Maxaad ugu baahataa Dollar adigoo Somaliland Shilin haysta?

Maxaad ugu baahataa Dollar adigoo Somaliland Shilin haysta?

Si wax looga qabto Qiima dhaca Shilinka Somaliland ee sii kordhaya maalinba maalinta ka denbeysa, waa in la sameeyo Baadhitaan qoto dheer (Daraasad) oo cilmiyaysan oo xogteeda muddo la urursho.
Laakiin waxaan doonayaa inaan halkan kaga hadlo dhawr qodob oo keeni kara in ay bulshadu isticmaasho Shilinka kana maaranto dollarka in badan, waayo Shilinku waxa uu ka mid yahay Astaamihii Dawlad-nimadeena iyo Qaranimadeena.
Hadaba weligaa Su,aalahan ma is weydiisey?
# waa maxay sababta aad dollar ugu baahatid Adiga oo SL Shilin haysta?
# Haddii Mushaharkaaga ama Gunnadaadu SL Shilin tahay maxaa kugu Qasba inaad dollar kusoo bedeshid?
# Baahida Dollarku haddii ay yaraato Maxaa dhacaya?
# Doonista SL Shilinku haddii ay badatana maxaa dhici kara?
Jawaab: Caalin iyo Caamaba, Carruur iyo Cirroolaba Waxa aynu isku raacsanahay in Isticmaalka shilinka Somaliland qiimo ku yeelanaayo hadba sida aad wax ugu gadato, wax ugu bedelatid ama wax ugu iibsatid iyo baahida aad dollarka u qabtid oo kaa yaraata.
Tusaale;
  1) Fiiga iskuulada Gaarka loo leeyahay, Mushaharka Shaqaalaha shirkadaha gaar ah, Mushaharka Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa dawliga ahba sidee SL Shilin looga dhigi karaa?
  2) Kirooyinka Guryhay, Dhulka , Gaadiidka. Laydhka/korontada, Biyaha, IWM laga dhigo SL Shilin.
  3) Sidoo kale in wax lagu iibiyo dhammaan Meelaha wax laga Cuno ama laga Cabo, Sida Hudheelada, Makhaayadaha, Kafeteeriyada IWM.
  4) Dhammaan Meelaha Adeegyada Bixaya (Multi Services & logistics) Sida Nootaayada, Internet-yada, dilaalka, Mukhalasiinta IWM.
  5) In la joojiyo in lacagta dollarka lagu qaado nooc kasta oo Cashuur ha.
  6) Lacagta Kudalka Telefoonada Gacanta iyo Tan lagu Isticmaalo Interntka sida 3G/4G data Shirkadaha Isgaadhsiintu Waa inay  lacagta Shilin-ka Somalaliland Ubedelaan dhammaan lacagaha ay ka qaadaan iyo dhammaan adeegyada kale ee ay bixiyaan.
  7) Lacagta Wax lagu kala iibsado sida Guryaha, dhulka, Gaadiidka IWM iyana waa inay Shilinka noqotaa, ama haddii laga tegi waayo wixii ka badan 20,000$ loo ogolaado in lagu kala iibsan karo Dollar.
  8) Deynta; Agabka/Alaabta iyo lacagaha la deynsado ee ay Bangiyadu Bixiyaan wixii ka yar 20,000$ waa in SL Shilin lagu kala iibsadaa.
9) Nootaayada sharciga lehi ma Qori karto Heshiis dollar wax lagu kala iibsadey taas oo ka yar 20,000$.
GUNTIU & GUNAANADKII
Halkaa waxa inooga soo baxday Dhawr qodob;
B) in Muwaadin kasta oo dollar meel uun kasoo galey uu kula cararaayo Sariflaha.
T) kor u kaca iyo Adeegsiga Shilinka Somaliland oo kordhey.
J) Baahidii Dollarka loo qabey oo yaraatey, Sidoo kalena baahidii shilinka oo korodhey.
Hadaba muwaadin Sagaalka waaxood/goobood ee aynu kor kusoo xusnay haddii dawladu kusoo rogto amar ah inay Somaliland shilin loo bedelo isla markaana la dhaqan geliyo, Ma yaraatey baahidii dollarka loo qabay? Dabcan haa. (Baahida dollarku hadii ay yaraatana wuu jabay). Dollarku marka uu hoos udhacana Shilinkii Qaranka ayaa qiimo yeeshay.
ALLAH MAHAD LEH
BY:
Eng Mohamed Ali Shire

Leave a Reply

*