Tuug Waa Isqariyaa Halka Uu Ka Xado Tulud Todobaadkan Xaajow Mid Tiriig Sitaa Yimid

Tuug Waa Isqariyaa Halka Uu Ka Xado Tulud Todobaadkan Xaajow Mid Tiriig Sitaa Yimid

Dowlada Kulmiye ee aynu ku baranay musuqmaasuq cad boobka hantida qaranku leeyahay qaraabo-kiil qabyaalad iyo weliba wasiiro isku beel ah oo aan dhicin inta kacaanka Kulmiye todobo jirsday

Boobkii hantida qaranka ee ay kooxda kaartada qaaxo kala timid ku kala qaybisay ummad ul iyo diirkeed waa ahaan jirtay todobaadkana waxaa la sheegayaa inay u soo dhigatay baadhashada jeebadaha muwaadiniinta dalkooda Somaliland jecel kuwaas oo ay ugu soo dhex dhuumatay xukuumada Kulmiye munaasabada weyn alle weyne’e ee 18 May oo ah maalin ku weyn bulshada ku abtirsata Somaliland ahna maalintii dib loo soo celiyey xoriyad lixdankii ay la lumeen mooxda sidan Kulmiye oo kale ah
Kooxda hagardaamooyinka Somaliland dadka qaarkiina u yaqaanaan xisbul xaakimka Kulmiye balse runtii ah iyagu kuwa madaxda ka ah xisbigaas Muuse Biixi Maxamed Kaahin iyo Siilaanyo ha ugu horeeyeene kuwaas oo qarankan ka soo galay danbiya waaweyn ka soo bilow dib ugu soo noqoshadii dalka ilaa maantadan maanta ah
Maalinta 18 May ayaa iyadu xusid gaar ah lahaan jirtay kuna suntanayd quluubta reer Somaliland oo aduunka daafihiisa ku kala firdhisan muwaadiniintaas oo si balaadhan uga qayb qaadan jiray weynaynta maunaasibada qaran halkay joogaanba mudo lix iyo labaatanka sano ee ay Somaliland jirtay haseyeeshee inta ay kooxda Kulmiye timid xuska munaasabadan ayaa sii wiiqmayey in mudo ah sanadba sanadka ku xiga asbaabo badan awgood uguna horayso kooxda Kulmiye oo wada hadal la furtay Somaliya si ay uga hesho saxeexyo iyo xaqul qalin lagu xaraashayo hantida qarankani leeyahay si kooban dano gaar ah oo ay cid gaar ahi leedahay ayaa danta guud loo dayacay
Muwaadin waxaas oo dhan ka kaalay maanta ta jirtaa oo afkalaqaad ku noqotay bulshada reer Somaliland ee gude iyo debedba in ay xukuumada Kulmiye joojisay munaasibada kaliya ee lagu midaysnaa ee 18 May si ay xididada ugu siibto gooni isu taaga Somaliland oo ay dedaal dheer u gashay sidii loo tirtiri lahaa taariikhdii dalkan iyo weliba halgankii oo ay ka been sheegaan kaas oo aan ku soo qaadi doono qoraalkayga dambe
Waxaa yaab leh in madaxweyne Siilaanyo dowladiisa tiro beeshay iyo xisbiga Kulmiyeba oo in mudo ah daawanayey dhibaatada abaarha Kulmiye ku hayaan shacabka Somaliland siiba kuwa reer bari ahaa mar qudha hurdadii ka soo kacay markuu Xirsi Caynaba dawooyin iyo biyo uu gaadhsiin lahaa bukaanjiifka Caynaba laga horjoogsaday in yar ka dib marwadii Aamino Weris ee huteelada dhaadheer Xamar iyo Hargeysaba ka dhisatay xoolihii dadweynaha la arkay iyaduu dumarka reer Somaliland leh lacag soo uruuriya bal adba
maalin ka dib odaygii aan khudbadayn sanado ayaa isna yidhi lacag ha loo uruuriyo dadka la tacaalaya abaaraha ka dhashay maamul xumadiisa una magacaabay sidii caadada u ahaan jirtay duqa GUDDI cusub oo afka’uun ah si ay u sii xalaalaystaan xoolaha ku jira jeebadaha dad ay abaaro iyo maamul xumo iyo qabyaalad iyo cabudhin iyo Baashe-Morganayn haleeleen mushruucaasi maaha mid xalaal ah marka la eego halkay ku dambaysey lacagihii hore loo uruuriyey abaaraha ee ay la aamustay GUDDI uu hore ugu magacaabay Siilaanyo sicir barar abaaraha kuwaas oo lacagtaas la lumay oo aan la hayn meel ay cidhib iyo jaanba dhigeen waxaa madax u ahaa GUDDIDAAS madaxweyn ku xigeenkiisa Saylici

Tuug waa is-qariyaa,

Halka uu ka xado tulud,

Tahan buu ka guuraa,

Toddobaadkan Xaajow,

Mid tiriig sitaa yimid,

illaah naxariiste janno ha siiyee Ibraahin Aw Salleebaan gadhle tudducyadan uu tiriyey miyaaney si fiican ugu fadhiisaneyn tuuga casriga ah ee ku mamay boobka hantida qarranka isaga oo magaciisa  iyo muuqiisaba aan hore loo maqal haatana u soo dhigtay jeebadaada muwaadin si uu olole siyaasadeed ku galo xoolahaaga

Leave a Reply

*