Wasaarada Arimaha Debeda Jarmalka oo Warbixin Wiswis Leh Kaqortay
Qoraal dheer oo lagu Baahinayay boga internetka ee Wasarada Arimaha Debeda Dalka Jarmalka ayaa Soobandhigay Xaalad murugo badan oo uu Somalia kusoo arkay Wasiirka Arimaha Debeda ahna Raysal Wasaare kuxigeenka Jarmalka Sigmar Gabriel, Warbixinta ayaa lagu Sheegay in Safarka Weftiga Dublomaasiyiinta ah ee uu Hogaaminayay Wasiir S.Gabriel ay Safarkooda Kabilaabeen Magaalada muqdisho Halkaas oo ay Gaysay Diyaarada ay Leeday Qaramahada Midoobay taas oo Uqalabaysan in lagu Gaadho Goobaha aan Amaanka Buuxa Lahayn Sidoo kalana anay kajirin Garoono Diyaaraduhu Fadhiistaan oo Amaankoodana lahubo.
Wasiirku waxa uu Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kula kulmay Masuuliyiin Xukuumada Somalia kasocoday oo Laga Xusay Raysal Wasaaraha iyo Wasiirka Arimaha Debeda Somalia, waxana kulanku kadhacay Dhismayaal Sida Koonteenaro ah oo kudhexyaala Madaarka Halkaas oo ay Xarumo kuleeyiin Haayadaha Qaramada Midoobay iyo Wadamo Beesha Caalamka qaar kamida iyo Ciidamada Amazon.
kulankaas Kadib Waxa Weftiga Dublomaasiyiinta ahaa ee uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Debeda ee Jarmalka Sigmar Gabriel ay Usafreen Magaalada Baydhaba Halkaas oo ay Weftigu Indhahooda kusoo Arkeen Xaalad ay Nooceeda Waligeed Aduunka ku arag, Waxana ,,
Waxana Warixinta Lagu Yidhi Inkasta oo Wasiirka iyo Diblamaasiyiinta lasocotay ay Safaro kumareen Meelo badan oo aduunka kamida hadana Safarka baydhabo waxa uu ahaa mid Xasuus Xanuun badan kureebay waxana ay soo arkeen Xaalad aanay Waligood meel Aduunka kamida ku,arag.
Safarka Baydhaba ma ahayn mid Maskaxda kaguuraya , waxana uu kubilaawday Gaadhi Nooca gaashaman ah oo Wefta lagu Dhexmariyay magaalada Baydhaba wixii aanu Daaqada Baabuurta ka arayn ayaa ahaa Raadka Xun ee ay Katagtay Colaada Somalia ee Daba dheeraatay in kabadan 24 Sanno oo Colaado Sokeeye Dagaalo Argagixiso, Dawlad Xumo iyo Musuqmaasuq ayaa Dalkaas kadhigay kan ugu Amaanka Xun Aduunka oo dhan uguna Saboolsan iyada Xaalada Macuul ah ay 65% in kabadan Dadka Baydhabo kunoolyiin .
Dhoobada Baabuurtu kulinbatay iyo Qashinka Dariiqyada Tuulan burburka Guryaha iyo Xoolo Riyo ah oo Qashinka Magaalada dhexyaala Cunaya, Haween iyo Caruun Darxumo Kamuuqato ayay indha Weftigu Qabanayeen, intii aanu Jirinay Safar Wasiirka lagu Sootusayay Xeryo ay kujiraan 130,000 oo Barakacayaal ay Abaartu Saamaysay Kuwaas oon haysanin wax ay Quuntaan Xataa hal wakhti oo Noloshooda kamida, waxana dhibta iyo Darxumad aad ka arkaysaa dushooda, ayaa Lagu Yidhi Qoraalka lagu Daabacay Boga Wasaarada Arimaha Debeda Jarmalka.
Aamaan Darada Somaliya kajirta
Xaalada Amaan Xumo ee Somalia ayaa ah mid Caqabad wayn ku ah in Gurmada Balaadhan Lawada Gaadhsiiyo Dalka oo Dhan maadama uu Dalku Gacanta ugu jiro Maleeshiyaad Islaamiyiin Mayal Gurac, Waa Markii ugu Horaysay Taariikhda oo Wefti Miisaankaas Leh oo Kasocda Dalka jarmalku Bookhdo Magaalada Baydhabo, waxana Xaalada Amaan Xumo Darteed Laqariyay Bookhashada Weftiga, Waxana Amaanka Sawiirka iyo Weftiga lasocday Sugayay Ciidamo Tababar Gaaraqaba oo katirsan Bundespolizei- ee Dalka Jarmalka Kuwaas oo Kuhubaysnaa Hub Culus Qofkasta oo Weftiga kamid ahaa ayaa waxa looxidhay Jaakada Rasaasta Celisa Waxana Waxana Lagu Sameeyay Baadhitaan Caafimaad oo Xataa lagu Sii Ogaanayay Nooyada Dhiigooda waxana uu ahaa Safar aan Maskaxda Weftiga Siyar uga Bixidoonin.

Askari Jarmal ah oo Baydhabo Kusugan Sugayana Amaanka Weftiga Jarmalka ee Baydhabo Bookhday Xerada Baro kacayaasha ee Hilac. 01.05.2017, Baidoa. Copyright: Inga Kjer/photothek.net
Wasiirka Arimahada Debeda Jarmalka Sigma Gabriel oo Turjumaan Kaashanayay ayaa Barakacayaasha Xerada Hilaac kujira ubalan Qaaday in Jarmalku Laba Jibaari Doono Mucaawinada uu Somalia Siito taas oo hada dhan 14o,Milyan sida Warbixinta lagu Sheegay, Balse intaas oo kaliyi waxbadan kamaqaban karto Xaalada Somalia oo hada Qarka u Saaran in ay kadhacdo Musiibo Dabiiciya oo Abaaraha iyo Colaada Dalkaas haysaa Sabab uyihiin waxana uu Beesha Caalamka ugu Baaqay siwada jira ah loogu gurmado Somalia lana mideeyo Dedaalka lagu Caawinayo Dadka Abaaruhu Saameeyeen kuwaas oo Xaalad Dhimasho ah hada Kujira.

Wasiirka Arimaha D. Jarmalka S. Gabriel oo Lasawiran Barakacayaasha Xerada Hilaac ee Badaydhao Copyright:- Auswärtiges Amt
Somalilandlive Media
Xigasho/ Ausärtiges Amt
Leave a Reply