Burco:-Wefti Culus Oo Uu Hoggaaminayo Musharax Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Oo Gaadhay Magaalada Burco.

Burco:-Wefti Culus Oo Uu Hoggaaminayo Musharax Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Oo Gaadhay Magaalada Burco.

 

 

Burco:(SLL)- Wefti culus oo uu horkacayo musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa gaadhay goordhawey-d caasimada gobolka togdheer ee Burco, halkaasi oo ay weftigu kaga qayb-gelidoonaan munaasabada daah-furka qaybinta kaadhadhka codbixinta oo maalinta sabtida ah ee fooda inagu soo haysa  si rasmi ah uga bilaamaysa gobolka Togdheer.

 

Musharax Muuse Biixi Cabdi  ayaa socdaalkiisa waxa ku weheliyey masuuliyiinta ugu tunka weynle Xisbiga KULMIYE,iyadoo markii ay weftigi gaadheen magaalada Burco  si diiran loogu soo dhaweeyey.

 

Dhanka kalena musharax Madaxweyne ee Xisiga KULMIYE Muuse Biixii Cabdi iyo weftigiisa ayaa inta ay magaalada Burco  ku suganyihiin waxa la filayaa in ay kullama la yeeshaan tageerayaasha Xisbiga KULMIYE iyo weliba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan guud ahaan-ba gobolka Togdheer, kuwaasi oo ah kuwo loogu go-gol xaadhayo  sidii uu Xisbiga talada haya ee KULMIYE mar kale ugu guuleysan lahaa doorashada soo socota ee Madaxtooyada.

 

Gebogebadii weftigan uu hoggaaminayo musharax Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa si nabad- ah ku gaadhay magaalada Burco, iyadoo   uu ujeeda socdaalkooda Burco daaran-yahayay si ay uga qayb-galaan munaasaba lagu daah-furayo qaybinta kaadhadhka codbixinta doorashooyinka oo maalinta sabtida  ee fooda inagu soo haysa ka qabsoomaysa magaalada Burco .

Leave a Reply

*