Yuu u xidhanyahay Coldoon ?Yuuse ka xidhanyahay Coldoon ?

Yuu u xidhanyahay Coldoon ?Yuuse ka xidhanyahay Coldoon ?

Warsan iyo weedhsan akhyaareey idil ahaantiinba, waxaynu qormadan kooban ku eegi doonaa xaalada nabdoon hadana cakiran ee weriye Coldoon inagoo ka fogaan doonaa gebi ahaanba caadifad haday tahay inaynu la jirno ama aynu ka jirno dhankiisa.

Xuquuqda aadamaha
Noole kasta oo ilaahay kawnkan ku abuuray wuxuu leeyahay xuquuq ama dad ha ahaado ama xawaane  markaynu dib u eegno eebihii kawnkan abuuray ee u dhigay distoorka aadamaha waxaynu ognahay in uu ina abuuray se xoriyad ina siiyey  dhankasta ah iyadoo hadhaw la inaga xisaabinaayo hadana, hadaad doonto waad rumayn kartaa Eebe iyo jiritaankiisa iyo qudradiisaba hadaad rabtona waad ka kufriyi kartaa iimaankuna qasab maaha walow u jeedada ilaahay inoo abuurayba ay tahay inaynu caabudno hadana Eebe hadalkii wuu inoo koobay oo wuxuu hadal ku kooban (kiinii doonaa waa i rumayn karaa, kiinii doonana wuu i dafiri karaa ) walow  xisaabi jirto aakhiro oo uu aayad kale tafsiirkeedu ahaa ma waxaydin u malayn inaanu ciyaar ciyaar idiin abuurnay oo aydaan dib noogu soo noqondoonin  ?

u xidhanyahay Coldoon

Hadal iyo dhamaan ujeedadii ilaahay inoo abuurayba hadii ay ahayd inaynu caabudno hadana taasba uu xoriyad uu inoo siiyey  maqasabaa in  cid kastoo inaga mida umadaa sadexda milyan lagu qiyaasaa inay iskuwada iimaan ahaataa dhinaca afkaarta siyaasiga ah ? weli ma la is waydiiyey maxay xuquuq yeelan doonaan dadka inaga ah ee mabaadi kale aaminsan ama u hanqal taagaba ? miyeynaan ogsoonayn in Israaiilba ay ku noolyihiin ad u yuhuuda se umadooda iyo dawladoodaba la mabaadi ahayn oo aaminsan inay baadil ku dhisan tahay ? Hadii Israaiil oo inaga cadawbadan oo lagu wada xeeran yahay dadkeedii ku dhex noolaa kana aragtida duwanaa xuquuqdooda oo taama ay helaan  maxay kuweenu 25 sano dibadaha la wareegayaan ? Ma is waydiisay hadiiba aynu xaq ku taaganahay maxay hadal wiil meel uu ka yidhi ama qof hadlay mabaadideena iyo dalkaba u gilgishaa ? Hadiiba 25 sano ka soo wareegtay xiligii waraabka lagu bilaabay Shankaroonland miyaanu weli qaangaadhin  oo aanay jiridiisi adkaan geedkii 25sano la waraabinaayey ?

Waxba yaanay suaaluhu ila sii durkina waxay  u muuqataa inay jiraan suaalo badan oo u baahan in mujtamaca looga jawaabo si ka baxsan caadifada iyadoo si cilmiyeysan oo caqliyeysan loo eegaayo dhamaan arimaha ku saabsan xuquuqda muwaadinka iyo xoriyada fikirka hadiiba la xadaynaayo xataa waxaa jirta xuquuqo aadamaha kawnku isku wada waafaqsan yahay oo ah xoriyada aasaasiga ah ee qofkasta sida ( Amaankiisa, dhawrida sharaftiisa, xoriyada wuxuu aaminaayo, xoriyada safarkiisa iwm)

Xoriyada fikirka iyo hidasidaha dhaqankeena.
Markaynu u nimaadno dhaqankeena iyo masalada Xoriyad fikirka  waxaad markiiba dareemaysaa siday u adagtahay  in bulshadeena iyo dhaqankeenaba uu ku dhex noolaado qof ka afkaar duwan bulshada ku xeeran walow kala duwanaanshiiyaha afkaara, dhaqanka, fikirkuba ay yihiin wuxuu eebe inoogu mana sheegto sida aayadaha aynu wada naqaano ee ku bilaabma ( wa min aayaatihii ) oo u dhigan in kala duwanaanshiiyaheenu yahay waxay cadaynaya qudrada eebe  hadii Ilaahay Aadamaha rabo inuu mid ka dhigona midbaabu ka dhigi lahaa se sidaasuu Eebe u abuuray inay ahaadan kala diimo kala afkaar kala afaf kala dhaqamo.

Markaynu u nimaadno dhaqankeenii  waxay Soomaalidu ku maahmaahi jirtay (Maan rag waa mudacyo afkii) oo ah inay adagtahay in ina rag isku si wax u wada arko, arinka walaalkeen Coldoon oo ah marna qof inaga mida marna ah Saxafi badina aan qarsan mawaaqiftiisa  waxa uu mudan yahay in aynu dhinacyo badan ka eegno mar muwaadin marna  ka Saxafi  hadiiba waxa lagu xidhay tahay inuu aaminsan yahay  midnimada asal iyo isireed ee umada  Soomaaliyeed miyaanu xaq  u lahayn inuu ku noolaado goobtii uu ku  dhashay ee uu ka dhashay ? Markaynu u nimaadno isaga maaha Coldoon siyaasi mana aa qof umada xil u haya ee saxafi sida Fanaanka, Dhakhtarka,Abwaanka,Wadaadada diinta, iyo haldoorka umada Soomaaliyeedba maaha kuwo xuduud leh walow saxaafaduba ka sii duwan tahay oo wariyuhu xiliyada qaar u baahdo inuu la kulmo cida aanu doonayn iyadoo war iyo xog kaleba ka gashay awgeed.

Sawir Samays ah Somalilandlive Media/ Xadhiga Saxafi Coldoon

Hadaan u soo laabto arinta dhaqankeena iyo xoriyada fikirka iyo xor u cabirida afkaartu waa dhibaatada ugu wayn ee aynu la wadaagno caalamka aynu ku abtirsano ee Dunida sadexaad lagu magacaabo, waxaynu dhamaan u barbaarnay sidii weel madhan oo ay tahay uun in wax lagu shubo halka dunida kale tarbiyada  ilmaha 5 jirka ah lagu ababiyaa ay tahay in aanu wuxuun qaadan ee uu suaal ka soo celin karo isaguna is waydiiyo. Hadaydin u fiirsateen dunida galbeedka kalmadaha ugu horeeya ee ciyaalku bartaan waxaa ka mida Why ? oo ah Waayo ? wax kastana oo aad u sheegto  ilmaha halkan ku barbaaray wuxuu ku odhan waayo ayey sidaa u tahay ? adna waa inaad u sababaysaa . Bal kasoo qaad ilmahaasi dhaqankeena suaasha ilmaha suaasha badani waxay tilmaami jirta Edeb daro halkan  Wadamadan aynu ilmaha martida ku nahay ee Horumarka sheegataa ay ka aaminsanyihiin ilmaha suaasha badani inuu yahay ilme maskaxdiisu fayowdahay kolkaas soo kaaf iyo kala dheeri maaha. waxay ila tahay aniga Coldoon inay sababta xidhitaankiisu ku sal leedahay degmadiisa oo ah mid dhaqankeedu yahay kaa aynu soo sheegnay, waxaanu u xidhan yahay dhaqankeena oo ah midaan aqbali karin afkaar kale.

 

Markaynu u nimaadno Coldoon iyo xadhigiisa, dhankiisa  iyo waxay saamayn ku yeelan karto waxay ila tahay inaanay waxba ka dhimidoonin bale magaciisii uun bay sii caanbixiyeen iyagoo dadkii taageersanaana uu ku sii dhex faafi magaciisu uun. dhanka dawalda markaynu u nimaadno waxay suaasha ugu wayni noqon muxuu wiilka saxafiga ah ee kaligii ah Somaliland oo 25sano la waraabinaayey jirideeda  yeeli karaa ? hadiiba Somaliland halqof u dulqaadan wayday ma wayxay u dulqaadan karta cadow iyo afkaar kaloo ku soo burqata ? Mise baroortu orgiga ka wayn ee wax kalaa jira. Isagoo muwaadina oo aaminsan fikirkiisa xora miyaanu ku soo laaban karin dalkiisii ? waxa aynu sheegano ee ah Dimuquraadiyada, sinaanta, xoriyada fikirka, iwm ee ku qoran distoorkeena xagey mareen ?

Cida uu ka xidhan yahay iyo ciduu u xidhan yahay. 

Coldoon oo aynu wada naqaano saxaafadiisa  ugu wayna ay ahayd mid hanuunin iyo taageerid hadba cida tabaalaysan ahayd. Marka laga yimaado afkaartiisa wuxuu u baahidooda gaadhsiin jiray meeldurugsan hadba cida u baahan in la kaalmeeyo bale dad qudha kuma koobnayn ee waxaynu naqaanaa ilaa mayeedhaanka inuu cod sare ugu baaqi jiray waxaana tusaale inoogu filan dameerkii uu ku caan baxay ee Burco. dhanka madadaaladiisu waxay ahayd mid ku qotonta taariikh facwayn iyo  isir raaca dariiqa saxda ah ee hidaayada eebe sida barnaamijkiisii suaalaha, intaasoo dhami oo jirta kama maydhayso wuxuu aaminsanyahay wuu aamin san yahay se waxa ila haboon in la eego dadkii isaga u baahnaa ee jilicsanaa ee uu warkooda meel fog gayn jiray.  Miyuu amaanka wax u dhimay? miyaa looga shakiyey hawl galo kale ? Miyey jiraan eedaymo kale oo lagu eedaynayaa oo aan ka ahayn mabda´a uu aaminsanyahay ee ah Soomaalinimada ? waxa ila haboon inaynu hadaynu dhaqankeena diinta Islaamka raaci waynay inaynu ka gaalada wax kaga dayano dhanka Xoriyada iyo in qofka looga faaiidaysto dhanka uu faaiidada ku leeyahay  wuxuu doono ha aaminsanaadee. Se inay umadaydu noqoto mid qofka dhankuu faaiidada ka leeyahay ka maasha fikirkiisa u dhaafta waxay u baahantahay qarniyo.Hadaan u nimaadno ciduu u xidhan yahay waa nidaam dawli ah oo bulsho isku waafaqday waana dawladiisii iyo dadkiisii  oo u baahan inuu difaaciisa adkaysto burhaan la yimaado halka xukuumaduna la gudboon tahay inaanay hebelo u adeegsan hadba qaanuunka sida ay rabaan sidii wadaadkii la sheegaayey la joojiyaan banaan la jiifiyaana banaan, waxay tahay  inay dawladu ogaato in Sadex miylan oo qof aanay isku afkaar noqon karin oo ay jiraan dadaan ku qanacsanayn afkaarta siyaasiga ah ee meesha taala hadana waa muwaadiniin maxaa laga yeeli ? waa suaasha ugu wayn ee u taala inay meel dhigaan jawaabteeda iyadoo la ilaalinaayo xoriyada fikirka dalka aanu ugu dhicin nabaad guur inaga qabsada dhinaca Afkaarta xorta ah iyo inuu muwaadin kastaa cabiri karo fikirkiisa intii uu la dhuuman lahaa. Madaxdaydu ma ogtahay in wadamada Reer galbeed in axsaabtii midigta fog la furay oo loo ogalaaday  inuu qofku fikirkiisa cabiro intii uu xagjir noqon lahaa. Dunida aynu ku abtirsano ee Islaamkaba Argagixiso maad maqasheen hadii la ogolaan lahaa cid kastaba inay fikirkeeda si xora u cabirto hadal iyo dhaman waxba yuu hadalku ila sii durkina umad ahaan iyo dawlad ahaanba waxaynu u baahanahay inaynu wax badan dibu u eegno

Wabilaahi Tawfiif I.C

Leave a Reply

*