Laaca Hantidda Umadda ee Xilliga Kala Guur-ka oo Noqday Daahir-Yaa-Shamis

Laaca Hantidda Umadda ee Xilliga Kala Guur-ka oo Noqday Daahir-Yaa-Shamis

Hargeysa(SLL)-Sida ka dhacda dalalka Caalamka qaarkood, gaar ahaan kuwa keli-taliyeyaashu soo xukumeen ama dagaaladda sokeeye ka dhacaan, isla markaana aan lahayn sharci qoran oo ay ku dhaqmaan marka xaaladi lasoo deristo, waxa caado u ah marka la gaadho xilliyadda Doorashooyinka ee masuuliyiinta marka xilka haysaa aragto ama ay u muuqato ifa-faale tusaya in Xisbigooda laga awood badan yahay, marka doorashada la gaadhana Mucaaridka kasoo hor-jeeda uu ka guulaysan doono Xisbigooda, waxa caado u ah in qof kasta oo xil haya Wasiir-min agaasime guud inaan wax amar ah la kala qaadan, isla markaana masuul waliba xafiiska uu fadhiyo sida uu doono uu ugu tagri awoodaha uu jiddeeyey xilka uu hayo, sida hadii ay tahay ku tagri falka dakhliga Wasaaradda ama Hay’adda uu joogo soo gala ama kaga soo hagaaga Miisaaniyad sannadeedka guud ee dawladda.

Iyagoo sidaa u yeelaya laba sababood awgeed, kuwasoo kala ah rajo la’aanta Siyaasadeed ee soo wajahday xuluffadiisa iyo qodobka labaad oo ah kan ugu mihiimsan, ahna isagoon wax cabsi ah ka qabin sharci adag oo u yaala berina lagula xisaabtami doono, sida awgeed mar hadii aanay taasi jirin masuul waliba waxa uu ka fekeraa sidii uu hanti badan u qaadan lahaa, si beri marka uu camal waayo xilka laga qaado aanu faro-madhnaan u dhicin.

Haddaba, Somaliland oo ah Jamhuuriyad curdin ah oo 18-kii, May 1991-kii mar labaad dib uga curatay dhulkii hore uga tirsanaa Maxmiyadda Boqortooyadii Ingiriisku xukumi jirtay, waqtigaas oo hadda laga joogo 26-sanadood, inkastoo afartii maamul ee hoggaaminta tallada dalka usoo kala dambeeyey wax badan qabteen, balse haddana waxaad moodaa ilayo hadda inaanu jirin hal masuul oo la odhan karo, waa Nin waajibkiisa guta oo Sharciga ka baqa. Wallow uu aad u kala duwanaa xilliyadda ay kusoo kala hagaageen afartiii hoggaamiye ee tallada dalka soo qabtay, haddana waxa jira dhaliilo uu mid waliba xiligiisa lahaa, noocii ay doonaanba dhaliishaasi ha noqotee.

Tusaale ahaan, hadii aynu usoo qaadano ahdigii Daahir Riyaale Kaahin iyo xilliga hadda la joogo ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo), waxan shaki ku jirin laba hoggaamiye ee Daahir iyo Axmed Siilaanyo inuu Xukuumadahooda farqi weyni u dhexeeyo gaar ahaan marka laga hadlaayo, arrimaha ay kamid yihiin kala dambeynta masuuliyiinta, tixgelinta iyo ku dhaqanka sharci, iyo sidoo kale, ku tagri falka awoodaha dawladnimo iyo leexsashada hantida Umadda, maxaa yeelay hadii aynu dib u eegno hab-dhaqankii uu lahaa golaha Xukuumadii Daahir Riyaale, waxa hubaal ah inaanu jirin hal Wasiir oo dhamaan Wasiiradda kale ee golaha kula jira ka amar-qaatan, oo isagguna u dhaqma u shaqeeya sidii Raysal-wasaare oo kale, waxa kaloo cahdigii Xukuumadii Riyaale aan dhici jirin, masuul kasta oo Xukuumada ka tirsani inuu ka hadlo arrin ka baxsan shaqada Hay’addiisa oo wasaarad ama Hay’adda kale leedahay.

Balse hadii aynu usoo noqono Xukuumada Maanta ee u gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxay aragnay oo aan been ahayn Wasiir u shaqeynaya sidii Raysal-wasaara oo kale, isla markaana marka dalka gudihiisa ama dibedaba uu boqosho ugu baxana lagu soo dhoweynaayo hab-maamus lamid ah ka madaxweynaha oo keliyi xaqa u leeyahay, sidii dhowaan ka dhacday Gobolka Gabiley mar uu booqosho ku tagay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo isagoo horkacaaya Wafti ay xubno ka yihiin koox Wasiiro ah kaantaroolka dhinaca bari ee Magaaladda Gabiley intaa lagaga hor tagay loona goglay Rooga cas ee Madaxweynayaasha astaanta u ah. Ujeedada socdaalka Wasiir Maxamuud Xaashi oo marka la eeggo kooxaha hidaha iyo dhaqanka iyo baaxadda dadweynaha laamiga labadiisa hareerood la tumay, la fahmi karo kharashka iyo dhaqaalaha ku baxay hawsha intaa le’eg oo marka la qiyaaso aan ka yarayn $ 10,000 oo Dollarka Maraynkanka ah inuu ka bato mooyee.

Haddaba, marka xaalkii dalka gudihiisa uu sidaa yahay, debedda iyo Siyaasadeenuna ayba hadal daysay, Xukuumaddeenu-na sidaas tahay, isla markaana la filayo in dalka doorasho dhowaan ka dhacdo, iyadoo weliba  hadda uu ka hadhay waqtiga loo asteeyey qabsoomida doorashada muddo ku siman 90-maaalmood, waxa muuqda inuu soo yaraanayo kala dambeyntii masuuliyiinta qaranku, isla markaana mid waliba meeshii uu dantiisa ka arko uu u toociyo Siyaasaddii dhammayd ee Qaranka. Waxa kaloo dhacday laba masuul oo isku dareejo ah inay Warbaahinta hadallo isku mariyan, iyagoo labaduba marka la eego nuxurka arrinka ay ka hadlayaan midkoodna aanu qarankan aanu waddin dantiisa.

Tusaale ahaan, labada masuul ee dhacdaadasi dhexmartay, waa Mudane Baashe Cawil iyo Mudane Cabdifatax Siciid, oo ah laba safiir oo  Somaliland u kala wakiilatay Dalka aynu deriska dhow nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo dalka dhowaan aynu xidhiidhka yeelanay ee Imaaraadka carabta. Intaa aynaan u gelin mabduuca labada masuul ka hadleen hadii aynu qeyaxno xilka ay hayaan iyo awoodaha ay leeyihiin. Ugu horrayn waxa labadoodaba xilka u magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo isaggana ka qaadi kara, sidoo kale, hawsha ay hayaan iyo shaqadoodu waxay hoos timaada Wasaraadda arrimaha dibeda, iyadana Wasaaradda arrimaha dibedu bixisa Mushaharkooda iyo kharashka xafiisyadooda…La soco

Wargeyska Yool

 

Leave a Reply

*