Maxbuusad  ku Geeriyootey Xabsiga Muqdisho + Magaca Marxuumada

Maxbuusad ku Geeriyootey Xabsiga Muqdisho + Magaca Marxuumada

 

 

Muqdisho (SLL)-Alle ha -unaxariistee waxa xabsigs dhexe ee magaalada Muqdisho ku geeriyootey haweenay maxbuusada ahayd oo lagu magacaabi jirey Deeqa Diraac, taasi oo ku xukunay xabsi dhan 15 sano. iyadoo lagu eedeeyey in cunta karinta u qaabilsanay kooxda Al-shabaab.
Marxuumadan ayaa hore loogu eedeeyey in ay cunta karinta u qaabilsanay ururka Al-shabaab , isla markaana ay gacan siinaysay koox ka tiran Al-shabaab oo toogasha ku dishay sanadkii 2014 gabadh ardayad ahayd oo lagu magacaabi jirey nafisa salaad cabdi, iaydoo ay maxakamadu ku xukuntey xabsi 15 sano

Haweenayda ayaa la sheegay in ay ku geeriyootey Cisbitaal ku yaala xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay u jiiftey xaalada caafimaad mudooyinkii ugu dambeeyey, waxaana la sheegey in ay u geeriyootey xanuunka macaanka .

Dhanka kale Taliye ku xigeenka Xabsiga dhexe Maxamed Sheekh Cumar ayaa war-baahinta u xaqiijiyey geerida Marxuumad Deeqa Diraac, waxaanu sheegay in ay xanuunka macaanka u geeriyootey.

Leave a Reply

*