Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Xilal U Magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolka Gabiley Iyo Garabyada Haweenka & Dhalinyarada Ee Xisbiga Waddani

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Xilal U Magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolka Gabiley Iyo Garabyada Haweenka & Dhalinyarada Ee Xisbiga Waddani

 

Hargeysa, July 26, 2017 (SLL) – Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa xilal Kala duwan u magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolka Gabiley, Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Waxaana lagu sheegay War-saxaafadeedka inuu Gudoomiye Ciro uu magacaabista masuuliyiintan uu u tixraacay qodobada 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga Waddani iyo Xeerka Garabyada xisbiga. waxaanu ilaahay uga baryey inuu masuuliyiintan xilalka u fududeeyo.

Waxaanay u dhignaayeen xilalka uu Magacaabay Gudoomiye Ciro sidan:-

REF/XIS/WAD/XDH/2467/2017                                                                   26 July, 2017

KU: Dhamaan Masuuliyiinta Hoos Ku Xusan                                                     Gabiley

OG: Guddoomiyaha Gobollada Dalka                                                                 Rugtooda

OG: Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI                                                         Hargeysa

OG: Hogaanka Xisbiga WADDANI                                                                         Hargeysa

OG: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI                                                        Hargeysa

OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI                                                                  Hargeysa

OG: Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah                                                          Hargeysa

Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay:          Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI iyo Xeerka Garabka                 Haweenka iyo Dhalinyarada Heer Qaran ee xisbiga Waddani

Markaan arkay:             Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan.

Markaan la tashaday:   Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI Iyo Hoggaanada Garabbada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Markaan ku qancay:    Kartida iyo Aqoonta Xubnahan hoos ku xusan

Waxa maanta oo taariikhdu tahay 26-ka July 2017 aan u magacaabay gobolka Gabiley xubnahan hoos ku xusan.

1. Md Cabdiraxmaan Muxumed Baadil, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley.

2. Md. Xasan Maxamuud Cawaale, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gabiley.

3. Md. Mukhtaar Axmed Maxamed, Xoghayaha Gobolka Gabiley.

4. Md. Xuseen Ismaaciil Xirsi, Afhayeenka Gobolka Gabiley

Garabka Haweenka Gobolka Gabiley

1. Marwo Qani Xaaji Xasan Suufi Jibriil, Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Gobolka Gabiley

2. Marwo, Saado Yuusuf Xuseen, Gudo-ku xigeenka 1aad ee garabka Haweenka gobolka Gabiley.

3. Marwo, Caasha Maxamuud Aw-Xasan, Gudd-ku-xigeenka 2aad ee garabka haweenka gobolka Gabiley.

4. Marwo, Hodan Muuse Warsame, Xoghayaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley

5. Marwo Saado Sheekh Maxamed Ismaaciil, Khasnajiga garabka Haweenka gobolka Gabiley.

Garabka Dhalinyarada Gobolka Gabiley

1. Md. Caydaruus Maxamed Cabdilaahi, Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Gabiley

2. Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Xirsi, Gudd-ku-xigeenka 1aad ee garabka dhalinyarada gobolka Gabiley

3. Md Caydaruus Cumar Ibraahim Gud-ku-xigeenka 2aad ee Garabka dhalinyarada gobolka Gabiley

4. Md. Cabdilaahi Iidaan Muuse, Xoghayaha Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Gabiley.

5. Md. Rashiid Muxumed Xasan, Xubin Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Gabiley.

6. Marwo. Sacaada Mxamed Yuusuf, Xubin Garabka dhalinyarada ee gobolka Gabiley.

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inay ku soo kordhiyaan gobolka Gabiley ee xisbiga Waddani fikrado wax ku ool ah iyo inay ku soo biirin doonaan waayo aragnimadooda iyo dedaal dheeri ah.

inuu ku soo kordhiyo xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah, waayo aragnimadiisa iyo Khibradiisaba.

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Leave a Reply

*