SNM Iyo Cali Mahdi. Midke Midnimadi ku gafay?

SNM Iyo Cali Mahdi. Midke Midnimadi ku gafay?

Haddii Taarikhda la gu eegin Il cafmaad qabta, waa ay bukoota. Haddaba Somaalida waxa so maray taarikh aan la shaandhayen o qeedhinkedi isaga taala, biseelna u baahan. Bal haddaba u fiirso SNM iyo Cali Mahdi. SNM. U gu horeyen Somaalidu waxa ay ku mahmaahda “War la haya xiiso maleh” o waxan u gu socda SNM waxay ahayed iyo siday u dagaalantayba ka warrami maayo o waa la wada yaqaan, waxan se u so gogol xaadhanaya SNM ujeedkedi iyo halkay u socotay. Siduu Faarax Gamuute oo Bosaaso ka so jeeday SNM-na ahaa sheegay ujeedkodu waxa u ahaa “in Nidaamkii Taliska ahaa la badalo wax dhaamana la raadsho” Maddama Taliskasi gobod-falo 1978-kii bilawday 1991-kina dhamaaday u shacabkisa ku hayay. Sido kale Distuurki SNM qodobkisa 6-aad waxa ka mid ahaa in ( Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaaliyeed ( SNM ) wuxu aaminsan yahay in la xoreeyo Soomaaliya oo idil, lana ilaaliyo midnimadeeda ) Haddaba SNM waxa ay u dagaalamaysi wuxu ahaa Jumhuuriyaddi Somaaliyed sumcaddeda iyo sharfta ummaddeda. Cali Mahdi. Ku fogaan maayo Cali waxan se ku tilmaami kara ninki rajadi la dhawrayi dhulka ku sii dayay, sababto ah isago aan u so hawshoon ayuu Kursi wada-tashi iyo wada-xaajod laga galin isku cimaamaday. Waxase ka si darnaa afartii ruux ee an is waydin maxa Somaali u dan ah ee Cali Mahdi raacay.! Bal haddaba maankaga la kaasho keeba ku gafay Midnimadii.? Midna ku darso SNM-na Somaliland ma goyen ee Shicibki Somaliland ayaa kolka ay arken in Xamar waxba ka so naas-caddayen go’aansaday in la kala faataxaysto, siday kalki horeetaba u go’aansaden in Somalia lala midowo. Waxa se haboon in aan la kala coloobin oo cid walba lo qadariyo Calankoda, fikirkoda iyo sidu jecel yahaba. Soomaalinimaduna marjacena iyo dabarkena noqoto.

Leave a Reply

*