MADAXWEYNE FARMAAJO OO LAGU SOO DHAWEEYAY ADIS ABABA

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LAGU SOO DHAWEEYAY ADIS ABABA

Madaxweynah dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftigiisa waxaa garoonka Bole International Airport ee Adis Ababa ku soo dhaweeyay musuuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaara Itoobiya Hailemariam Desalegn, madaxweynah dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya  Cabi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Itoobiya.

Madaxwayne Farmaajo Raysal .Itoobiya

Sidoo madaxweyne Farmaajo ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Baanbowda dowlada Itoobiya oo hab maamuul ah u soo dhaweeyay.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftigiisa ayaa la filayaa in ay muddo labo Bari ah booqasho ku joogaan Itoobiya , iyaga oo la kulmi doona masuuliyiinta ugu saraysa dowlada Itoobiya.

Leave a Reply

*