Xog Cusub Maayirka Berbera oo Calanka Xisbiga Waddani,  kafurfuray Gobolka Saaxil

Xog Cusub Maayirka Berbera oo Calanka Xisbiga Waddani, kafurfuray Gobolka Saaxil

Calanka Xisbiga Waddani

 

Berbera (SLL)- Warar Xog agaal ah   oo ay  heshay  Somalilandlive Media  ayaa  sheegay inuu Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin uu soo abaabuley isla markaana uu qarash ku bixiyey ficiladii xidhiidhka ahaa ee  ay kooxaha abaabulani calamadii Xisbiga Calanka Xisbiga WaddaniWADDANI iyo astaamihii Xisbigaasi ka tir-tireen magaalooyinka Abdaal, Lafaruug, Xamaas iyo Derogodle, iyadoo ay dhammaaba Calamdii Xisbiga ee ka ba’banayey magalooyinkaa dhulka  ku soo riday , isla markaana goo’gooyey.

Maayir Berbera oo Amray in Calanka Waddani laga Nadiifiyo Ciise Muuse Dego

Wararka ayaa waxay intaasi ku dareen inuu Maayar  C/shaguur Cidin uu duqa degmada Abdaal  iyo haydh-tuulayaasha Xamaas iyo lafaruug  uu khadka telefoonka kula soo xidhiidhaya ,isla markaana  ku amray inay dhammaan-ba calamada iyo astaamaha Xisbiga WADDANI la tir-tiro, isagoo balan-qaaday in qarashka hawshaasi uu bixinayo Calanka Xisbiga Waddani.

Dhanka kalena goobihii laga masaxay ama laga jar-jaray calanka Xisbiga WADDANI ee deegaanadaasi aansoo sheegayn ayaa waxa laga taagay calamada Xisbiga KULMIYE iyo astaamihiisa.

Calanka Xisbiga Waddani Si kastaba ha-ahaatee Maayarka Magaalada Berbera Cabdishaguur Cidin ayaa maskax iyo maal ku bixiyey  Duulaanka Caadifadaysan  ee  ay dhawaanta   kooxo  isaga   ka Aram Qaadanaya  oo dhalinyaro ah oo abaabulani ay Calamadii Xisbiga WADDANI kaga jar-jareen degaanada Abdaal, lafaruug & Xamaas iyo Deragodle.

 Ficilka  noocan ah oo  kucusub  Siyaasada  Somaliland  aya   u Muuqday mid lagu Raali  galinayo Madaxwayne Siilaanyo  oo Safar  dhanka  dhulka ah dhawaan Kumaray  Dariiqa  berbera  iyo Hargaysa   isku Xidha  kaas oo Indhihiisa lag Qarinayay  Calanka Waddani   Bulshadu Wadato

Leave a Reply

*