Halkan ka Daawo Sababta Liiska Argagixisada Looga Saarey Sheekh Mukhtaar Roobow

Halkan ka Daawo Sababta Liiska Argagixisada Looga Saarey Sheekh Mukhtaar Roobow

Dawladda Mareykanka, ayaa shaacisay in liiskii argagaxisada ay ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali(Abuu Mansuur) oo hore u ahaa ku xigeenkii hoggaamiyahii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane isaga oo dhinaca kale na mar soo noqday afhayeenka kooxdaasi Al-shabaab.

Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa sidan u xaqiijisay idaacadda VOA, waxaana ay wararku sheegayeen in muddooyinkii dambe uu jiray khilaafaad soo kala dhex-galay isaga iyo kooxda Al-shabaab taasi oo sababtay in la khaarajiyo shakhsiyaad tira badan oo ay isku aragti ahaayeen.

Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa dhuumaaleysi ku jiray tan iyo wakhtigii ay isku dhaceen Kooxda Al-shabaab, waxaana inta badan la sheegi jiray in uu wada-hadalo hoose uu kula jiray dawladda Somaliya.

Halka Hoose Ka Daawo

Leave a Reply

*