Helmut Kohls  Raysal Wasaarihii hore  ee Dalka Jarmalka oo Geeriyooday

Helmut Kohls Raysal Wasaarihii hore ee Dalka Jarmalka oo Geeriyooday

Helmut Kohls, oo ahaa Raysal Wasaarihii ugu Xilhaynta Dheeraa ee Taariikhda Dalka Jarmalka Soomara ayaa Geeriyooday isaga oo Kujira Dada 87, jir Waxa  uu ahaa Hogaamiya Sumcad wayn kelaha Gudaha Dalka Jarmalka waxa uu is Qabadsiiyay Jarmalkii kala Jaray Dagaalkii Labaad ee Aduunka, iyaga oo isa Soogaadhiisayay Baladii Jarmlka ee isku Biiray, 1989, waxana  Ladagaalamay  Farqigii Saboob nimo ee labada  Jarmal  Udhexeeyay .

 

Guulaha  uu kadhaliyay  Israacii Jarmalka ayuu   kula Baxay Aabaha Midaynta Jarmalka,    Helmut Kohlt  waxa  kale oo Sumcad Wanaagsan kulahaa Siyaasada Guud ee Caalamka taas  oo Qadarin Buuxada looga hayay  Mudadii  16 Sanno ahayd  ee uu Xilka  Raysalwasaarenimo ee Dalka Jarmalka hayay.

 

Helmut  Kohls ayaa  Dhashay Sannadkii  1930, waxana  uu  1982  Ilaa   1998   uu ahaa Raysal Wasaaraha Dalka Jarmalka,  taas oo kadhigaysa  Raysal Wasaarihii  ugu Xilhaynta Dheeraa  ee Taariikhda Dalka Jarmalka Soomara,  Sidoo  kale waxa  uu hagaa  Gudoomiyaha  Xisbiga CDU     1973  Ilaa- 1998

Rasal waraarha  Dalka Jarmal  Angela  Merkel ayaa   Gerida Helmut  kutilmaantay Mid Naxdin leh  kana tacsiyaysay Bulshada waxa   ay  kutimaantay in uu ahaa Nin  kuhamiyi jiray  Saraynta Midawga Yurub,

Merkel  waxa  ay  uga Mahad Celisay  sidii uu Siyaasada    ugu Soo Barbaariyay,  waxana   uu Sannadkii 1991 kusoo daray Golihii Xukuumadiisa  isaga   markii  ugu horaysay kadhigay  Wasiirka  Dhalinyarada,  Angela  Merkel  ayaan tan  iyo waagaas  Guulo Siyaasi ah  oo isada jooga haysay.

Hogaamiyaasha  Qaarada  Yurub ayaa  iyaguna dhamaantood Kahadlay Geerida Helmut Kohls, Maanta  kugeeriyooda Gurigiisa  oo Kuyaalatay Magaalada Ludwigshafen

Helmut Kohls oo Geeriyooday Waxa uu Raysal Wasaara Ka ahaa Jarmalka intii u dhaxaysay 1982- ilaa 1998

Eid Aden/ Frankfurt Germany

Somalilandlive Media

 

Leave a Reply

*