NIN KA TIRSAN QAXOOTIGA SIIRIYA OO DALKII UU MAGANGELYADA WEYDIISTAY KALA KULMAY XABSI DAA’IN

NIN KA TIRSAN QAXOOTIGA SIIRIYA OO DALKII UU MAGANGELYADA WEYDIISTAY KALA KULMAY XABSI DAA’IN

Nin magangalyo doon ah ayay xabsi daa’in ku xukuntay maxkamad ku taalla Australia ka dib markii lagu helay inuu labaatan ruux ku dilay dalka Suuriya oo ay dagaalo ay ka socdeen sanadihii u dambeeyey.

Wiilkan oo 27 jir ah oo aan magaciisa la shaacinin ayaa lagu eedeeyay inuu toogtay dad aan hubaysnayn iyo askar dhaawac ah, ka dib markii uu dagaal ka dhacay magaalada Xoms.
Ninkan oo laga xiray galbeedka Australia bishii lixaad ee sanadkii hore ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay.

Xukunkan xabsi daa’inka ah waxaa ridday maxkamad ku taalla magaalada Innsbruck, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Australia ee magaceeda loo soo gaabiyo APA.

Warar hore oo ay qoreen warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in ninkani uu dad kale oo qaxooti ah u sheegay inuu laayay askarta dawladda isagoo markaas u dagaalamayay koox jihaad doon ah oo lagu magacaabo Farouq Brigade, oo lala xiriiriyo jabhadda Ciidammada Suuriya ee Xorta ah.

Laakiin qareenkiisa ayaa sheegay in sheegashadiisa dhacdadaas si kale loo tarjumay uuna rajaynayo in uu racfaan ka qaadan doono xukunka lagu riday.

Sida ay sheegtay warbaaahinta Der Standard, waa Falastiini ku soo koray xero qaxooti oo ku taalla magaalada Homs.

Waa markii ugu horeysay ee dalka Australia lagu qaado dacwad la xiriirta dambiyo dagaal oo Suuriya ka dhacay.

Leave a Reply

*