Qurbaha Jooga  Dhulbahante  ee London  oo Taageeray  Wadahadala  Somaliland  iyo Cali khalif  galaydh

Qurbaha Jooga Dhulbahante ee London oo Taageeray Wadahadala Somaliland iyo Cali khalif galaydh

Qurbaha Jooga Dhulbahante ee London oo Taageeray Wadahadala Somaliland iyo Cali khalif galaydh, shir  kaqabsoomay  Magaalda London ayaa  lagu  taageeray  wada  xaajoodka  somaliland  iyo Cali khaliif galaydh  uga  furmaya magaalada Burco,   Sida   Lagu sheegay Warbixin Qoraal ah oo lasoo  Gaadhsiiyay  Warqabadka  Somalilandlive Media  taas oo  udhignayd  Sidan hoos  kuxusan.

 

Waxaa lagu qabtay magaalada Birmingham shir ay ka soo qayb galeen jaaliyada khaatumo ee UK, kaasoo lagu diiday shirarka ka socda magaalada Muqdisho oo ay wadaan dhowr isim iyo siyaasiyintii hore ee G11 qaar ka mid.

Shirkaas ayaa waxa kaloo taageero aan loo kala hadhin loogu muujiyey maamulka Khaatumo iyo wadahadala ay kula jiraan maamulka Soomaaliyeed ee Somaliland.

Shirkaas ayaa waxa ugu horeyn ayaadado quraan iyo wacdi diini ah ku furay Sheekh Saleebaan Caydiid oo ka mid culimada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in qof waliba masuul yahay laguna xisaabtami doono masuuliyadaas loo dhiibtay loona baahan yahay in looga danbeeyo waxa loo igmaday, isla markaana qofka masuulka ahina uu ilaaliyo masuuliyadaas loo igmaday.

Waxaa isna hadalo waano iyo taageero ah halkaas ka soo jeediyey Cabdilaahi Diiriye oo ka mid ah hawlwadeenada jaaliyada KDO iyo Birmingham, wuxuuna fariin adag u diray shacabka reer Khaatumo isaga oo ka codsaday inay aaminaan oo taageeraan madaxda ay doorteen ee wakhtigan xilka haya ee goloyaasha baarlamaanka iyo fulinta ee wadankii jooga, aana la is barabar yaacin.

Waxaana isna halkaas ka soo jeediyey hadalo talo iyo tusaale ah Aqoonyahan Cawil Shire

Oo ka mid ah xubnaha jaaliyada Birmingham, isla markaana ah kuwa ugu firfircoon, wuxuna fariin u diray siyaasiyiinta iyo odyaasha u boqoolay Xamar oo waxa keliya oo ay ku midoobeen ay tahay burburinta iyo nacayba shakhsiyaad ka mid ah madaxda Khaatumo, isga oo ka codsaday inay deegaankoodii si nabad ah ugu soo noqdaan, oo ay umada ka daayaan dibindaabyada iyo hurinta colaada, khaas ahaan magaalada Buuhoodle oo hadii ay ka waantoobi waayaan waxa ay ku sheegeen shirka ay keeni karto colaad iyo fidno aan loo baahnayan.

Waxaa isna halkaas hadalo qiimo leh oo talo iyo tusaale ah ka soo jeediyey Dr Sayid Cali jidaal, isaga oo sheegay in ay si wadajir ah isuug yimaadaan xukuumada iyo odayada dhaqanku, oo ay wada fadhiistaab, wuxuuna ku waaniyey odayaasha xamar jooga ay WIDHWIDH yimaadaan oo ay la fadhiistaan maamulka , si wdajir ah ah uga shaqeeyaan wanaaga iyo  nabada.

Waxaa sidoo kale isna halkaas ka hadlay Abwaan Cabdinaasir Dabayl oo ka mid ah abwaanada Soomalaiyeed, isga oo ka codsaday odyaasha xamar jooga inay deegaankoodii ku soo noqdaan oo ka shaqeeyaan wixii loo doortay oo ah maslaxada iyo ka shaqaynta nabada oo ay ka baxaan arimaha siyaasda oo ay uga danbeeyaan raga loo igmaday.

 

 Cali khalifiif Galaydh oo   Qodobo  Culus  raba  in loogu Meel  mariyo Shirka Burco– Akhriso

 

Udu danbayntii waxaa shitrkaas soo xidhay gudoomiyaha guud ee jaaliyadaha Khaatumo Dr Maxamed AW Jibriil, isaga oo ka hadlay qodobadaii iyo wixii ka soo baxay shirarka kala duwan ee ay yeesheen dhamaan jaaliyada khaatumo meel kasta oo ay joogaan, isagoo sheegay in si wadajir oo aan loo kala hadhin ay jaaliyada Khaatumo u taageereen maamulka Khaatumo iyo goloyaashiisa kala duwan, wuxuu kaloo sheegay inay si wadajir ah u diideen shiararka ka socda Xamar, kaasoo ujeedada laga leeyahay ay tahay oo keliya dumainta maamulka Khaatumo iyo kala qaybinta bulshada reer Khaatumo, isga oo sheegay waxa keliya ee ay nimankaas Xamar joogaa ku midaysan yihiin ay tahay colaada shakhsiyaad iyo dano khaas ah oo ay wataan , maxaa yeelay waxa Meesha isugu yimid isimo aan weligood afkooda soo marin Khaatumo inay taageeraan iska daaye, kuwo Puntland weligood taageersanaa, kuwo aan waxba taageersanayn iyo siyaasiyiintii hore oo qaarkood xilal hore ka soo qabtay maamulka Khaatumo.

Gudoomiya M Jibriil waxa uu ku booriyey jaaliyada Khaatumo meel kasta oo ay joogaan inay ilaaliyaan midnimadooda, iyo wadajirkoda, isla markaana ay taageeraan maamulkooda, oo aan la degdegin lagana hordhicin wadahadalada socda, waxaana uu sheegay in jaaliyadu ay si wadajir ah u taageereen wadahadalada labada maamul ee Khaatumo iyo Somaliland oo ay ku jirto danta iyo nabada labada maamul.

Shirkaas ayaa waxa uu ku soo dhamaaday jawi farxadeed iyo is afgarasho buuxda.

Freelance Journalist :Hassan Dirie Jama

Conatact: hassandjama@hotmail.co.uk

Leave a Reply

*