Gacanta Midig Ee Saylici Wasiir Cali Xaamud Jibriil Oo La Eryay Dagaal Sokeeye Oo Kulmiye Ka Dhex Dilaacay

Gacanta Midig Ee Saylici Wasiir Cali Xaamud Jibriil Oo La Eryay Dagaal Sokeeye Oo Kulmiye Ka Dhex Dilaacay

Wasiir Cali Xaamud Jibriil oo ka soo jeeda gobolka Awdal dhalasho ahaan ayaa isagu ah shaksiyad saamayn weyn ku dhex leh gobolkaa iyo weliba xisbiga Kulmiye dhexdiisa siiba taageerayaasha galbeed waana wasiir kalsooni buuxda ka haysta Mdaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ahna murashaxa madaxweyne kuxigeenka Kulmiye doorashada ay ka hadhay sadex bilood oo qudha

 

Hadaba muwaadin waxa xamxamta suuqa siyaasada ku jirta in ismaandhaaf ba’ani soo dhex galay laboda murashax ee u sharaxan xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo C/Raxmaan Saylici oo ah labo shakhsi oo aad u dabeecado adag lahayna dulqaad ku filan sida ku cad dhawrka jeer ee uu Sayclici ka cadhooday madaxweyne Siilaanyo tirona ay isna dhawr jeer isku dhaceen Muuse Biixi oo aan isaguba wax badan dhaamin xaga qalafsanaanta iyo muranka badan

Sida ku cad wareegtada ka soo baxday madaxtooyada oo aynu dhamaanteen ka wada dharagsanahay inaanay ahyn wareegtoka timid madaxweyne Siilaanyo balse ay xalay saqde dhexe ku faygareen guurtida bilaa shaarubka ah iyo Muuse ayaa ah mid suaal weyn galisay wadashaqaynta ama sii wadajirrka murashaxiinta Kulmiye doorashada horteed waxaana la odhan karaa Kulmiye col hortii jab mar hadii laga saaray golaha wasiirada wasiirkii ugu dhawaa madaxweyne kuxigeenka Kulmiye ahna wasiir reer awdal u soo dhicya xaqooda qaabka xilka looga qaaday oo sina ahaa mid xurmo daran oo lala sugayay safarka madaxweyne kuxigeenka Saylici oo dalka isugata imaaraadka ku maqan taas oo u diraysa madaxweyn kuxigeenka fariin ah in aanuu wax tixgelin ah ku dhex lahayn madaxtooyada uu madaxweyne kuxigeenka ka yahay

Gebogebo yaa u garnaqaya labo murashax oo dabeecado gaar ah leh yaase dhex galaya doorkan madaama gudoomiyihii barlamaanka ee heshiisiin jiray madaxweyne Siilaanyo iyo Saylici doorkan isagu doorasho u taaganyahay beri se eebem ma keene hadii ay labo musharax ee galbeed ka soo jeeda isqabtaan dalkan yar ee abaaro iyo sicir barar iyo dhibaatooyinka tiro beelay isugu darsameen yaa kala furdaaminaya Muuse iyo Saylici ilayn Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey

Leave a Reply

*