Daawo Sawirada  Xafladii Xisbiga Waddani  ku Qabsaday Magaalada Burco

Daawo Sawirada  Xafladii Xisbiga Waddani  ku Qabsaday Magaalada Burco

Daawo Sawirada  Xafladii Xisbiga Waddani  ku Qabsaday Magaalada Burco

 

Burco -Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynayaayey taageerayaal baaxad weyn oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa xalay lagu qabtay hotel New Burco ee magaalada Burco.

Xafladdan oo uu ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro), hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale taageerayaasha ku soo biiray Xisbigaasi.

Taageerayaashan ku soo biiray Xisbiga WADDANI oo u badnaa ururka dhallinyarada ee Mahiigaan oo ka soo jeeda bariga Burco, ayaa dheyda ka caddeeyey in gebi ahaan ba iska soo baxeen Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana ay halkaasi ka muujiyeen in aan codkoodu u xidheyn cid gaara iyaga oo sida oo kale na Xisbiga KULMIYE u soo jeediyey dhalliilo aad u xooggan oo ay ku durayaan halka sida oo kale na ay aad u amaaneen siyaasadda xisbiga WADDANI.

Image may contain: 1 person

Leave a Reply

*