Muxuu salka ku hayaa dagaalka afka ah ee Muuse bilaabay?

Muxuu salka ku hayaa dagaalka afka ah ee Muuse bilaabay?

Miyuuse Xirsi uga dhiganyahay Ciro

Wacanoo wanaagsan akhyaareey idil ahaantiinba, waxaynu qormadan kooban ku eegi doonaa dagaalka afka ah ee uu gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye ku qaaday madaxda xisbiga mucaaridka ah ee Wadani. Waxanaynu si gaara u dul istaagi doonaa qodob qodob hadaladii gudoomiye Muuse iyo weerarkii qayaxnaa ee uu ku qaaday madaxda Wadani ee Ciro iyo Xirsi.

Marka dhacdooyinka siyaasiga ah la falanqaynaayona waxaa loo eegaa waqtiga,goobta iyo dhacdada sidaas darteed waxaynu isku dayi inaynu jawaabo ugu heli karno suaalo ku saabsan arimahaa sida: Muxuu ugu beegay gudoomiye Muuse weerarkiisa amintan iyada ah? Muxuuse gaar ugu magacaabay Ciro iyo  Xirsi ?  Miyuu Xirsi uga dhiganyahay Ciro,wuxuu Kaahin uga dhigan yahay Muuse ? Keebaa nabaradii uu bulshada u gaystay weli  la dhayaa  muuse mise Xirsi? Suaalahaa iyo kuwo kaloo badan baynu isku dayi inaynu jawaab ugu helno qormadan.

Muuse iyo dagaalkiisa afka ah ee  hada iyo Istiraatiijiyada uu ka leeyahay.

Markaynu dul istaagno dhacdadan hada inagoo u eegayna aminta iyo danta uu ka yeelan karo mudane Muuse waxaynu ka istaagi marka hore dhanka waqtiga oo ah xiliga uu ku beegay dagaalkiisan, waxaynu la soconaa in dagaalkiisa ay ka horeysayba qorshe la rabay in lagu carqaladeeyo soo dhawayntii madaxda Wadani kaas oo bariiqday ka dib markii madaxda ciidamada Boolisku ka biyo diideen awaamirta qaar taas oo markii danbe sababtay in xilkiiba laga xayuubiyo 26kii bisahan  Mr Ducaale oo ahaa madaxii hawlagalinta  Ciidamada Booliska.

Waxaa ku xigtay taas dhacdadii shalay ee Muuse afka ku furtay isagoo toos u abaaray Ciro iyo Xirsi. Hadaba amintu maxay tahay? Si kooban inagoon soo warwareeginba amintu waxay tahay xili ay madaxda wadani ka soo laabteen safaro dibadeed iyo safar dheer oo mudo ay ku maqnaayeen waxaa madaxda Wadani intii ay maqnaayeen lagu casuumay iyadoo lagu xog waraysanaayey  goobaha lagu falanqeeyo siyaasadaha aduunka sida (Chatham House) oo ku yaala dalka Ingriiska kaas saamayn wayn ku leh siyaasadaha dalkaas si gaarana ugu kuur gala arimaha bariga dhexe oo aynu ka midnahay wadamada  kulaala  mandiqadaas iyada ah.

Waxaa kale oo lagu casuumay aqalka kale ee kaas u dhigma ee lagu falanqeeyo siyaasadaha dunida ee ku yaala dalka hogaamiya dhaqaalaha Yurub ee Germany waana aqalka loo yaqaan (Friedrich Ebert Stiftung) waxaana golahaas dhexmaray kulamo kala gaara oo lagu gorfaynaayey xaalada Somaliland. Waxa kale oo ay madaxda Wadani la soo qaateen kulamo kala duwan Jaaliyada iyo taageerayaasha xisbiga Wadani ee qurbaha, isku soo wada duuboo waxay madaxda Wadani soo mareen badi wadamada waawayn ee galbeedka Yurub sida: Ingiriiska, Jarmalka,Austeria iyo  Sweden waxaana madaxda Wadani laga sugaayaa warbixino kala duwan oo ku saabsan safarkoodaa iyo wixii u soo qabsoomay.

 

Sawir-Samays ah Aminarts / Faqaynta SomalilandlIive Media

Waxaa xusid mudan inay Muuse iyo Kaahin iyaba u boqooleen dhankaa iyo Kenya halkaas oo siday sheegeen la soo kulmeen madax reer Galbeeda kuwas oo muuqaaladooda laanta hawada lagu sii daayey iyagoo wada cashaynaaya sidaas darteed is barbardhiga labadaa safar waa kann wadani ee wadamdaa uu ku soo maray iyo ka Kulmiye ee uu Nairobi ku tagaye ayaan noqon karin wax la is barbardhigo sidaasdarteed si uu Muuse uga mashquuliyo Guulihii ay ka soo hooyeen safarkaas madaxda wadani waxaa uu bilaabay dagaal hor leh ujeedadaduna waa inuu ka mashquuliyo xogwaranka bulshada ay u xogwarami rabaan madaxda Wadani.

Waxaanu Muuse rabaa inuu ku  jeediyo dagaalkaas oo ay madaxda Wadani weerar celin hor leh galaan iyagoo ilaabaayaba ujeedadii safarkii ay u baxeen . Balse waxay suaashu tahay miyey madaxda wadani sidaa u dareensanyihiin ? Waa suaal jawaabteedu u taalo maxadxdaas wadani.

 

Yaa boogihii uu bulshada u gaystay weli la dhayaa Muuse mise Xirsi?

 

 

Markaynu hada dul istaagno weerarkii Muuse wuxuu si gaara u  abaaray Xirsi oo u soo jeediyey eedo badan kuwaas oo uu ku eedeeyey inuu kusoo caanbaxay xilkii Kulmiye iyo inuu awood aanu lahayn adeegsan jiray taas oo uu si qaldan u adeegsaday halka uu sidoo kale ku eedeeyey inuu sumcad xumo uga tagay xisbiga ka dib markii uu nabaro badan u gaystay xisbiga, hadana ay ku hawlanyihiin sidii ay u dhayi lahaayeen boogahii uu Xirsi u  gaystay bulshada.

Hadaba hadaynu miisaano hadaladaa arinku ma sidaasaa? Si aynu jawaan kooban ugu helno bal aynu gadaal ugu noqono Xirsi iyo waayadiisii uu xilka u hayey Kulmiye, sidaynu la wada socono wuxuu wiilkan yar ee Xirsi ee waliba  xarfada badani ka soo qabtay xilka ugu awooda badan Somaliland ee ah Wasiirka madaxtooyada. Waxaanu aad ugu soo caanbaxay xilkaas isaga ah, hadaba aynu eegno waagiisii iyo Xirsi wixii soo caanbixiyey.

Badi guulaha uu xisgiba Kulmiye sheegto waxay dhaceen intii uu Xirsi taladaa hayey waana waagii mashaariicda ugu badan dalka laga fuliyey kuwana loo sii gogolxaadhay sida dekeda Berbera oo kale. Waxaa dalka ka bilawday mashaariicdii dhismihii wadooyinka bari iyo Galbeedba, waxaana aad dardar loo galiyey hawlaha kala duwan ee dalka ka socday sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha Iwm.

waxaa kale oo aad loo xusaa in haykalkii dawladeed uu soo dhismay dhamaan guulahaas oo dhan looma tiirin karo xirsi se wuxuu ku lahaa gacan libaax dhamaan waxaa aynu soo sheegnay oo dhan, taasi waxay sababtay inuu ka magac iyo muuqaalba roonaado dhamaan kuwii siyaasada ku soo jiran 50 sano ee ina dhaafay oo xataa xiliyada qaar uu ka faano horeeyo madaxwaynihiisii oo ahaa Siilaanyo taas oo sababtay in aad loo hadal hayn jiray wiilkan yar ee xariifka ah ee sida lama filaanka ah shoolada ugu dhacay madaxtooyadii dalka.

hadal iyo dhamaan wuxuu noqday shakhsiyadii xiligaas ugu hadal haynta badnayd ama hala amaano ama halaba caayee hadal wuxuu ku eekaa inuu ahaa qofka ugu hadal haynta badan  marka la isku geeyo xisbiga gebi ahaantiiba, markii uu baanay isagubana wuxuu sheegay inaanay jirin wax isiga ka danbeeyey oo la xusi karaa oo uu kulmiye la shiryimi mashaariicda hada jiraa iyo kuwa la dhamaystirayna ay yihiin kuwo isagu gacan ku lahaa.

Hadal iyo dhamaan intii Xirsi talada dalka uu  hayey dagaal sokeeye ma dhicin, reero iskumay madhan, kamaynu qaxin dhulkeenii bale waxaaba lagu xusi karaa mashaariic hirgashay xiligiisii kolkaa suaashu waxay tahay maxay tahay boogaha uu ka tagay xirsi ? Sidoo kale kan eedaynayaa miyaanu Muuse ahayn? Halkii mar ee uu talada dalka soo qabtay maxaa dhacay ?  Muuse sida Xirsi ayuu ka magac iyo muuqba waynaaday madaxweynihiisii Cigaal se suaashu waxay tahay: Muxuu Muuse ku caan baxay ? Muxuuse Xirsi ku soo caanbaxay? Boogaha uu Xirsi ka tagay ee ka wayn boogihii uu Muuse ka tagay ee ilaa maanta la dhayo lana rabin in daboolka laga qaado daqiiqad kastoo la carabaabona uu dalku gebi ahaanba gilgilan karo maxay yihiin ? aan idiin dhaafo idinka.

Wuxuu  Xirsi uga dhigan yahay Ciro iyo wuxuu Kaahin uga dhigan yahay Muuse iyo Ujeedada weerarka Muuse ee Xirsi ku aadan.

Qaybtana waxaynu ku eegi shaxda ay dheelayaan labada gudoomiye ee kala ah Ciro iyo Muuse kuwaas oo midiba godka irmaanta shaxda raba inuu ku qaado iyagoo kala adeegsanaaya laba god oo isku habara  waa Ciro´e  wuxuu Ka ciyaari rabaa habarta wiilkeeda yar ee xariifka ah kaas oo ku soo hoos  barbaaray gacantii habarta duqeeda  hawlgabka ah ee mudane Siilaanyo.

Halka Muuse uu ku guuri rabo godka habarta kornaylkeeda hawlgabka ah kaas oo ay isla soo rafaadeen mudooyin badan. Waxaanay Kaahin iyo Xirsi wada dheelayaan ciyaartii xadhig jiidka kaas oo ku salaysan masiirka beesha ay ka soo kala jeedaan waxaanay ku loolamayaan sidii midba dhankiisa ay beeshu ugu soo xaglin lahayd.

Sidaas daraadeed wuxuu Muuse dheelayaa ciyaartii saxda ahayd ee ah in intii uu duri karo uu duro wiilkaa ka hoos baxay ee khatarta ku ah damacii Gaashaanbuurta, waxaydin u jeedaana waa dagaalka nooca loo yaqaan (Character assassination) ama waxaynu u noqaan kaadhka gubid sidaas darteed baroortu orgiga ka wayn oo waxa la isku hayaa ka fog intan inoo muuqata.

Gebagebada sheekada iyada arinta labada gudoomiye waxaynu ku dhaafaynaa waa rag is haya oo la yaabi mayno se waxaynu qormadan uga danlahayn inaynu diirada saarno sirta ereyga ee ku duugan weerarkan isaga ah. Hase ahaatee labada nin ee loolamayaa waa u sharaf in midba midka kale deedafeeyo isagoo soo bandhigaaya wuxuu isagu rabo inuu dadka ku qanciyo kaydka labada gudoomiyena waa mid cad oo caad saarnayn midba wuxuu dhitaystayna umadu way ku xisaabin.

wa bilaahi tawfiiq I.C

Leave a Reply

*