Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Oo Ka Qayb-galay Munaasabad  Daafurka Codbixiyaasha

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Oo Ka Qayb-galay Munaasabad Daafurka Codbixiyaasha

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI

 

 

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Xisbiga WADDANI, ayaa maanta ka qayb-gelay munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada Boorama, taasi oo ahayd mid lagu daah-furtay bixinta kaadhadhka codbixiyayaasha oo maalinta sabtida ee fooda inagu soo haysa si rasmi ah uga bilaamidoona gobolada Awdal Selal Iyo Saaxil.

Munaasbada oo ahayd mid aad u heersaraysa oo ay soo qaban-qaabiyeen guddida doorashooyinka qaranka Somaliland,ayaa hoggaamiya Xisbiga mucaaradka ee WADDANI Xirsi Xaaji Cali ayaa uga mahad-naqay komioshanka doorashooyinka Qaranka dad’deel ay muujiyeen, isagoo sheegay in ay ixtiraam weyn u hayaan ka xisbi ahaan Guddida.waxana kamid ahaa haddaladiisii “Komishanka doorashooyinka qaranku waxay leeyihiin doorka in ay Xisbiyad tartan siiyaan oo uu si cad awoodooda u qayaxayo xeerka law 20-ti iyo xeerarka kale ee soo raaca. Ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi Xaaji Cali

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Ee WADDANI Xirsi Xaji Cali oo haddalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray”Runtii waan ixtiraamaynaa iga, annagoo aan leenahay iyaga shurucdaa haka shidaal qataan sida ay iminkaba ugu shaqaynayaan.”Ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi

Dhanka kalena Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali ayaa markale ku celiyey in aanu Xisbiga WADDANI marnaba ogalaan-doonin guddiga lagu sheegayo Mus-danbeedka guddiga doorashooyinka ee Madaxweyne Siilaanyo ka dhawaajiyey inuu soo magacaabayo, “Horena waan uga haddal-na ka Xisbi ahaan musdan-beedka iminkana mawqfikayagu musdan-beedkaa la sheegayo waxaan leenahasy harciga mahaa

Ugu dambayntii Hoggaamiyaha Xisbiga muacaaradka ah ee WADDANI Xirsi Xaaji Cali ayaa bulshada ku dhaqan gobolada Awdal iyo Selal ugu baaqay in ay qataan kaadhadh-ka Codbixiyayaasha, kana faa’iidaystaa mudda’aa yar ee ay gobolada ka socoto qaybinta kaadhadhkla codbixiyayaashu, waxaanu ku booriyey in ay nabad-gelyada illaaliyaan oo ay xoojiyaan.

 

 

Leave a Reply

*