Famaajo Oo Booqday Xerada kujiraan Ciidamada Somalia Loobabaray, oo Hubla,aani hayso

Famaajo Oo Booqday Xerada kujiraan Ciidamada Somalia Loobabaray, oo Hubla,aani hayso

Famaajo Oo Booqday Xerada kujiraan Ciidamada Somalia Loobabaray, oo Hubla,aani hayso

Ka dib markii Madaxweynaha Dowladda federaalku uu maanta booqasho la sii qorsheeyay ku tegay Magaaladda Kismaayo, ayaa wuxuu booqday xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ku xaraysan yihiin ciidamo isku dhaf oo loo diyaariyay inay la dagaalamaan Kooxda Al-shabaab

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo soo dhaweeyay madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa sheegay in ay muhiim u tahay booqashada Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu xusay in jubbaland ay ka mid tahay maamulada hanaqaaday ee dalka ka jira.

Wuxuu sheegay inuusan maamul ka madaxbanaan dowladda federaalka ee Muqdisho, isagoo xusay inuu rajaynayo sidii loo hirgalin lahaa Kismaayo Xarumo iyo goobo ay ku shaqeeyaan Hay’adaha Dowlada Dhexe gaar ahaan Madaxtooyada Ra”iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay dhamaysteen dhamaan tababarkii ay u baahnayeen hadana ay u xayiran yihiin hub la’aan taas oo dhaliisheeda ay leedahay buu yiri Dowlada Federaalka

” dowladda federaalka ayaa laga sugayaa in Ciidamadan ay meel saarto tasiiladka ay u baahan yihiin si ay u hawlagalaan” ayuu yiri Axmed madoobe

Madaxweyne Farmaajo oo salaan sharaf ka qaatay ciidamadda milateriga Federaalka ayaa dhankiisa sheegay in Dowlada Federaalka ah ay sida ugu dhaw u keeni doonto dhamaan agabka Ciidamadan ka maqan isla markana ay hawlgali doonan.

Gabagabadii, Labada Madaxweyne waxaa kale oo ay isla maanta booqdeen Xarunta tababarka Ciidamada Darawiishta Jubbaland halkaas oo Ciidamo tababar dhamaystay ay kula hadleen.

Booqashada Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qaadan doonta mudo kooban oo aan la shaacin isagoo kulamo la qaadan doona Madaxda Dowlada Jubbaland iyo bulshada waxaana kadib uu ku laaban doona Magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply

*