Wakiilka  Somalilland Germany  oo kaqayb galay Shirka Maalgashiga Afrika

Wakiilka Somalilland Germany oo kaqayb galay Shirka Maalgashiga Afrika

Berlin, Waxaa Magaalada Berlin Lagu Qabtay Maanta Shir Balaadhan oo Lagaga Hadlaayey Maalgalinta Dalalka Affrika Waxaana Ka Soo Qayb galay Madaxwaynaha Dalka Ginea Mr, Alpha Conde iyo wasiiro uu ka mid ahaa wasiirka Economic Cooperation and Development ee Germany Mr, Gerd Müller iyo Wsiirka dhaqaalaha ee Dalka Mali Mr,Arouna Modibo Toure Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay Safiirada dalalka Keny, Äthiopia, Suudaan, Cana, iyo dalal kale oo Badan .

 

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Shirkado Badan Oo Ka kalala Socday Daafaha Dunida Iyo Dawladaha Caalamka Safiirka Somaliland Ee Dalka Germany Ambassador Cabdifataax Cismaan Cigaal Ayaa Kamid ahaa masuuliyiinta Caalamka Ee Kasoo Qaybgalay Shirkaas Safiirka ayaa wuxuu kulan gaara la qaatay wasiirka Ganacsiga ee Mali iyo Safiirada Suudaan, Äthiopia, Mali, iyo Qaarkamida Shirkadihii Iyo Masuuliyiintii kasoo qaybgalay Shirkaas Waxaanu Kala hadlay Qadiyada Somaliland Safiir Cabdi Fataax Cismaan Wuxuu Usharaxay Masuuliyiintii Kasoo Qaybgalay Shirkaas In Somaliland Ay Tahay Dal Dihin Oo U Diyaar Ah inla Maalgashado

Leave a Reply

*