Magaca Marxuum 70- jir Ah Oo Ku Geeriyoodey Xabsiga Hargeysa Iyo Musharax Xigeenka WADDANI Oo Ka Haddley

Magaca Marxuum 70- jir Ah Oo Ku Geeriyoodey Xabsiga Hargeysa Iyo Musharax Xigeenka WADDANI Oo Ka Haddley

 

 

 

 

 

 

Hargeysa (SLL)- Alle ha- u naxariistee waxa xabis kamid ah xabsiyada magaalada Hargeysa ku dhex-geeriyoodey Marxuum lagu magacaabi jirey  Cabdiraxmaan C/laahi Xas,  waxaana la sheegay inuu jimcihii shalay ku dhex geeriyoodey xabsiga dhaxe ee Hargeysa.

 

 

Marxuumkan Xabsiga ku dhex geeriyoodey ayaa  maanta waxa aas ballaadhan loogu sameeyey  magaalada Boorama , kaasi oo ay ka soo qayb-galeen Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka  Xisbiga WADDANI,   Salaadiin, cuqaal iyo dhalinyaro, Xildhibaano, waxaana  halkaasi war-baahinta kula haddlay qaar kamid ah ehelada marxuumka  waxaana kamid ahaa haddaladoodii  sidan;-“Alle ha-unaxariisto C/raxmaan C/laahi Xirsi,wuxuu ahaa nin 70 JJir Ah, annagu waxaanu nahay reerka uu ka dhintey Marxuumku,wuxuu ka tegay Marxuumku  8 rag ah iyo saddex gabdhood iyo laba xaas ah oo maanta nool, isagu wuxuu ahaa nin bukaan socod ah oo macaan leh oo da’na jooga,taariikhiids marka aan dib ugu yara noqodo ma ahayn Marxuumkaasi nin fidmo wale ah.”

 

Dhanka kale waxa isna halkaasi ka haddley Musharax Madaxweyne  ku-xigeen ee Xisbiga WADDANI Dr Maxamed Cali isagoo Tacsi u direy qoyskii eheladii iyo qaraabdii uu ka baxay Marxuumku””Marxuum Cabdiraxmaan Cabdilaahi alleh janadii haka waraabiyo ninh fiican ayuu ahaa,waa wakhtigisii, sababta uu u dhintey way ka haddlen odayaashu,, lakiin ajashiisii ayaa gashay oo maalintsii ayuu dintey,waxaan rajaynayaa inta kale ee jeelka ku hadhayna in aanay sidaa ugu dhimanine in ay cadaalad deg deg ah heleen”Ayuu yidhi Dr  Maxamed Cali………..

Leave a Reply

*