Gudida Ka Soo Kabashada Abaartu Waa Gudida Kobcinta Abaarta… Waayo

Gudida Ka Soo Kabashada Abaartu Waa Gudida Kobcinta Abaarta… Waayo

Gudida Kobcinta Abaarta

Walaahi waxaan la yaabkii ugu weynaa ka taagan yahay xaalada ay marayso maskaxda aqoon-yahankeenu iyo haldoorka bulshada Somaliland, taasina waxay saadaalinaysaa guul-darro weyn oo ku soo food leh qaranka Jumhuuriyadda Somaliland.

Dareen naxdin leh ayaan ku qaabilay warka magacaabista guddida ka soo kabashada abaarta, naxdin ka sii badanna waxaan ka sii qaaday in haldoorka bulshadu qaybo badan oo ka mid ahi ay qayb ka yihiin.
Maqaal kan oo kale ah ayaan is lahaa muddo dhawr bilood ah ka hor ka qor guddida gurmadka abaaraha, laakiin waxa iga joojiyay in xilligaasi ay taagnayd xaalad abaareed oo adag oo dhimasho sababtay, oo aan ka cabsaday inay khal-khal ku abuurto qaadhaan ururinta xilligaasi socotay, anigoo yiqiinsanaa inay aad iyo aad u khaldan tahay qaabka mushkiladaasi loo waajahay.
Immikadan oo ay mushkiladaasi yaraatay waxay ahayd in la qaato qaabkii loo sixi lahaa khaladkii waynaa ee dhacay ee sababay abaarta asalkeedii hore iyo sidii aadka u xumayd ee loola tacaalay.
Nasiib darrada weyn ee Somaliland ku haabsatay waxay noqotay in isla dariiqii hore loo maro sidii looga soo kaban lahaa abaarta, taasoo xaqiiqadeedu tahay in loogu talo galay inay abaartu ay sii socota siina xoogaysato.
Si aynu fikradan aynu u caddayno bal aynu ka dhigno su’aalo aynu waydiinayno xukuumada iyo bulshada rayidka ah ee iyagu qayb ka ah guddidan, su’aalahan oo ah kuwo isku eeg balse ay ku kala duwan yihiin dacalka laga soo istaagayo.
Aynu ku horrayno su’aalaha xukuumadda:
1. Miyaanay jirin wasaarado ka shaqeeya dhamaan shantan mashruuc ee aad sheegteen, sida:
b) Mashruuca dibu-dajinta iyo daabulida = Wasaarada Dibu-Dajinta.
t) Mashruuca dibu-xoolaynta = Wasaaradda Xanaanada Xoolaha + Wasaarada Dibu-Dajinta
j) Mashruuca Biyo-xidheenada+ Ceelal = Wasaaradda Hawlaha Guud + Wasaaradda Biyaha
x) Mashruuca Beeraha = Wasaaradda Beeraha
kh) Mashuurca Seerayaasha = Wasaaradda Deegaanka.
d) Daraasaadka iyo cilmi-baadhisyada mashaariicahan la xidhiidha mashaariicdan = Hayada NERAD.
Maxay talaw wasaaradahaasi uga shaqayn Waayeen arrimahan?
2. Wasaaradahani ma aqoontii loo baahnaa ayaanay lahayn sidaa daraadeed ayaa lagu kabay guddidan rayidka ah si ay u taageeraan?
3. Mise Wasaaradahani daacad ayaanay ka ahayn shaqooyinka kor ku xusan sidaa daraadeed ayaa loogu baahday dad rayid ah oo hawshan qabta?
4. Haddii aanay daacad ahayn maxaa talaw loogu dhiibay miisaaniyadda qaranka? Miyaanay taasi ahayn ku tagri-fal hantida ummada?
5. Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in haddii tabaabushahan hadda aynu wadno aynu hore u sii samayn lahayn aynu yarayn lahayn khasaaraha inagu dhacay 70% (waa sida uu hadalka u dhigay), talaw markaa yaa xilka hayay abaartan horteed? Markaa miyaan la odhan karin inay xukuumadu masuul ka tahay khasaaraha shacabkeeda ka soo gaadhay abaaraha?
6. Dhinaca lacagta uu wasiirku sheegay in lagu wareejinaayo dadka rayyidka ah, su’aasha is-waydiinta mudan waxay tahay, waa maxay sababta arrintaasi keentay? Meeday wasaaradda maaliyadda oo iyadu leh shaqaale badan oo u tababaran ururinta lacagta? Maxaa lacagta looga wareejinayaa gacanta dawladda? Dawladdu gacanteedu miyaanuu aamin ahayn?

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Dhinaca Gudida rayidka ah aan u baydho oo aan su’aalahan waydiiyo:
1. Ma ogtihiin inaad tihiin guddi sharci darro ah, oo aydaan sharciyadda Somaliland meelnaba kaga jirin?
2. Qof aqoontiisa sharci hoosayso ayaa odhanaaya oo sawkii maaha madaxweynuhu degreeto nagu magacaabay? Jawaabtiisuna waxay tahay madaxwaynuhu ma laha awoodo aan xuduud lahayn, balse awoodiisu waxay ku xadidan tahay sharciga, sharciguna wuxuu awood u siinayaa maamulida waaxda fulinta ee qaranka si waafaqsan qodobka (81,90) ee Dastuurka JSL, iyadoo amarada iyo go’aamada uu ka soo saarayo xita waaxdiisa fulinta ay ku xadidan yihiin sharciga, siiba Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015.
3. Markaa gudida rayidka ah ee barakaysan ee aqbashay inay qaab sharci darro loo magacaabo waxaan waydiin lahaa talaw hal xaraan ahi nirig xalaal ah ma dhashaa?
4. Haba la magacaabee, talaw sharci ay ku shaqeeyaan ma leeyihiin? Sharci iyaga laftooda kala xadeeya ma leeyihiin? Sharci ka ilaaliya awoodaha kale ee dawladeed inay shaqadooda soo fara-galiso ma leeyihiin?
5. Marka arrimahaasi oo dhan laga yimaado, miyaanay gudidan rayidka ah ee barakaysan ogayn in xukuumadani ay tahay ta iyadu dhayalsatay sannadihii badnaa ee ay xilka haysay inay tabaabushe u samayso ummadan oo ka badbaadiya dhibta abaaraha?
6. Haddii ay gudidu leedahay: hawshani hadda way ka madax-bannaan tahay xukuumada, talaw arrintaasi miyay macquul noqon kartaa?
7. Talaw gudidu marka ay mashruuca 1aad waddo ee ah daabulista dadwaynaha miyaanay si toos ah u hoos imanayn xukuumada?
8. Talaw marka ay wadaan mashruuca 3aad ee biyo-qabatinada iyo mashruuca 4aad ee seerayaasha miyaanay u baahnayn cududa iyo awooda xukuumadan?
9. Markaa xukuumadu miyaanay xukuumadii hore ahayn?
10. talaw xukuumadu miyay ka toobad keentay dhayalsigii hore?
11. Shuruudaha tawbada waxa ka mid ah qirashada gafkii kaa dhacay iyo ballan qaadka in aanuu soo noqon mar 2aad, talaw arrintaasi ma samaysay xukuumadu?
12. Haddii ay xukuumada ka dhab tahay inay guddidani shaqadeeda ku guulaysato, talaw maxay u qaramayn waayeen? Ama sharci ugu samayn waayeen? Amaba ay kharashka wasaaradaha fadhiidka ah uga soo jari waayeen kharashkii ay ku shaqayn lahaayeen guddidani?
13. Gudida rayidka ah ee barakaysan miyirkooda iyo maankooda ma qabaan marka ay xukuumada Somaliland ay leedahay waxaanu u baahanahay toban Milyan oo doolar oo kaliya oo shanta mashruuc ee kor ku xusan aanu ku fulinayno, talaw xukuumada dhani ma waxay dawaraysaa toban milyan? Ma runbaa gudidan waxa la isugu yeedhay si ay u soo ururiyaan toban Milyan oo qudha? Ma runbaa mise waa dhagahayga?

Talaw anigu hadafka aan maqaalkan ka leeyahay waa maxay?
Wuxuu yahay in loo badheedho xalka rasmiga ah ee mushkiladan abaarta keentay oo ah mushkilad hogaamineed, taasoo aan marar badan ku macneeyay (Siyaasadda Somaliland Way Gudhay), aadna waxaan uga xumahay in iyadoo dhibtaasi wayni inagu dhacday in aynu mar 2aad ku meeraysanno meelo soke oo aan mushkilada haba yaraatee wax xal ah ka keeni doonin.

Xubnaha gudidani haddii si caqli leh oo fayaw ay isku waydiiyaan su’aalaha kor ku xusan, waxa hubaal ah inay laba tallaabo mid ahaan qaadan doonaan: 1. In ay is-casilaan, 2. Inay shaqadooda hakiyaan illaa inta la sharciyaynaayo awoodahooda iyo shaqadooda, oo ay si cad u muuqato waxa shaqadooda iyo waajibkoodu tahay.
Qofka guddidan rayidka ah ka tirsan ee akhriya su’aalahan ee aan qaadan mid ka mid ah labadan arrimood, wuxuu aragtidayda iila muuqdaa qof (bakhtiga xalaalaynaaya), isla markaana wuxuu ka mid yahay mid ka mid ah asbaabaha ugu weyn ee kobcinta abaarta.
Akhristayaashu ha igala xisaabtamaan qoraalkaygan billo kooban ka dib, haddii ay xaqiiqoobi waydo arrimahan aan ka hadlaayo, waxaana markaasi igu waajibaaya in aan raaligalin bixiyo.
“Nin dawee la leeyahay
Danbi uu badh leeyahay
Xalka doon la leeyahay
Isaguu u daranyoo
Inuu daaro ma ogola
Daaraanta mililka leh”
AHUN Abwaan Gaariye

 

Leave a Reply

*