Wariye Axmed Siciid Cige, waxa uu  limiyay  Darajadii Saxafinimo

Wariye Axmed Siciid Cige, waxa uu limiyay Darajadii Saxafinimo

Waraysiga Saylici iyo Wariye A. S. Cigge: Dhab mise Dheel-dheel?

Qalinka: Maxamed Haaruun — 27 Juun, 2017

Siyaasi aan shaqadiisa aqoonin, iyo Wariye la mid ah oo isna aan shaqadiisa aqoonin, amaba se xilkiisa hagranaaya, run ahaan waa masiibo Qaran. Shalay (26 Juun), waxa BBC ka hadlay Madaxwayne Xigaha SL, C/raxmaan Saylici oo uu warsaday Wariye Axmed S Cige. Saylici waxa uu ka hadlay qodobbo kala duwan. Si gooni ah waxa ii damqay wixii uu ka yidhi dhaqaale burburka xiligan taagan, ee ka dhashay qiimo beelka lacagta SL ee sida xawliga ah ku socda. Warka Saylici sheegay ma ahayn mid sinaba loo qaadan karo, Wariye Cigge na waa uu iska dhegaystay uun ee wax su’aal ah kuma celinin. Kolkii dhibaatadan wax laga waydiiyay, Saylici hadal caam ah ayaa uu ku jawaabay, waxa uuna yidhi, “Waa ka xunnahay sixir bararka, waana ku hawlanahay sidii wax looga qaban lahaa…” Run ahaan in uu Saylici ka xunyahay waxa dhacaaya, iyo in ay xal ku hawlanyihiin midkoodna wax marag ah oo muujinayaa ma jiro haba yaraadee.

Wariyaha ayaa ay ahayd in uu masuulka waydiiyo in uu bixiyo cadaymo muujinaaya dadaalka ay wadaan nooca uu yahay, ma se dhicin. Ma u ku odhanin isku daygii waagii hore, ee sarifka lagu xadidaayay wa kii fashilmay oo waa wada ognahay, wax qorshe dambe ah na ma aydaan ku dhaqaaqin ee maxaa aad uga jeedaa marka aad leedahay dadaal baanu wadnaa? Waa su’aal aasaasi ahayd, oo ay tahay in aanay sinaba meesha uga maqnaanin saw ma aha? Waa halkaas meesha ay Wariye Cigge dhaliishu uga soo baydhay. Cigge waxa uu ka soo aflaxay madarisaddii Kacaankii 21 October ee Affwayne, wariyaha xiligaasi na waxa uu ahaa uun mikirfoon xukuumaddu isticmaasho, oo waajibkiisu yahay in uu ku wardiyo magaca hogaamiyaha Kacaanka, iyo karaamooyinkiisa xad dhaafka ah. Ha yeeshee wariyaha maanta, ee waliba idaacad caalami ah u shahqeeya, dorka laga filayaa ma aha kii xiligii Kacaanka.

 

Wariye Axmed Siciid Cige, waxa uu limiyay Darajadii Saxafinimo

 

Wariye Axmed S Cigge waa ogyahay runta taas ah, waxa ayna ahayd in uu baadhitaankiisa wariyenimo ku saleeyo xaqiiqooyinka noocaas ah

Al-muhim, sixir bararka waxa sabab u ah afar amuurood oo is kaashanaaya, kuwaas oo noloshii umadda iyo dhaqaalihii ba si xun ula degay. Kolka si fudud loo sheego, xeerka aasaasiga ah ee suuqa iyo sixirka xukumaa waa isu dheeli tirka baahida lacagaha qalaad iyo midda gudaha. Kolba middii suuqqa ku badata ayaa qiimo beesha, haatan na waxa suuqyada si xoogan ugu badan, kuna soo korhdaaya lacagta waddanka ee shilinka. Sababahan afarta ahi si isku mid ah ayaa ayh dhaawac ugu gaysanayaan dhaqaalaha iyo nolosha dadka, waxa ayna isugu jiraan kuwo xukuumaddu masuul ka tahay, waxna ka qaban karto, iyo qaar aanay ka ahayn, waxna ka qaban karaynin. Sababaha hore, oo ah kuwa ay masuuliyiinta waddanku ku lug leeyihiin, waxa ay ahayd in wax la iska waydiiyo, oo waliba maxkamado la isku geeyo, lakiin nidaam dawladeed oo shaqaynaaya ayaa aan jirin, sidaas darted na cidina dambi ma ku laha waxa dhacaaya. Qofkii dani ka hayso runtu taas weeye. Sababaha afarta ah eeh ugu waawayn sixir bararku waa kuwan – nin lehoow ku doono.

1. Xukuumadda SL waxa ay si joogto ah, suuqyada ugu soo daysaa baabuur buuxda oo lacagta shilinka ah, waxaana lagu bedelaa doolar. Dhalinyarada lacagaha sarifaa waa ogyihiin in aanay cilmi ku fadhiyin lacagtan tirada badan ee xukuumaddu sarifayso, ee doolar ka lagu bedelaayo, waxa ayna ugu sarifaan hadba wixii ay maalintaas doonaan, qolada baabuurta lacagta ah wadataa na waa aqbalaan. Sixirka lacaggta xukuumadda lagu sarifo ayaa maalin kastaba noqda midka lagu sixir goosto, sidaas ayuuna qiimo beelka lacagtu ku korhdaa.

2. Sababta labaad, Somaliland waxa ay goosatay in ay waraaqaha lacaguhu ku daabacanyihiin si xawli ah u kordhiso tiradooda iyo qiimaha ku qoran labadaba. Tusaale ahaan, warqadii boqolka ahayd, waxa lagu daray hal eber, waxa ayna tahay kun, middii shanta boqol ahayd na, waxa lagu daray hal eber, waxa ayna maanta tahay shan kun. Kordhinta hal eber wax qiimo ah ma ugu fadhido madbacadda lagu daabaco lacagtan faalsada ah, xataa laba eber ayaa lagu dari karaa. Naaxinta faalsada ah ee qiimaha waraaqdan, waa qayb ka mid ah sixir bararka, maxaa yeelay tiradii lacagta suuqqa taala ayaa xoog u korodhay. Bangiga iyo masuuliyiinta ay arintani khusayso in lala xisaabtamo, oo saxaafaddu wax waydiiso ayaa ay ahayd, ma se dhacayso taasi.

3. Qodobka saddexaad waa geedka jaadka la yidhaahdo, oo haatan lagu soo iibiyo doolar suuqyada laga ururiyay. Qofkii og iyo kii aan ogaynba, geedkani waa mid ka mid ah halista wadnaha u fadhida dhaqaalaha iyo caafimaadka bulshada, aakhirka na in uu tirtiro ba ku socda. Awal hore lacagta Itoobiyaanka ee Bir ta ayaa jaadka lagu soo iibin jiray, laakiin dhawr sano ka hor ayaa nidaamkaas la bedalay. Sababta nidaamkaas hore looga guuray waa iyada oo dawladda Itoobiya ay doonayso, sida dawlad kastaba, in ay wadankeeda lacag adagi soo gasho, jaadku na waa badeecad ay dhoofiyaan oo ay tahay in uu wadankooda doolar soo geliyo. Sidaas darted, maalin kasta ku dhawaad hal milyan oo doolar, mararka qaarkoodna kaba badan, ayaa suuqyada laga ururiyaa, waxaana lagu soo iibiyaa geedkan. Tani waxa ay kordhisaa ololaha doolar urursiga ee dhinac ay xukuumaddu ka waddo, dhanka kale na geedkan jaadka. Natijadu waa shilinka SL oo suuqqa ku sii batta, waana sixir barar kale.

4. Xoolihii sucuudiga loo dhoofin jiray waa joogsadeen, lacagtii adkayd ee ka soo noqon jirtay na waa la joogsatay. Lacagta ka soo hoyata dhoofka xooluhu waxa ay ahayd midda labaad ee garab socota midda xawaaladaha, waana lug wayn oo go’day dhaqaalaha SL. Tan micnaheedu waxa weeye, doolar kii suuqa soo galaayay oo sii yaraaday, iyo shilinka SL oo sii batay, natiijadu na waa sixir barar.

Kolka la isku soo wada duubo, sababo ay ka mid yihiin kuwa kor ku xusani ayaa keenay sixir bararka, qiimo beelka lacagta SL iyo nolosha danyarta ee labadaas dartood u sii adkaanaysa intaba. Sidaas weeyaan runtu qofkii jecel iyo kii neceb ba, waana khasaare qof kastaba taabanaaya oo badankiisa gacmaheena aan ku abuurnay. Su’aasha meeshan taalla ee muhiimka ahi na waxa ay tahay, yaa haatan ku foogan wax ka qabashada masiibadan? Jawaabtu iyada oo kooban, laakiin xanuun badan, waa cidna. Run ahaan cidina xal ma ku maqna, bal se taas caksigeeda, mushkiladda waaba la sii shidayaa. Saylici waxa uu ka mid ahaa guddi aan waxba qabanin oo 3 December, 2015 kii loo xil saaray soo daraasaynta dhibaatada, iyo tilmaan ka bixinta xalka.

Iyada oo ay sidaas tahay, Saylici ma doonaayo in uu yidhaahdo waanu fashilanay, waxna ma qaban karno, amaba xukuumadda qudheeda ayaa nasiib darada qayb ka ah, laakiin cidda siyaasiga hor dhigi lahayd waxa uu kka warwareegaayo waa wariyaha. Wariye Axmed S Cigge waa ogyahay runta taas ah, waxa ayna ahayd in uu baadhitaankiisa wariyenimo ku saleeyo xaqiiqooyinka noocaas ah, masuuliyiinta na si haagaagsan wax u waydiiyo. Waa ogahay in uu Cigge yahay Wariye idaaccad ajnabi ah, laakiin kolka la eego nasiib darada ku habsatay saxaafadda qaranka ee shaqadan qaban lahayd, wariyaha idaacadaha ajnabiga ah ayaa laga filayaa in uu ugu yaraan gutto waajib Wariyenimo, hadii uu mid waddaninimo ku daro na kaba sii wanaagsan, laakiin se labadaas midkoodna markan ma muuqanin.

Halkana  ka Akhriso  Maqaali   kale  oo uu Qoray  Qoraagu

Halkan kaga bogo taariikhdii 27 kii may lagu xoreeyay magaalada burco halgankii qadhaadhaa ee s.n.m

https://somalilandlive.com/2017/05/31/wacdarihii-1988-iyo-waayihii-la-xidhiidhay/

Wariye Ahmex Siciid Cige, waxa uu limoyay Darajadii Saxafinimo

Qalinka: M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

Leave a Reply

*