Xubnaha Golaha Wasiiradda ee u Idman Wiilka Madaxweynuhu Sodogga u yahay

Xubnaha Golaha Wasiiradda ee u Idman Wiilka Madaxweynuhu Sodogga u yahay

 

 

Hargeysa(SLL/Yool)-Kolka isbedel ka dhaco dal oo nidaamka ama xukunkii talinayey meesha ka baxo, ha noqdo isbedelkaasi mid ku yimi qaab Mileteri ama ha noqdo mid kusoo baxay hanaan doorasho oo Xor ah, wallow mar-marka qaar uu suurta gal yahay inuu isbedelkaasi ahaa mid ku curtay rabitaanka bulshada, balse haddana waxa mar-mar dhacda in isbedelkii noqon waayo kii saxda ahaa ee siyaasiyiinta iyo bulshaduba filayeen, oo xaalkuna noqdo Kud ka guur oo qanjo u Guur.

Xaaladahan u dambeeyey maaha kuwo mar walbaa la arko, hase-ahaatee, waxay dhacaan mar keliyaa oo ah markaa hoggaamiyihii isbedelka watay uu galo xaalad hogasho, badeetana awoodii tallada dalku ku baahdo Gacmo kale, oo aan la dooran, isbedelka iyo rajadii bulshaddu filaysa-na marka dambe waxa ay noqotaa mid kusoo ururta duruuf aan ka dhicin (Allow Yaa Harageedii Nagaga Celiya).

Siyaasiyiinta iyo qaar kamid ah hoggaamiyasha dhaqanka Somaliland, ayaa intii uu tallada dalka hayey Madaxweyne Siilaanyo, waxa ay marar badan ka dhawaajiyeen in awoodda tallada dalku ku baahday gacmo kale, isla markaana shaqadii xafiiska Madaxtooyaddu-na ka awood badatey Madaxweynihii bulshaddu soo dooratay Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xubnaha weedhani kasoo baxeen afkooda oo aynu ka xusi karno, Gudoomiyasha Xisbiyada UCID, KULMIYE iyo Odayaal ay kamid yihiin Boqor Buur-madow iyo Boqor Raabi, waxa marka hadalladoodi dib loo raaco intuba ka sinnaayeen asbaabaha ay usoo daliilsadeen in awoodda tallada dalku ku baahday Gacmo kale, oo aan iyaggu xaq u lahayn tallada dalka, hal qodob oo ah inay jiraan shaqsiyaad haya awood ka badan toodii, kuwasoo qaarkood xubno ka yihiin golaha wasiiradda, halka qaarkoodna ay soo halan xubnaha qoyska Madaxweynaha.

Inkastaa xilliyadan danbe arrimahaas hadal hayntoodu Fagaarayaasha Siyaasaddu aanay ku badnayn, gaar ahaan wixii ka dambeeyey markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo fagaare ka sheegay inuu ka tanaasulay teeramkiisii labaad ee tartanka Madaxtooyadda, talaabadaasoo noqotay mid ku abuurtay Musharraxiinta cusub ee Xisbiyadda xaalad laba-nafood dhowr ah, oo mid waliba dhaankiisa isku ururinaayo isagoo eegaya hadii uu ka hadlo arrimaha dalka ka socda inuu ku waayi karo taageerada Beesha Madaxweynaha, balse haddana tan iyo wixii ka dambeeyey markii Xukuumaddu go’aan satay heshiiskii ay la gashay Shirkadda DP World, waxa fagaarayaasha iyo goobaha kale Siyaasadda lagu qaada dhigo kusoo kordhay hadal haynta Warar iyo xogo kala duwan, kuwasoo tibaaxaya in Wiilka Madaxweynuhuu sodogga u yahay, ahna Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil uu hadda saamayn intii hore ka badan ku leeyahay awoodda tallada dalka, isla markaana sida Wararka qaar lagu xusayo ay jiraan xubno taabacsan oo ka tirsan golaha wasiiradda, kuwasoo sida ay ku doodan dadka Siyaasadda Madaxtooyadda qaada dhigga uu lahaa tallada ay kaga mid noqdeen xubnaha golaha wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Haddaba, marka laga hadlaayo tabaciyiinta Baashe Cawil ee golaha Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa kamid ah xubnaha sida xooguhu sheegayan kuwo kolkiiba Farta lagu Fiiqo Wasiir ku-xigeenka Madaxtooyadda Axmed Xaashi, Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb. Cabditafax, Wasiirka Qorsheynta Md. Qabyo-tire, Wasiirka Duulista iyo hawada Md. Farxan Aadan Haybe, Wasiirka Macdanta iyo tamarta, Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibeda Md. Kayse Guray, la taliyaha arrimaha Madaxweyne Siilaanyo ee Carabta Ibraahin tallaabo, wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdilahi Maxamed Daahir (Cukuse). La soco Cadadyada dambe ee Wargeyska Yool

Leave a Reply

*