo kala ah 1-Tijnolojiyada hubka 2-gacan ku haynta cunada aduunka iyo shiidaalka 3-Qaramada midoobay 4- Caro edegaynta ( Globolization ) oo ah inaan marnaba hubkay dunida ugu hanjabaan inaanay cid kale hanan waayo nin kula xooga uma talin kartid sababta ugu wayn ee wadamadaa yaryar loo eryonayaana waa taas nin Nukliyeer haysta Nukliyeer uguma hanjabi kartid.

Yuu kalee u dan leeyahay Maraykan markuu Kuuriya hadal hayo.

 

 

Waxaynu lawada soconaa waqtigan casriga ah iyo siyaasada dunidu sidaanay uga madaxbanaanayn waxay ugu yeedhaan (Geopolitics ) oo ah Juquraafiga siyaasadaysan kaas oo ah mid la xidhiidha wadankasta halka uu dego iyo  bogcada uu degaa waxay isaga iyo dunidaba qiimo ugu fadhigo. Kuuriyada Waqooyi waa wadan labada quwadood ee ay Maraykan is hayaan ee Shiinaha iyo Ruushka labaduba jaar la ah oo xuduudna wadaagaan sidaas darteed qalalaase kastoo ka dhaca dalkaas wuxuu saamayn toosa ku yeelanayaa labadaa wadan ee ay is hayaan Maraykan.

 

Mushkilada Kuuriya iyo shaxda ay dheelayaan quwadaha ku loolamaya

 

Sababtaa awgeed labada wadanba  waxay fiiro gaara u leeyihiin xaalada ka aloosan mandiqadaas, iyagoo marka horeba joogitaanka Maraykan aan ku niyadsamayn mandiqada ay degan yihiin. Markaad eegto Ruushka wuxuu maraykan ku hayaa Xuurto wadamo badan oo Yurubta Bari ahaa oo xuduud la ahaa waxaa lagu soo daray gaashaanbuurta Nato ee Maraykan hogaamiyo, dhana wadamo reer galbeeda ay xuduud kale leh halkan dhankan kalena uu Maraykan saldhigyo waawayn ku leeyahay sida Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Hadaynu Shiinaha eegno isna waa mid kaba sii daran oo dhankasta Maraykan wuu ka hareereeyey mandiqadaa uu Shiinuhu degenyahay si gaaraabu u Maraykan usii ugxan dhigtay isagoo u xulufaysanaaya wadamada deegaankaas. si aad wax badan uga ogaataan waxaan idinkula talin lahaa inaydin daawatataan Documentary filmka aadka muhiimka ugu ah cidii arimahaa danaynaysa ee uu leeyahay saxafiga dunida caanka ka ah ee la yidhaa John Bilger waana film Documentary ah oo uu ciwaan uga dhigay ( The comming war on China ) wuxuu filmkani  si buuxda diirada u saarayaa sida Maraykan u hareereeyey Shiinaha ee dhankasta uga degay halka Shiinaha lagu eedaynaayo inuu Jasiirado ka samaysatay bada dhexdeeda waxayna suaashu tahay kee godkiisa loogu glaay oo halkuu degenaa loogu yimi ?

Walaw xaalada dhaqaale ee Maraykan aanay maanta fiicnayn yahayna mid isaga daynta ugu badan lagu leeyahay, sidoo kale Maraykan wuxuu weli ka soo kaban la´yahay dagaaladii uu galay ee Ciraaq iyo Afganistan  halkan Shiinaha iyo Ruushku  soo kabmayeen intaas iyagu walow uu Ruushku hada Suuriya ku hawlanaa hadana waxa cad inuu Maraykan isku dayaayo wax kastoo ku kacaaba haku kacaane inuu hareerayn karo labada quwadood ee gacanhoosaadka yeeshay ee Ruushka iyo Shiinaha.

Doorashooyinka u furan Maraykan arinkan Kuuriyada waqooyi.

 

Xaaladani waa xaaladii koowaad ee Maraykan soo marta inuu wadan Nukliyeer haysta u hanjabo isagoo albaabadiisa garaacaaya, Kuuriyada waqooyi lama mid ahaa Ciraaq ama Suuriyaduu 59 gantaal ku garaacay bishan, lama mid aha Afganistaantuu Qumbuladii qumbuladaha hooyadood ahayd uu ku dhuftay balse waa wadan leh quwada Nukliyeerka , kaas oo duqayn kara dhamaan saaxiibadiisa mandiqadaa haday sida Japan iyo Kuuriyada Koonfureed iyo dhamaan saxiibadiisa kale ee badaa Pacisfiga dheren ilaa la gaadhsiinaayo xeebaha Maraykanka warbixinada qaar .

Dhanka kale waxay Kuuriya xuluf wadaag la tahay Shiinaha waxaana ka dhaxeeya heshiis difaac wada jira. Waxay kaloo Ruushka iyo Shiinahaba uga dhigantahay qodax  ay ku carqaladeeyaan Maraykanka sida uu isba Ruushka Wadamo badan Yurubta bariya ugu Khuukhuuyo sidii tii ugu danbaysay ee Yukrayn halka uu Shiinahana sidoo kale ku khuukhiyo wadamada la jaarka ah ee uu xuluf wadaaga la yahay. Sidaas darteed xaalada Kuuriyada waqooyi maaha mid sahlan waana mid  sababi karta bay tilmaamayaan khubarada dunidu  waayo waxay saamayn toosa la leedahay quwadaha aduunka iskugu neceb ee dagaalka qabowi ka dhaxeeyo.

Si kastaba ha ahaatee waa xaalad halisa oo dunidu aad uga werwer qabto hadiiba ay faraha ka baxdo waxaynu ognahay Trum iyo khibrad yaridiisa waxaa kaloo dunidu ka werwer qabtaa wiilka da´da yar ee haysta  dalkaa Kuuriyada waqooyi , waxaynu kaloo la soconaa xiisada ka aloosan quwadahaa waawayn durba Wuxuu shiinuhu ciidamadiisii soo toobay xuduuda halka Ruushku heegan galiyey gantaalaha ridada dheer si kastoo noqotaba waxaad ka arki kartaa xaaladan iyo siday u adagtahay waxa ugu badan ee mashiinka wax lagu baadho ee Google maalmahan lagu soo celcelinaayey wuxuu ahaa dagaalkii sadexaad ee dunida sidaa waxaa sheegtay maamulka Google.

Guntii iyo gebgebadii ilaahuunbaa garan kara siday beri wax noqon karaan se waxay u eegtahay khatarta ka dhalan karta awgeed inaanay ku dhiiran doonin labada dhanba gacan ka hadal waxaad moodaa in laga jeesandoono bariga dhexe oo in mudo ah lagu mashquuli doono xagaa iyo indhoyarta iyo saancadaaluhu madaxa isla geli doonaan.

wabilaahi tawfiiq

I.C

Leave a Reply

*