Murashaxa Xisbiga WADDANI Iyo Hoggaamiyaha Xisbigaas Oo Si Wadajir Ah Tacsi Ugu Diray Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub Oo Burco Ku Geeriyooday

Murashaxa Xisbiga WADDANI Iyo Hoggaamiyaha Xisbigaas Oo Si Wadajir Ah Tacsi Ugu Diray Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub Oo Burco Ku Geeriyooday

Hargeysa (SLL)-Guddoomiyaha ahana Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo hoggaamiyaha Xisbigaas Xirsi Cali Xaji Xasan waxay si wada jir ah tacsi tiiraanyo leh ugu  dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda suugaanta, dhaqanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Cabdisalaan Maxamed Xirsi (Caaradhuub) oo ku geeriyooday magaalada Burco shalay  oo taariikhdu ahayd  27/07/2017.

Murashaxa Xisbiga WADDANI iyo hoggaamiyaha Xisbigaas waxay ku tilmaameen Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub, inuu aha shakhsi wanaagsan oo hal-abuur leh isla markaana door muhiim ah ka soo qaatay waxbarashada da’yarta Gobolka Togdheer sidoo kale Marxuumku wuxuu kamid ahaa hal-abuurada miisanka leh ee waddanka Jamhuuriyadda Somaliland dibu-dhiskiisi doorka muqda ka soo qaatay. Illahay waxay uga baryayaan inuu jannadii fardawsa ka waraabiyo.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

 

Leave a Reply

*