Xisbiga WADDANI  Oo Magaalada Hargeysa Ka Daah-furay Tartan Ciyaareed + Sawirro

Xisbiga WADDANI  Oo Magaalada Hargeysa Ka Daah-furay Tartan Ciyaareed + Sawirro

 

 

Hargeysa (SLL)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa magaalada Hargeysa ka daah-furay  Barmaamijkii caanka ahaa ee la ciyaar WADDANI , kaasi oo ah mid lagu dhiirigelinayo dhalinyarada reer somaliland ee ciyaarta kubada cagta, isla markaana lagu dhiirigelinayo ciyaarta kubaf cagta.

 

Barmaamijkan lagu magacaabo la ciyaar WADDANI ayaa sanadkiiba waxa la qabtaa bisha Barakaysan ee Ramadaan, iyadoo uu Xisbiga WADDANI soo qaban-qaabiyo isla markaana oo gobolada dalka ka hirgeliyo tartan Ciyaareed.

 

Munaasabad lagu daah-furayey tartan Ciyaareedkan oo ka dhacdey degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ugu horeyn ka haddlay Xoghayeha  Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis Waxaaanu ku bilaabay haddalkiisa sidan :-“Barmaamjii la ciyaara WADDANI ee uu bisha ramadaan Xisbigu qabto farxad ayay noo tahay in aan ka qayb- galno waxaanu leenahay  tartankii waanu idiin furnay,Xisbi ahaana waxaanu jecelnahay in aanu dhalinyarada kala qayn-galno tartanada ciyaaraha oo dhiirigelino, Xisbigu waa Xisbigii dhalinyarada, waxaad arkaysan madashan inta badan ee fadhidaa waa masuuliyiintii Xisbiga waana dhalinyaro, marka koobaad iyo marka labadaa waxaanu ugu mahad-naqayaa Barmaamjikaa qiimaha badan leh “la Ciyaar WADDANI “ Musharaxa  Madaxweynaha Dr C/raxmaan Cirro oo bud -dhig u ah dhiirigelinta dhalinyarada iyo ciyaaraha, markaa waxa weeye barmaamij 4 sano soo socday oo qiimo badan oo aanu ugu talogalnay in aanu bishaa ramadaan ee barakaysan in ay isku dhexgalaan ciyaarahooda hore u mariyaan caqligooda hore u mariyaan “Ayuu yidhi  Xoghaye Yoonis Axmed Yoonis.

 

Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga WADDANI oo haddalkiisa sii wata ayaa dhaliilo cuslu tunka u saaray wasaarada Ciyaaraha ee xukuumadda KULMIYE “waxaan aad uga xumahay in wasaaradii dhalinyarad iyo ciyaaruhu ku fashilantay taladii loo dirsaday ee ahayd in ay dhalinyarad iyo ciyaaraha horu mariyaan, manta dhalinyaradii Somaliland wey tahriibayaan wey carayaan oo dalkii ayey ka cararayaan,waxaana waxa u sabab ah qorshe la’aan iyo siyaasad la’aan ay wasaarada dhalinayarad iyo ciyaaruhu ay keeni kari weydey.Ayuu yidhi Yoonis Axmed Yoonis.

 

Sidoo kalena waxa isna halkaasi ka haddley , isla markaana  ku dhaliilay Xukuumadda KULMIYE mid ka mid ah dhalinyarta degmada Gacan-libaax “Waxa weeye dhalinyartii Degmada Gacanlibaax waa diyaar oo koobkana waa u diyaar Xukuumadda todoba sano  dalka haysay caqabadihii ugu balaadhnaa ee naga hor yimi waxa kamid ahaa  garoon ayaanu weynay aanu ugu qabano dhalinyartaa Degnada Gacan-libaax, Degmooyinka kalena waxaan qabaa in ay nala qabaan  tartan ciyaareed, malaa Xukuumadda KULMIYE dhalinyarta waxay ugu talogashay badhna in ay tahriibaan badhna ay xasbiga ku dhammaystaan cimrigooda, hadda masuuliyiinta halkaa fadhida xasaanad ayey leeyihiin Xisbi ayey ka tirsan yihiin , annaga marka masuuliyiinta dhalinyarta ah ee fir-fircoon la xidho waxaanu u arkaynaa in dhalinyarta ka cabudhinayo , waxaanu u sheegaynaa xukuumadda Axmed maxamed Siilaanyo iyo Xisbiga xaakimka KULMIYE jeelku yaanu idinka buuxsamin,waxa weeye dhalinyarta reer somaliland siday u dhan tahay is bedel ayaanu doonay mid  caafimaad qaba ayaanu doonaynaa, waxa naga sal ah sidaa aanu garoon aanu ku ciyaarno weynay,   Xisbiga WADDANI  waxaanu ka filaynaa inuu nolashii aasasigahayd uu noo fuliyo, KULMIYE waxaan haddalkiisa ku gebogebaynayaa gacantii aanu ku dooranay wey nagu taalaa haddii aanu nahay dhalinyarad degmada Gacan-libaax. Ayuu yidhi mid kamid ah dhalinyarta degmada Gacan-libaax.

 

 

 

Dhanka  kalena Xisbiga WADDANI ayaa  waxa isna munaasabad ka haddley guddoomiyaha dhalinyarad Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq dhamme.” Koobkan oo sanad kasta dhaca bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay la socdaa agab Ciyaareed kubada kabo iyo qalab kale oo loo qaybiyo si dhalinyarad loo dhiso moorarkooda loona dhiirigeliyo, waxaanu aaminsanahay ka xisbi ahaan in ay ciyaaruhu kamid yihiin  doorarka u baahan in la horumariyo oo  hadda liita, siyaasada Xisbiguna waxay tahay in ciyaaraha laga bilaabo heer dugsi  heer gobol iyo heer qaran-ba oo la  lehelo ciyaaro iyo wareegyo  naadiyadii iyo kooxihii gobolada  oo dheelitiran oo marwalba dhaca, wareegan aanu daah –furaynaa waa wareegii bisha barakaysan ee Ramadaan,waxaanu leenahay kooxaha ku ciyaarada degmada Gacan-libaax ku ciyaara ciyaar wanaag.

Leave a Reply

*