SOO DHAWAYN BALAADHAN AYAA MAGALADA BURCO LOOGU SAMEYEY GUDOMIYE KU XIGEENKA LABAAD EE X.WADANI OO DHAWAAN XILKA LOO MAGACABAY

SOO DHAWAYN BALAADHAN AYAA MAGALADA BURCO LOOGU SAMEYEY GUDOMIYE KU XIGEENKA LABAAD EE X.WADANI OO DHAWAAN XILKA LOO MAGACABAY

Burco (SLL) Xisbiga Mucadka ah ee wadani ee Gobolka togdheer ayaa soo dhawayn meeqaamkeedu sareeyo u sameyey gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbigaasi.
Waxaana soo dhawayntaasi ka muuqday badiba haldoorka xisbiga wadani ee heer qaran iyo heer gobol, kuwaasi oo kusoo dhaweyey gacmo furan
soo dhawayntaasi kadib waxaa dadweynihii soo dhawaynayey iyo masuuliyiintii xisbigaasiba ay iskugu bisho shubmeen hoteelka city palaza ee magalada burco, waxanaa halkaasi camiray tageerayasha salleebaan ducaale xaaji jaamac oo ah gudoomiye ku xigeenka labad ee xisbiga wadani.
Waxana halkaasi ka hadlay madaxdhaqameed, siyaasiyiin,waxgarad, haween iyo dhalinyarado kuwaasi oo dhamaantoodba isku raacay soo dhawaynta masuuliyiinkani iyo hawl karnimadiisa.

Leave a Reply

*