Erdogan: Shuruudaha Qatar lagu xidhay sharciga caalamiga ah Ayey lid ku yihiin

Erdogan: Shuruudaha Qatar lagu xidhay sharciga caalamiga ah Ayey lid ku yihiin

Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa yidhi shuruudaha ay Qatar ku xidheen dalalka Gacanka ee ay jaarka yihiin waa kuwo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah, sababta oo ah buu yidhi waxay farogelin ku yihiin qaranimada dalkaas.

Qatar ayaa ku tilmaantay shuruudahaa oo ay ka mid yihiin in ay hoos u dhigto xidhiidhka ay Iran la leedahay, in ay xidho Tv-ga Aljazeera iyo in ay xidho saldhigga ciidamada Turkigu ku leeyihiin dalkaas kuwo aan suurtogal ahayn.

Todobaadkii hore ayaa Ankara waxay ballan qaaday in ay xoojin doonto ciidamada ka jooga Qatar. Waxa kale oo ay u dirtay markab cunto sida magaalada Dooxa oo ah xarunta dalka Qatar ee ay go’doomiyeen Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar oo ku eedeeyey in ay maalgeliso argagixisada.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay dib u eegis ku sameyn doonto qodobada lasoo bandhigay, ayna diyaarin doonto jawaab rasmi ah kadib marka ay xaqiijiyeen Dukumintiga soo gaadhay.

“Dowladdu waxay haaatan darseeysaa warqadda soo gaadhay, dalabaadka ku jira warqadda iyo halka ay salka ku hayaan, si aan u diyaarinno jawaab ku haboon islamarkaana aan jawaabteenna u gudbinno dowladda Kuwait,” ayaa lagu yidhi warbixinta kasoo baxday wasaaradda arimaha dibadda

dalkaasi.Kuwait ayaa ah dalka wada dadaallada la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dowladda Qatar iyo dalalka kale ee carbeed ee xidhiidhka u jaray.

Somaliland Live Media

Leave a Reply

*