Jamaralka oo Dib  u Hubinaya 100,000  oo Qaxoonti  Sharci Lasiiyay ah

Jamaralka oo Dib u Hubinaya 100,000 oo Qaxoonti Sharci Lasiiyay ah

Jamaralka oo Dib u Hubinaya 100,000 oo Qaxoonti Sharci Lasiiyay ah

Wasiirka Arimaha GudahaDalka Jarmaka Thomas de Maizière iyo Masuuliyiinta Waaxada Dalka Jarmalka u Qaabilsan Soogaloogita Magangalyo Doonka  ( Bundesamt für Migration) , ayaa Maanta si wada jir ah ugu Dhawaaqay Baadhitaan lagu Samaynayo in Kabadan Boqol Kun oo Qof kuwaas, oo kasoo kala Jeeda 10-ka Dal ee ugu Badan Qaxoontiga Dalka Jarmalka Soogalay kuwaas oo ay Hogaanka uhayaan Wadamada Suriya Ciraaq, Afganistaan, Sido kale Somalida ayaa iyana Kamid ahaandoonta Dadka Baadhitaanka Hubinta ah lagu Samanayo Maadama ay  Soogalayaan  Wadamada  kujira  Top,Ten ama Tobannka Waddana  ee   ugu  badan Dadka Magan Galyo Doonka ah.

Dadka Labaadhayo ayaa Lahubin doonaan Hanaanka Loomaray  Dacwadooda, Cadaymaha Loo Cuskaday  iyo Doorka ay  kuyeelan karaan  Arimo Argagixiso, Arintan ayaa  Markii  hore  ku Bilaabanatay 2000. 00  Q0f kuwaas oo ay Wasaaraa  Arimaha   Guduhu Dalbatay in Codsiyadooda  Dibloogu noqdo  lana Hububiyo Qaabkii ay Umareen  Codsiga Magangalyo, ee ay Heleen,

 

Waxana ay Arintani kadanbaysay Kadib markii  Dhawaan Ciidamda  Sirdoonka Jarmalku Fashiliyeen Askari Katirsan Ciidamada   Milatariga  Jarmalka  oo Qaxoonti  Suuriyaan ah  isku Dhiibay Kadibna  Qorshaynayay  Weeraro  Argagixiso  kuwaas oo  uu  uga  danlahaa in uu Sumcada  Soogalootiga  Musliminta ah   Kuxumeeyo

Qofka lagu  helo  wax  isdaba marin kusaabsan  Qaabkii   uu  kuhelay  Sharciga Magangalyada ayaa Mutaysan Doona   Xabsi  iyo  In Dalka laga Mustaafuriyo,  Xisbiyada Mucaaridka ah ee Dalka Jarmalka ayaa  Mudaba Dhaliilayay  Waaxda  Soogalootiga  Uqaabilsan Dalka Jarmalka    kuwaas oo kuhaftay  kala Saarista   Malaayiin   Muhaajiriin ah oo Dalkaas Soogalay, 3 Sanno  ee  lasoo dhaafay

 

 Warbixintan  Miyaad Akhriday?, Waxa  ay Laxidhiidhka  Xog Tan  udhow—

 

Leave a Reply

*