Danaha Siyaasadeed Iyo Dhaqaale Ee Ka Dhexeeya Kulmiye Iyo Somalia Premier Bank Se Yaa Leh??

Danaha Siyaasadeed Iyo Dhaqaale Ee Ka Dhexeeya Kulmiye Iyo Somalia Premier Bank Se Yaa Leh??

 

Danaha Siyaasadeed Iyo Dhaqaale Ee Ka Dhexeeya Kulmiye Iyo Somalia Premier Bank

Daraasad dheer ka dib iyo u kuur gal danaha dhaqaale ee ka dhexeeya xukuumada Kulmiye iyo dhigeeda Somalia siiba dowladii hore ee Xasan Sheekh ayaa daaha ka rogaysa isfaham dheer oo dhex maray kooxda Kulmiye iyo ganacsato dhawr ah oo ka soo jeeda dalka Somalia

Doorkan waxeynu shiishka saarayna bangiga Premier Bank oo dhawaan lagu daahfuray caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa waxaa xadhiga ka jaray madaxweyne ku xigeenka Somaliland isla markaana ah murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye ee doorashada fooda inagu soo haysa dhamaadka sanadkan hadii eebe idmo
Furitaanka xaflada khudbad uu ka jeediyey m/kuxigeen Saylici ayaa sheegay in bangiga Premier Bank yahay bangi ka mid ah baananka aduunka ee waaweyn kajira kuna soo dhiiraday inay Somaliland ka furtaan faracyo loogu adeego bulshada ku nool oo lagu qiyaaso afar million oo ruux waxaase aanuu md/kuxigeen Sayclici hadalkiisa ku darin in bangigani ahayn mid mudo dheer jiray balse la assasay dabayaaqadii 2015 xaruuntiisuna tahay caasimada dalka Somalia Moqdishu oo laga leeyahay dalkaas hadaba daraasad dheer ka dib muwaadin waxaanu soo ogaanay in ay bangigan ku shuraakoobeen shakhsiyaad neceb Somaliland oo ku dhaw dhaw xukuumadii Xasan Sheekh ee xilka laga qaaday kuwaas oo heshiis hoose la galay xukuumada Kulmiye sheerna ay ku leeyihiin madaxda sare ee dowlada iyo Xisbiga Kulmiye oo dhinac ah halka ay saamiga ugu weyn leeyihiin ganacasato ka soo jeeda Boosaaso iyo Caabudwaaq iyo Moqdishu
Soo waaridinta bangigan mulkiilayaashiisu ka soo horjeedaan jiritaanka Somaliland ayaa calaamad suaal galinaya danta ay dowlada Kulmiye ka leedahay soo dhaweyntiisa iyada oo la wada ogyahay in muwaadin Dahabshiil hantidiisa ku aaminay Somaliland kana dhisay daarta ugu weyn ee saldhig u ah bangiga Dahabshiil

Leave a Reply

*