Shuruudaha  Dhagaraysan  ee  uu Cali Khaliif Galaydh   Shirka Buco kusoo Bandhigi Doono akhriso,

Shuruudaha Dhagaraysan ee uu Cali Khaliif Galaydh Shirka Buco kusoo Bandhigi Doono akhriso,

Ilo xogogaal ah ayaa waxay noo soo gudbiyeen , qeyb ka mid ah shuruudda maamulka Khaatumo uu shirka Burco la hor iman doono , guddiga cukuumadda S/L  iyo qeybta ka socota xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi u metelaysa shirkan .

Shurruudahan waxaa ka mid ah

1-IN xukuumadda s/l u aqoonsato maamulka Khaatumo , in uu yahay maamulka metela dhulka Khaatumo oo isaga looga danbeeyo oo baarlamaanka s/l-na laga ansixiyo .

2- In aanay dhulka Khaato iman karin ciidanka xoogga dalka S/L oo aanay xuduudaha maamulka Khaatumo soo geli karin .

3-In ay ciidamada maamulka Khaatumo ka mas uul yihiin xuduudaha maamulka Khaatumo la leeyahay dalalka deriska ay S/L la tahay .

4-In ay xukuumadda S/L bixiso wixii kharash iyo qalab ah ee ku baxaaya ciidanka Khaatumo iyo maamulka Khaatumo iyo baarlamaanka Khaatumo muddo 5 sano ah .

5-In maamulka Khaatumo sii jiri doono muddo 5 sano ah oo uu ilaalin doono sida wada hadaladu u socdaan iyo sida ay u fulayaan -ba .

6-In kharashka ka soo baxa cashuuraha dalka lagu kabo maamulka Khaatumo boqolkiiba 10 , muddo 5 sano ah .

7-In cashuurta maamulka Khaatumo ka soo baxda lagu kabo , horumarka maamulka Khaatumo .

8-In uu maamulka Khaatumo u madax banaan yahay shirkadaha shisheeye , uuna la geli karo heshiisyo caalami ah oo aan lagu soo fara gelin .

9-In ururrada iyo hay adaha dawliga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Hargeysa jooga , dhamaantood cxarumo ka furtaan dhulka Khaatumo , oo ay ka hawl galaan , oo ay ka shaqeeyaan .

11-In uu maamulka Khaatumo u madax banaan yahay in uu heshiisyo caalamiya la geli karo beesha caalamka .

12-In aanay xukuumadda S/L u madax banaanayn in ay heshiis beesha caalamka la gasho oo aanay ogolaan maamulka Khaatumo .

13-In xubnaha golaha baarlamaanka S/L iyp golaha guurtida uu maamulka Khaatumo soo xulo , oo uu u madax banaan yahay .

14-In wasiiradda iyo wasiir ku xigeenada iyo mas uuliyiinta xakuumadda ee S/L uga qeyb gelaysa maamulka Khaatumo , oo maamulka Khaatumo soo dooran doono .

Iyo shuruude kale oo fara badan oo kuwan ka sii adag .

Laakiin guddiga xukuumadda Kulmiye iyo Murashax Muuse Biixi u metelaysa wada hadaladan , way ogolyihiin shuruudahan .

Sababtoo ah , waxay doonayaan in ay cod kaga helaan oo ay doorashada sidan kula heshiiyaan , oo wada hadaladu muddo 2-ba bilaad ah socdaan ,

ka bacdina yidhaahdaan , doorashada ka bacdi , ayeynu fulin doonaa arimahan oo aanu baarlamaanka-na ka ansixin doonnaa .

haddii ay doorashada helaan-na XASHIISHKA AYEY KU RIDI DOONAAN , WAXAN OO DHAN .

Haddii ay doorashada waayaanna , waxay ka dhigan doonaan kaadh ay ku cadaadin doonaan xukuumadda la doorto .

Waxaanay u egtahay in aanay heshiiskan waxba ka run ahayn labada dhinac ee uu wakhti lumis yahay

Maamulka Khaatumo waxa looga baahan yahay in uu shuruud macquul ah uu la yimaaddo

Xukuumaduna in ay fuliso oo si fiican loo eego baahida iyo cabashada dadka dhulkaa diga .

 

 

Leave a Reply

*