[DEG-DAG:-]Wefti uu Hoggaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo Hada Safar ugu Baxay Magaalada Burco

[DEG-DAG:-]Wefti uu Hoggaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo Hada Safar ugu Baxay Magaalada Burco

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo, ayaa hada u ambabaxay magaalada magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.

Sarafkan oo ujeedkiisu daaran yahay siddii bulshada ku dhaqan gobalka Togdheer looggu wacyi-gelin lahaa qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada oo la filaayo in ay toddobaadka soo socda ka bilaabanto gobalkaasi, ayaa waxa weftigan guddoomiye Cirro ku wehelinaaya hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, qaar ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta iyo garabbada dhallinyarta iyo haweenka.

Guddoomiye Cirro iyo weftigiisa, ayaa muddo ku sugnaan doona magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer iyaga oo halkaasi kulamo toos ah la kula qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada iyaga oo sida oo kale n aka qeyb-gali doona xaflado ballaadhan oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayo taageerayaal baaxad weyn oo ku soo biiraaya Xisbigaasi.

Leave a Reply

*