Xanafta Xafladii Maansoor + Xiinkii 150-ka ee Wasiir Samsam + Hungodii Muuse ee Guriga Ismaacil-yare + Xasaradii Xeeladda KULMIYE Iyo Difaacii Ciidanka

Xanafta Xafladii Maansoor + Xiinkii 150-ka ee Wasiir Samsam + Hungodii Muuse ee Guriga Ismaacil-yare + Xasaradii Xeeladda KULMIYE Iyo Difaacii Ciidanka

Hargeysa(SLL/Yool)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa shalay Xaflad soo dhooweyn ah u qabtay xubno iskugu jiray Siyaasiyiin iyo Xisbi-yahano si weyn looga yaqaano Somaliland, oo iyaggu kasoo diggo rogtay Xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

Munaasibadda soo dhoweynta Masuuliyiintan  oo ka dhacday Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa noqotay midii ugu xanafta iyo xasaasiyadda badnayd, tan iyo intii uu socday Olollaha Wacyegelinta Kaadh qaadashadda gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex, kaddib markii Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE midba geestiisa u bilaabay dhaqaaqyo iskugu jira ka-hor tag iyo khalkhal gelin intaba. Siyaasiyiinta iyo xisbi-yahanadda mugga leh ee kasoo goostay Xisbiga KULMIYE oo ka koobnaa 12-Siyaasi, waxa kamid ahaa Wasiirkii hore ee Wershedaha Abiib Diiriye Nuur (Abiib Tima-cad), sidoo kale, Wasiirkii arrimaha gudaha ee Xukuumaddii Daahir Riyaale Ismaacil Aadan Cismaan (Ismaacil-yare) iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

Siyaasiyiintan u digo rogtay Xisbiga WADDANI, oo runtii ay ka dhex muuqdaan shaqsiyaad raad-weyn ku leh isbedellada dhinaca Dimuquraadiyadda ee Somaliland, ayaa geedigoodani waxa uu falaadh ku noqday masuuliyiin ka tirsan golaha Wasiiradda Somaliland, Gudoomiyaha ahna Musharraxa Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, iyo sidoo kale qaar kamid ah ganacsatada derejada hoose ee caanka ku ah ku milanka Siyaasadda Xisbiyada.

Masuuliyiinta ka tirsan golaha Xukuumadda ka gedooday geediga Siyaasiyiintani ku tageen Xisbiga Waddani waxa kamid ah kuwa aadka loo hadal hayey ee jiif iyo joogba diiday Wasiiradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo iyaddu sida la sheegay giddi-habeenkii ka horreeyey Maalinta xafladdu dhacday ku hawlanayd kala jebinta Siyaasintaas, iyaddoo isku dayday inay mid-mid ula kulanto, balse arrinkaasi uma uu suurto gelin Wasiiradda, waxana meel laga dhaafo laga waayey xubnaha Siyaasiyiinta ah oo geestooda iyaggu cidna aan habrasho ka qabin.

Geesta kale, Xisbiga KULMIYE iyo xubnaha taageerada dad-ban iyo midda tooska ahba u ka helo Musharrax Muuse Biixi ayaa ka hor qabsoomida xaflada isku dayey inay ugu yaraan isku dayaan inay ka daba-tagaan qaar kamid ah xubnaha isbedel doonka ahaa, gaar ahaan Siyaasi Ismaacil yare oo isagga iyo Gudoomiye Muuse Biixi labadooda aqal isku jiran waxka yar 50-mitir, sida ay xuseen warar Wargeyska Yool ka helay ilo ku dhow-dhow Xisbiga KULMIYE, waxa Gudoomiye Muuse Biixi iyo afar xubnood oo ay isku juffo yihiin isku dayeen inay goor fiid ah ay gurigiisa ku qabtaan Siyaasi Ismaacil Aadan Cismaan, hase-ahaatee isku dayga arrinkaas waxa Cirka ku laalay Siyaasi Ismaacil yare, kadib markii sida xoggaha lagu sheegay uu diiday inuu ka furo Al-baabka Gurigiisa, halkaana uu ku gaba-gaboobay isku daygaas.

Si kastaba ha ahaatee, qabsoomida munaasibada xisbiga WADDANI kusoo dhoweynaayey Siyaasiyiintan miisaanka leh, oo intii ay socotay ay hadallo ka jeediyeen masuuliyiin tiro badan oo kamid ah haldoorkii Munaasibadda loo qabtay, waxa kamid ah shaqsiyaadka fallaadha ku ah Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ee farrimaha goobta ka diray Siyaasi Ismaacil yare oo isaggu sheegay in loo diiday inuu ku biro Xisbiga KULMIYE, sidaas darteedna aanu Maanta odhan Karin waxan kasoo baxay KULMIYE, waxanan ku biiray Waddani. Inkastoo haddana Ismaacil yare uu xusay  tagitaankii uu KULMIYE ku tagay markii hore inaanu ahayn rabitaan isagga ka yimi, balse uu ahaa arrin sababtiisa uu lahaa Xirsi markii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyadda, isaggoo arrimaha ka hadlaya, waxa uu yidhi Md. Ismaacil yare; “..KULMIYE maan doonayn ee Xirsi ayaa iggu khasbay Odaygana waanu iska shaafinnay inaan wax iska celinaayey ee isagga aanan u jeedin..”.

Waxa kaloo isna hadalka hadal dheer oo iskugu jiray hoga-tusaaleyn, is-muujin, iyo sidoo kale fariin u muuqatay hanjabad iyo digniin md. Abiib Diiriye Nuur [Abiib tima-cad], waxanu bilowgii hadalladiisa kaga hadlay qabyaaladda iyo dhibatada ay leedahay, isagoo aarrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “..Qabyaaladii way dhamaatay, qofna laguma beer-laxawsan karo, reer hebel ayaad tahee halkan soo raac..”.

Siyaasi Abiib Tima-cad waxa kaloo errayadii uu madasha ka jeediyey qaarkood u muuqdeen farriin uu cid gaar ah ula jeedo. Tusaale ahaan mar uu ka hadlaayey taarikhdiisii dhinaca halgankii SNM, taasoo marka dib loo eego Taarikh Siyaasadeedka Abiib tima-cad noqonaysa markii ugu horraysay ee u goob faggaare ah kaga baano doorkii uu ku lahaa Halgankii SNM, iyo sidoo kale xogo-ogaalka uu yahay daruufaha xaaladihii kala dambeeyey ee dhacay xiligii SNM, isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi “..Waxan kamid ahaa Todobadii Nin ee u horreeyey ee SNM u tallaabay, anigoo sarkaal ah. Sidaas darteed wixii dhacay ayaan ogahay, Nin walbaa halkaan kaga imi ayaan ogahay, Nin walbaa halkuu jiiffo ayaan oggaa … Wixii dalkan usoo shahiiday Nin walbaa halka lagaga yimi baan oggahay..”.

Xigasho:-Wageyska Yool

Leave a Reply

*