Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhiig-bax Ku Tilmaamey Lacagta Somaliland Kaga Baxday Maan-dooriyaha Qaadka

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhiig-bax Ku Tilmaamey Lacagta Somaliland Kaga Baxday Maan-dooriyaha Qaadka

 

Hargeysa (SLL)-Madaxweynaha Qaranka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa six un uga murugoodey Lacagta maalaayiinka ka badan ee maandooriyaha qaadka kaga baxda Somaliland, isagoo sheegey in sanad walba ay lacag dhawr milyan oo dollar ku iibsano Qaadka,waxaanu Madaxweyne Siilaanyo ka qoomamoodey dhibaatada dhaqaale ee maandooriyaha Qaadku uu ku hayo dalka Somaliland, isagoo ku tilmaamey Madaxweynuhu mid dhiig-bax inagu ah qaran, ahaa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidaasi ka sheegay khudbad uu maanta ujeediyey shacabka reer Somaliland ee munaasabad 18 May 2017 awgeed, waxaanu sheegay in aanu maandooriyaha Qaadku wax qiimo ah inoo lahay, isagoo xusey in aanay jirin wax aynu ku badelanaynaa , balse anyu Lacag maaliyiin dollar ah ku iibsano Maandooriyaha Qaadka,waxaana kamid ahaa haddalkii Madaxweynaha Sidan:- “ Sannad walba, waxaynu lacag adag oo aan ka yarayn dhawr boqol oo milyan ku soo iibsannaa Qaadka, oo aan wax qiimo ah inoogu fadhiyin.Lacagtaa joogtada ah, oo ummad ahaan inagu ah dhiig bax, ma jirto haba-yaraatee, wax aynu ku beddelanaa.”Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Leave a Reply

*