Beelaha Gal-beed ka Iyo Bariga Magaalada Burco oo Shir uga furmay UK.

Beelaha Gal-beed ka Iyo Bariga Magaalada Burco oo Shir uga furmay UK.

London(SL)Beelaha Bariga iyo gal-beedka Magaalada Burco ayaa markii ugu horaysay taariikhda iskood u soo abaabulay shir ay soo qaban qaabiyeen Aqoonyahanka waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ka soo kala jeeda Deegaanadaasi.

Shirkan waxa uu ka furmay Magaalada London waxana ila Xogogaal ahi u sheegeen Shabakada Caalamiga ah ee Somalilandlive inuu Khuseeyo Danaha labada Beelood ee walaalaha ah ee isku deegaanka ah, xogaha ayaa intaas ku daray inuu shirku yahay Shir dhaqan oo ka madax banaan shir siyaasadeed ama dano gaar ah.

Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyey inta taariikhda la ogyahay ee ay isku soo horfadhiistaan labadan beelood iyada oo aanay jirin waxa dhibaato ah, kaasi oo ay isku laab xaadhanayaan ama kaga hadlayaan arimha iyo danaha deegaanada ay ka soo jeedaan.

Bulshooyinka ka soo kala jeeda labada beelood ee Habaryoonis iyo Habar-jeclo ayaa si wayn ugu riyaaqay qabsoomida shirkan iyaga oo ku timaamay inay arintani horseed u tahay in hadii shirkani Midha dhalo ay hor seedi doonto in Gobalka Togsheer mar labaad noqon doono Laambada ifisa Guud ahaan Somalilnad .

Wixii warar ah ee ka soo baxa Kala Soco Shabakada Caalamiga ah ee Somalilandlive

Halkan Hoose ka Daalaco Sawirada Shirka Ka Socda Magaalada London.

 

Somalilandlive.com

London  UK

 

 

 

Leave a Reply

*