Maayarkii degmada Xariirad oo uu Daad Qaaday  Masuuliyin M.Siilaanyo  kamidyay oo Tacsi Udiray

Maayarkii degmada Xariirad oo uu Daad Qaaday Masuuliyin M.Siilaanyo kamidyay oo Tacsi Udiray

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa masuuliyiinta qaranka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abokor Xasan Guuleed oo ahaa Maayarkii degmada Xariirad oo uu galabta (15.05.2017) qaaday dooxa lagu magacaabo sac-waraabis ee u dhexeeya degmooyinka Boon iyo Qulujeed, ka dib markii ay roobab ka da’a een jiidahaasi, isagoo Marxuumku ka mid ahaa  wefti ka kooban wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo saddex qof oo kale, socdaalna ku marayey dhulkaas.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo taariikhdu xusi doonto, qarankana kaga jiray kaalin muuqata, isagoo shaqadii qaranka ee loo igmaday  gudanayana geeriyooday.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, masuuliyiinta qaranka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

NAALILAAHI  WA INAA  ILAYHI RAAJUCUUN

Wasiirka Wasraada Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon,Wasiir-Ku Xigeenka Maamulka, Gobolada Iyo Degmooyinka Jaamac Cabdillaahi Biin, Wasiiru dawlaha Amniga Qaranka,  Agaasimaha Guud Ee Maamulka Gobolada Iyo Degmooyinka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimaha Amniga Afayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Iyo Dhamaanba Shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Gudaha .

Waxay Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaan Qoyskii Iyo Qaraabadii Iyo Qaranka Somaliland Ee Uu Ka Baxay Maayarka Degmada Xariirad Marxuum  Abokor Xasan Guuleed Oo Galabta Ku  Geeriyooday Daad Xoogan Oo Qaaday Gaadhi Ay Saarnayeen Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Waabari Rooble.

Dooxa Qaaday maayarka ayaa lagu magacaabaa Sac-Waraabis waxaana uu shan kiiloo mitir dhinaca koon-fureed ka xigaa Magaalada Boon.

Masuuliyiinta  wasaarada  Arrimaha  Gudahu waxaa ay ilaahay  uga  maryayaan  inuu  samir iyo iimaan saadiqa kasiiyo   qoyskii  qaraabadii  iyo  qaranka  Somaliland  eek u  ka  baxay  marxuumkaasi  inta  kale  ee  dhaawacantay  uu  ilaahay  caafiyo.

Leave a Reply

*