Heshiiska Berbera Faaido iyo qasaare.Saaxiibadeense haday inala yeeshaan ?

Heshiiska Berbera Faaido iyo qasaare.Saaxiibadeense haday inala yeeshaan ?

Heshiiska Berbera Faaido iyo qasaare.Saaxiibadeense haday inala yeeshaan maanta ma ina yeelandoonan beri ?

Heshiiska Berbera Faaido iyo qasaare Warsan iyo weedhsan iyo akhyaareey idil ahaantiinba, waxaynu qormadan kooban ku baaladaymoondoonaa mashruuca dekeda Berbera oo aad moodo beryahan in buunbuunintiisu aad inoogu badatay, waxaynu kolkaa dul itaagidoonaa dhinacyada kala ah DP World, Somaliland iyo dhankeeda, Itoobiya iyo heshiiska Berbera ka saamayn ahaan hada iyo mustaqbalkaba.

Sawir kooban hadaynu ka bixino shirkada DP World .

 
Shirkadan DP World oo kamida shirkadaha ugu waawayn dunida ee maamula dekedo badan oo ku yaala  dunida, waxay  maamushaa in ka badan 77 Terminal oo ku kala yaala 40 wadan oo kusii kala yaala 6da qaaradood.  Waxaanay ku jirtaa 4ta shirkadood ee ugu waawayn dunida ee dekedaha maamula, sanadii 2015 waxay dunida u kala dhoofisay 61.7 Kontaynar  ama loo yaqaan TEU (Twenty foot equevalent unit) Markaynu eegno wadanka iska lehna waa wadamada ugu koboca iyo dhaqaalaha badan gobolka Khaliijka, waxaana ku taala xarunta ganacsi ee ugu muhiimsan Bariga dhexe ee Dubai ama lagu naanayso   Singapure ta Bariga dhexe.Dhinaca siyaasada waa xidhiidh dhaw la leh wadamada Reer Galbeed.

DPWord Ma mawqiceenaa inoo keenay mise sababo kale ?

Maqaalka Wareejinta Deleda Berbera

Shirkadan oo sidaynu soo sheegnay  dekedo badan maamusha waxa marka hore la is waydiinkaraa maxaa inoo keenay ? ma baahi ay inoo qabto mise sababo kale ? Sidaynu la wada socono waxay shirkadani maamuli jirtay dekedaha Jabuuti iyo Yemenba  oo labaduba labada dhinac inaga kala xiga  inagana sii muhiimsan hase ahaatee waxaa inoo keenay wuxuunbay tahay sidaydin wada ogtihiin Jabuuti oo khilaaf xoogani ka dhex dhacay oo ay ilaa hada maxkamad iskula jiraan ka dib markii ay ka dal doorsatay Jabuuti kana baxday heshiiskii ka dhaxeeyey labadooda.

HalkaHeshiiska Berbera Faaido iyo qasaare dhanka Yaman aydin hada ogtihiin xaalada ay ku jirto Yamani, waxay sidoo kale hadaba maamushaa DPWorld  dekada dalka Eriteriya oo inaga sii xigta dhanka Zues kanaal hadii cilaaqaadka Itoobiya iyo Eriteriya maruun hagaagana inooga dhaw inaga,  horena iyaday u isticmaali jirtay  wixii ka horeeyey dagaalkii ka dhex qarxay labadooda , Waxaa kale oo jirta oo in Shiinaha dedaal dheeraada ku wado Jabuuti iyo Itoobiya haday tahay dhismaha dekedaha Jabuuti iyo dhismaayasha tareeno iskaga kala goosha Itoobiya iyo Jabuuti iyo sidoo kale xoojinta ganacsi ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Shiinaha .

Hadii sida uu wax u wado wax u socdaan wuxuu ku dadaalayaa Shiinuhu inaanay Itoobiyi meel kaleba u baahan marka la eego dhismayaasha uu ka wado dekedaha Jabuuti  iyo dhismaha wadooyin isku xidha labada wadan oo ay ku jiraan Tareenadu waxayba u muuqataa in badi baahiyaheeda ay kafayn karto.  Ilaa hada sida ay warbixinada qaar  tilmaamayaan baahida Itoobiya  Berberi ma kifayn karto  xataa %25 sidaas awgeed waxaad moodaa inay ku jirto buunbuunin la xad dhaafiyey dhankeena .

Danta ugu muhiimsan ee ay DPWorld ka leedahayna mashruucani waa in wadamada ku xeeran Itoobiya aanay waayin hadii ay wayday Jabuuti waana sababta ay u qaadatay Eriteriya iyo Somaliland iyadoo kula gorgortamaysa Shiinaha  sidoo kale isku dayeysa inaanay waayin Itoobiya oo u ahayd macmiil muhiima halkaas. Waxaa kaaga soo baxaaya  halkaas hadii ay ciyaartu ugu socon lahayd sidii ay rabtay DPWorld  inaanay jirilahayn wax baahi ah oo ay u qabto Berbera laakin horaa loo yidhi “cid dhibteedu cid kalay dan u tahay “. Heshiiska Berbera Faaido iyo qasaare

Waxay Berberi inooga dhigantahay inaga  “Shacab„ waxay Berberi Kulmiye uga dhigantahay.
Markaynu ka dab qaadano  badi dareenka shacabka  marsadan yar ee kooban oo inay waxnoqotaa u baahan tahay mudo,haday tahay dhismaheeda iyo haday tahay dhisida xidhiidhka caalamiga ahba waxay dadka caadiga ahi ku halbeegsanayaan inay wax ka tari karto dhaqaalaha dalka. Waa run oo taasi ma qaldana se suaashu waxay tahay  jeebada ayo ayey ku dhici ? ma dadka wax loogu qaban oo iskuulaa loogu dhisi ? ma wadooyin baa loogu dhisi ? ma Cisbitaalaa loogu dhisi ? Mise hebelo aynu isla naqaano ayey ku dhici jaabadooda ?

Runtii  horta berberi maaha wabi lacaga oo Somaliland oo dhan gaadhaya balse waa il dhaqaale oo xadidan waxtarkiisuna xadidanyahay iyo saamayntiisuba. Sidaas awgeed wuxuunbaa intifaacsan kara inta ku xeeran iyo qabqablayaasha hadaba ku xeeran, waxaa intaas sii raaca saamiga  ku soo hagaagaya Somaliland oo yar kaas oo waliba dhexda ay usii fadhiyaan inamadeenii xarfaanta ahaa ee khubarada ku ahaa sida wax loo cuno.  Waxaa intaas sii raaca sida musuqmaasuqu u hadheeyey xukuumadan hada talada haysa , waxaa intaas ku sii daraynaa arintii qabyaalada iyo saami qaybsigii Somaliland gudaheeda oo iska daa wax kalee xataa shaqaalaha loo eegaayo waa qoloma iyo reer hebel intee uga shaqaysa?

27 sano ee ay Somaliland ku dhawaqday dibu soo laabashadeeda yaa maala Somaliland ? dadkii u baahnaa ee waxmagaratada iyo geeljira reermiyiga ah intay ku intifaacsadeen jiritaanka Somaliland weli iskuulo ma loo dhisay? Weli caafimaad halkood maloogu geeyey ? Weli ma gaadhay wax raada oo Somaliland leedahay Bari iyo Hawd Waqooyi iyo Koonfurba  ? Hadaa yaa intifaacsada Somaliland ? Jawaabtu waa inteena reer Magaalaha sheegata oo waliba ku sii kala dulman dheefta kolkaa runtu waxay tahay waxbadan oo ay inaga badalaysaa way iska yartahay  ee waxba quudaan jirin qoryo ha u guranina.Bale waxaaba dhici kara inay khilaafyo hor leh ino horseedo iyo qabiil hebel baa u batay  iyo inagaa iska leh iyo wax lamida.

Markaynu u nimaadno Kulmiye iyo waxay uga dhigantahay  tahay oo qudha olole doorasho iyo wax u dhigma guulaha kacaanku gaadhay, waayo  arintan oo kale waxay ahayd inay Istiraatiijiyadi  ka taalo khubaro loo saaro sidii looga faaiidaysan lahaa arintan haday tahay dhanka Itoobiya iyo DPWorld ba  iyadoo la iswaydiinaayo maxaynu kula gorgortanaa ? se  wax qorshe ah oo yaala hore iyo diba ma jiro  haday tahay waqtiga dhaw iyo haday tahayba waqtiga soo socda ee fog .!Heshiiska Berbera Faaido iyo qasaare! Musiibada ina haysatana waxaynu kala mid nahay wadamada dunida sadexaad waayo wadamada dunida sadexaad hadaad madaxa hantido dalka dhan gacantaaduu ku jiraa sidaa awogeed cid kastoo damac ka galo wadan nidaamkeenoo kale leh waxay ku dedaalaan  inay hantaan madaxa wadanka . Heshiiska Berbera Faaido iyo qasaare!  arintani waxay uga dhigantahay wuxuu kula gorgortami Itoobiya gaar ahaan Muuse uu hor dhigi si ay u taageerto murashaxnimadiisa.

Haday Itoobiyi Berbera inala yeelatay, ciidamo hantideeda u ilaaliya ma keeni doontaa ?
Sidaynu  la socono guud ahaanba Saamaynta wayn ee ay inagu leedahay Itoobiya haday tahay dhaqaale dhaqan iyo siyaasadba waxay maanta   saami ku yeelandoontaa hawlbawlihii dhaqaalaha dalka ee Berbera waxaanay tahay macmisha ugu wayn ee adeegsan doonta waxaanay halkaa kala soo degi doontaa badeecadaheeda iyadoo waliba saami ku lehna dekeda hadaba suaashu waxay tahay maxaa diidi kara beri haday sida DPWorld tidhaa ana waxaan ilaashanayaa hantidayda waxaanan u baahanahay saldhigyo .

Muxuuse saldhiga Itoobiya siinaa kaga duwan yahay kuwa hadaba aynu bixinay? Itoobiya weli ma cadawbay inoo tahay saw saaxiibtinimoba intaynu isla dhaafnay walaaloba ma nihin sida madaxdeenu badiba ku dhawaaqaan ? ma wax fog baad u aragtaa beri inay dhacdo inay ciidamo Itoobiyaani yimaadaan dalka saldhigyo ku yeeshaan wadadaa dhereren ilaa Berbera ilaa wajaale  oo askariga xabashiga ahi intuu suuqa u soo dhaadhaco kaala adeegto suuqa  isagoo ku gaashaaman hubkiisa iyo dirayskiisaba ?

Ma wax fog baad u aragtaa inay dhici doonto in loo gooyo dhul ay iyagu galaan oo qudhi xeryahoodii iyo reerahoodaba duleedka magaalooyinkeena ? Waxba yuu hadalku ila sii durkine dhamaan arimahaas aynu sheegnay waa wax iman kara  suura galna noqon kara se suaashu waxay tahay adeeradeen ma ka eegeen dhankaa ?  sikastaba Itoobiya xaq bay u leedahay markay ka dabqaadato doodaa an soo bandhigay kolkaa beri yaan la caban uun .

Hada weli waxbay inala leedahay Itoobiya ee siday inoo yeelandoontaa Beri ?
Guud ahaan anoon ku dheeraanayn walaalaheen Itoobiya iyo saamayntooda ay ku leeyihiin Soomaali guud ahaan  waxaan wax yar dul istaagi doonaa saamaynta gaarka ah ee ay inagu leeyihiin waa Somaaliland´e  hada inagoo uga tusaale qaadanayna beri iyo siday wax u ekaankaraan.

Maanta Itoobiya waxay inooga dhigan tahay marinka qudha ee siyaasiyiinteenu iyo dadkeenu  dunida usii maraan, dhanka siyaasada  waxa si toosa aynu u hoos tagnaa Adis siyaasigeena kasta oo dunida u baxaaya wuxuu Visaha ka sii qaataa safaaradaha ku yaala Adis. Madaxdeenu intaanay usii bixin dunida inteeda kale waxay kulamo lasii yeeshaan madaxda dalkaas.

Dhanka dhaqaalaha marka la eego inagu Itoobiya waxaynu u nahay xarun ganacsi oo aad ugu muhiima se inaga Itoobiya waxba uma iibgayno muhiimad dhaqalena inooma laha. Waxay Itoobiya maalinkasta boqolaal kun inagaga gadaa   maandrooyiha qaadka oo aad u aafeeyey bulshadeena bale qasaare mooyee aynaan faaiido ku qabin. Dhanka kale waagii hore dadku khudaarta waabay soo saaran jiren balse maanta waxaynu maraynaa xataa xabada tamaandhada ah iyo dhanaaniska aynu guriga maalinkasa ku cunaa inuu inooga yimaado Itoobiya sidaas darteed kii qayilaayeyna oo ah bulshadeena ugu badan waxa laga quudiyaa Itobiya kii bariiska cunaayeyna waxa wax loogu kariyaa waxay uga yimaadaan Itobiya, Siyaasigenii waxaa Meka u ah Itoobiya .

Xaga waxbarashada markaad u timaado jaamacadaha dalkeena  ugu heerkasareeyaa waa kuwa laga leeyahay Itoobiya taas oo ka dhigan inay jiilka ugu badan inoo tariyeyso  sidaas darteed marka siyaasigii ilaa kii qaadka cunaayey ilaa dherigii guriga ilaa ilmihii waxbaranaayey intuba u baahdaan Itoobiya maxa kuuba hadhay ee aad ka sheegi Berberana  Gebogebada sheekadu waxay tahay  waxaynu nahay umad ismoog oo goor hore gacan gashay,

Heshiiska Berbera Faaido iyo qasaare
Faqbaa hoos loogu yidhi
Fiintaa roobka taqaan
Hortaabay foodhyi lahayd
Miyaa lagu faanayaa
Fadkee lagu guulayaa
Filkii ma ogwaalanaa
Miyuu fooldhaqan yaqaan.
Xasan Ganay

Wabilaahi tawfiiq I.C
Info@somalilandlive.com

Leave a Reply

*