Dawladnimaddii Baa la kala dhacayaa

Dawladnimaddii Baa la kala dhacayaa

Dawladnimaddii Baa la kala dhacayaa

 

 Dr. Abdinasir Ismail Nour

 

  1. 4aad

Gartii Afarta Walaalahaa & Boqorka

 

 

Halka ay marayso wakhtiga xaadirkan kala-dhacsashadii dawladnimaddii Somaliland, ayaa muwaadin waxa ay noqotay jidkii taariikho hore oo dunida soo maray…

 

Barri ayaa afar nin oo walaalo ahaa ayaa ku weynaaday geellii aabahood, sidii ay odaygii uula dhaqnaayeen mudo aad u dheer oo sannado ah ayuu odaygii xijaabtay oo tii Allah heshay, kadib sii dhaqanku ahaa, waxay noqotay in xoolihii uu ka tagay dhaxal lagu qaybsado… balse raggii walaalaha ahaa geelii boqolka ahaa mid waliba waxa uu damcay in isaga sad-bursiimo la siiyo isaga oo sheeganaya kaalin dheeraada oo uu hawsha geella kaga jiray darted.

 

–         Wiilkii koobaad waxa uu sheegtay in uu aha aka keliya ee odayga geella la dhaqaalaynaayey ee raacaayey , ee shilinta ka guraayey, ee nirigta dhalata duugaayey ee kaalin galinaayey, markaas waa in isaga dheeraad la siiyo

–         Wiilkii labaad  waxa uu soo dhigay in uu isaga ahaa geesiga waran galka ahaa ee geyiga ay ku nool yihiin lagaga baqaayey, ee uu odayga giiliisa iyo iyaguba ay ku noolaayeen, sidaa daraadeed waa in isaga maanta qayb dheeraada laga siiyo geela

–         Wiilkii saddexaad ayaa isna hadlay oo yidhi war anniga ninka Sheekha ah ayaan ahay ee idinka iyo geelaba burdaha u akhriyaayey ee balaayo oo dhan idinka xijaabayey, markaa maanta waa in dheeraad la I siiyo.

–         Wiilkii Afraad ayaa isna isla kacay oo yidhi war dhamaantiin hal ma tihidin ee anniga ayaa ahaa ninka caqliga badan ee aad hadhkiisa ku nooshihiin markaa maanta anniga ha la I siiyo dheeraadka.

Markay halkaa marayso ee la is mari waayey, ayey go’aam sadeen in ay isula tagaan cid u gar naqda oo kala saarta… kadibna waxa ay u tageen nin boqor ahaa oo maamula degaan u dhawaa.

Afartii wiil markii ay boqorkii soo gaadheen ayey arrintoodii u sheegteen, boqorkii markii uu dulucdoodii dhagaystay ayuu ku war-galieyey in horta ay fuliyaan arrin taa ka horaysa oo ah in degaankan ay soo gaadheen habeen walba qof laga soo saaro oo loo xidho libaax si uu u cuno una bad baadiyo dadka intiisa kale.. oo uu boqorku horta ka rabo in ay iska soo saaraan ninkii caawa libaaxa loo xidhi lahaa..

 

Dawladnimaddii Baa la kala dhacayaa

Markay tallo halkaa marayso ayey ninmankii walaalaha ahaa tallo ku cadaatay… waxay markii horeba u sheegeen ninkii Sheekha ahaa in isaga uu caawa wixii uu akhriyi jiray isaga badbaadiyo libaaxa oo isaga caawa loo xidho.. ninkii sheekha ahaa waxa uu odhnayaa anniga la igama eego, kadib ninkii geesiga ahaa ayaa la odhanayaa war adigu bal caawa geesinimadaadii isaga celi libaaxa, kadibna waxa uu odhanayaa geesinimada rag baa la isaga dhacshaaye ma libaax baa loola tagaa, war meesha ha igu dilina, intaas kadib ayuu ninkii Caqliga badnaa odhanayaa anniga ayaa caligayga ku badbaadinayee boqorow iskaaya raaci oo ha na kala reebin…

kadib marka la is raaciyo aayaa waxaa u imanaaya laba libaax oo wada socda, kadibna ninkii caqliga badnaa ayaa odhanayaa.. waa labadiinan libaax caawa ninkii la idiin xidhi jiray waa laga badan yahay markaa waxaa la idinka rabaa horta ninkii la xidhi jiray libaaxii keligii cuni lahaa in aad iska soo saartaan.. annaguna ninka ayaanu iska soo saaraynaa.. kadibna labadii libaax ayaa ku mormay midkii cuni lahaa, kadibna dagaal ayaa halkaas ku dhex maray waanay is dileen.. halkaas ayey afartii ragga ahaa ee walaalaha ahaa ku bad baadeen.. markii arroortii loo tagay boqorkii ay ka doonayeen in uu u garnaqo ayuu boqorkii arkay raggii oo dhan oo nabad qaba markaas ayuu weydiiyey ayaa idin bad baadiyey? Waxaanay ku jawaabeen walaalkayagaa caqliga badan ayaa isu diray labadii libaax oo wey is dileen anaguna waan bad-baadnay.. kadib boqorkii wuxuu go’aan saday in uu yidhaa waryaa waa ninkaagan caqliga badan imika laga bilaabo adiga ayaa u talinaaya dadkayga iyo dadkaagaba oo waxaan kugu wareejinayaa boqortinimada… waayo annigu dadkii waan dhameeyey oo habeenba qof baan u xidhi jiray…. Halkaas ayey afartii wiil ku kala baxee

Leave a Reply

*