Hargeysa:-Xukuumadda KULMIYE Oo Qiratey In Ay Shaqadoodii Ka Caydhisey Shaqaale Ka Hawgalijirey Madaarka Hargeysa Oo Salaamay Musharax Cirro

Hargeysa:-Xukuumadda KULMIYE Oo Qiratey In Ay Shaqadoodii Ka Caydhisey Shaqaale Ka Hawgalijirey Madaarka Hargeysa Oo Salaamay Musharax Cirro

 

 

Hargeysa (SLL)-Xukuumadda  gabalkeedii dhacay ee KULMIYE,  ayaa markii ugu horeysay qiratey in ay shaqadoodii ka caydhisay shaqaale ka hawgalayey madaarka Hargeysa, kuwaas oo salaamey musharax Cirro xili uu ka soo degayey madaarka Hargeysa, xili uu musharaxu soo degey madaarka.

 

Xukuumadda ayaa war-muriyeed ay soo saartey si cad ugu qiratey arrintaasi, waxaanay sheegtay in ay shaqalaahi ka eriday shaqadoodii , kadib markii ay salaameen musharax Cirro , waxa kale oo war-murtiyeedkan ka soo baxay wasaarada duulista iyo hawada lagu sheegay inay labadaa shaqaale ee la eryey ay ka tirsan-yihiin waaxda amniga ee madaarka Hargeysa, waxa uu u dhigaan war-saxaadeedka xukuumaddu soo saartey sidan:-“waxaanu u dhignaa nuqul kamid war-murtiyeedka xukuumaddu sidan:-“Waxaan halkan uga cadaynaynaa guud ahaan shacbi waynaha JSL iyo cid walba oo ay khusayso, in labadaas shaqaalaha ah ee shaqada looga joojiyay ay ka tirsan yihiin waaxda amniga ee madaarka caasimada, waxaana shaqada looga joojiyay ka dib markii ay ku kaceen dayacaad shaqo, iyaga oo soo cidleeyay shaqadii ay qaranka u hayeen ee ahayd baadhista dadka iyo rakaabka madaarka ka dhoofaya wakhti shaqadii socoto, iyaga oo ka qayb galay soo dhawaynta waftiga gudoomiyaha golaha wakiilada  ahna musharaxa xisbiga wadani mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilahi ciro.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaarada duulista.

Dhanka kalena haddalka ka soo yeedhay Xukuumadda KULMIYE,  ayaa  ku soo beegmay xili ay war-baahinta kala duwan ee madaxa bannaani ay baahisay in xukuumadda KULLMIYE ay laba kamid ah  Shaqaalaha madaarka Hargeysa shaqadoodii ka eriday, kadib markii ay salaameen musharax cirro , isla markaana ay gacan qaadeen, xili uu ku sugnaa madaarka Hargeysa oo ka soo degay.

 

Si kastaba ha- ahaatee Xukuumadda KULMIYE ayaa qiratey inay shaqadoodii ka caydhisay laba kamid ah shaqaalihii ka hawgelijiray madaarka Hargeysa, ka dib markii ay salameen musharax Xisbi muacaaradka WADDANI Dr C/raxmaan Cirro xili uu ka soo degey madaarka Hargeysa.

 

 

 

 

Leave a Reply

*