Xisbiga WADDANI Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadalo Ka Soo Yeedhay Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha Oo Ka Gubtay Video.

Xisbiga WADDANI Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadalo Ka Soo Yeedhay Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha Oo Ka Gubtay Video.

Hargeysa, July 3, 2017 (Sll) – Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Agaasimaha guud ee Wasaarada Ciyaaraha Somaliland oo isagu ka gubtay kadib markii todobaadkan xisbiga Waddani uu dhagax dhigay Garoonka Kubadda Cagta ee Alamse Stadium ee Magaalada Burco oo dayrkiisu dumay.

 Xoghayaha Ciyaaraha Dhalinyarada ee xisbiga Waddani, Yoonis Axmed Yoonis iyo Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga Waddani oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in Agaasimaha guud uu soo dhaafay shaqadii dawladda ee uu hayey, kuna dhex milmay Asxaabta Siyaasada oo Xeerarka Qaranku qaranku ay ka mamnuuceen shaqaalaha dawladu inay ku dhex milmaan Asxaabta Siyaasada.

Ugu horayna Xoghayaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee xisbiga Waddani, Yoonis Axmed Yoonis oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Anagu waxaanu u aragnaa in Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaruhu uu shaqaale farsamo yahay oo xilka uu hayaa aanu ahayn mid siyaasadeed, waxaanu aad uga xunahay in xisbiga Waddani uu caayo oo uu aflagaadeeyo.

Anagu xisbi ahaan shaqadii ay gabeen (Wasaarada Ciyaaraha) ayaanu xisbi ahaan u baxnay oo xisbi ahaan aanu qabanay, rabitaanka bulshadana waanu ku tagnay meelaha uu cayimay haday noqoto garoonka Timacade, haday noqoto garoonka Alamse ee Burco iyo haday noqoto garoonka Masalaha ee Hargeysa, sadexdaaba bulshada deegaankaasi ayaa noo yeedhay oonu ka jawaabnay markay ku fashilantay xukuumada Kulmiye inay arimahaasi wax ka qabtaan.

Waxa nasiib daro ah in Agaasimaha Wasaarada Ciyaaruhu uu yidhaahdo dadkii waxba u qaban mayno, dadka wax u qabanayana ma ogolin, sidaa darteed waxaanu u sheegaynaa oo aanu u cadaynaynaa Wasaarada Ciyaaraha in garoonka Alamse ee taariikhiga ah ee dumay in xisbiga Waddani uu dhagax dhigay oo uu dhisayo, haday diidayaan iyo haday yeelayaanba waanu dhisaynaa, waanu dhagax dhignay, waanu dhamaystiraynaa insha allaah.

Guddiyada Anshahuna waxay ahayd inay eegaan Agaasimaha noocaas ah ee xisbiyada caayaya, in aanu sharciga iyo maxkamadaha la tiigsanana waanu isku dayaynaa in Agaasimayaasha siyaasada dhexgalay markay shaqadoodii ku fashilmeen”.

Sidoo kale waxa isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay Gudoomiyaha Ololaha ee xisbiga Waddani Mudane Xamse Khayre, kaas oo ka jawaabaya hadalada tawaawaca ah ee ka soo yeedhay Agaasimaha guud ee Wasaarada Ciyaaraha ee uu ku duray xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Agaasime waxa dambi qaran ah in baahida dadka wax laga qaban waayo, waxa kale oo dambi qaran ah xeerarka aad jabisay ee xeerarka Asxaabta Qaranka Xeer Lr 14 oo dhigaya in shaqaalaha dawladu aanay ku dhex milmi karin Asxaabta Siyaasiga ah, waxa looga baahan yahay ayuu dhigayaa xeerkaasi inay dhexdhexaadnimo muujiyaan. Shaqaalaha dawlada ee uu sheegayana xeerka shaqaalaha Xeer Lr 96 ayaa sheegaya waa agaasimaha iyo wixii ka hooseeya.

Waxa kale oo xeerka asxaabta qaranku uu leeyahay hanida dawladda looma isticmaali karo in xisbi gaar ahi ku ololaysto, shalay markii uu agaasimaha guud ee Wasaarada Ciyaaruhu uu noo jawaabayey isagoo masuul dawladeed ah oo xukuumada ka tirsan nalama hadal, waxa uu agaasimuhu nala hadlay isagoo afhayeen xisbiga Kulmiye ah, wuxuu yidhi Kulmiye ayaa maalgaliyey Timacade, Kulmiyaa Garoonka Masalaha Joogay. Shalay agaasime nalamaad hadlayn adigoo masuul dawladeed ah oo asxaabta qaranka u dhexeeya, dhexdhexaadnimaa laga rabaa agaasimayaasha dawlada, gaadhigii dawlada, shidaalkii dawlada, xafiiskii dawlada idinka oo isticmaalaya tartan xalaal ahi dalkan kama dhici karo.

Waxaan ka xumahay in xisbigii Kulmiye haba yaraatee aanu jirin oo xataa aanu lahayn Xoghaye Ciyaaraha ah oo kaa Waddani oo kale ah oo asxaabta kale u jawaaba.

Barigii Udubta ayaa waxa la odhan jiray Burco lacagta giimbaarta ee Somalia ayaa laga badalayaa oo sanad walba miisaaniyada ayay ku jiri jirtay oo waa la iska mashruucsan jiray waxna lagama qaban jirin oo musuqmaasuq ayuu ahaa, balse imika waxa taas la mid ah Garoonka Timacade oo la yidhaa waa la hagoogayaa, iyo garoonka Alamse ee Burco saddexdii sanadood ee u dambeeyey Miisaaniyada qaranka way ku jireen, halkii udubta giimbaartu ugu jirtay, ayay kulmiye Garoonadu ugu jiraan.” Ayuu yidhi Xamse Khayre Gudoomiyaha Ololaha ee xisbiga Waddani.

Leave a Reply

*