Murashax Cirro oo Kasbadday Taageeradda Qoor-weynta Galbeedka Saaxil

Murashax Cirro oo Kasbadday Taageeradda Qoor-weynta Galbeedka Saaxil

Hargeysa(SLL/Yool)-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro), ayaa kulan qado-sharaf ah u sameeyey Cuqaasha, qoorweynta, iyo wax-garadka ka soo jeeda beelaha Ciise Muuse Galbeed ee Aadan iyo Abokor ba Madax-dhaqameedkooda.

Guddoomiye Cirro oo kulankan ay ku wehelinaayeen saraakiil ka tirsan Xisbiga WADDANI, Cuqaal iyo Madax-dhaqameed kale oo aad u tira badan, ayaa labada dhinac ba iska xaal waraysteen xaaladda guud ee dalka, iyagoo isla falan-qeeyeen sama-tabaxinta dalka iyo siddii loo badbaadin lahaa oo ay isla qireen in Xisbiga WADDANI yahay xisbiga ugu habboon ee lagu aamini karo talada dalka sida oo kale-na horumar iyo ictiraaf gaadhsiin kara qaranka Somaliland.

Kulankan oo marka la eeggo duruufaha Siyaasadeed ee hadda u muuqda mid xasaasi ah, ayaa dhanka Xisbiga Waddani iyo musharraxiisa Madaxweynuhuu waxa uu u noqonayaa tallaabo miisaankeeda leh oo ay u qaaday dhanka guusha, sidoo kalena waxgaradka beelaha galbeedka Saaxil ayaa iyanna geestooda, waxa uu kulankani u yahay fursad siyaasadeed oo ka faa’ideeyeen waqtigeedi, gaar ahaan marka la eego tabashooyinka is-dul buuxiyey ee la dersay bulshada ay wakiilka u yihiin ee ku dhaqan gobolka Saaxil, sidaas darteed ay fursadani ay tahay jaanis qudha ee shacabka reer Saaxil kaga bixi karaan cabashooyinka arramida isu bedelay, kolkii ay ka tan-badatay bulshada ku dhaqan Gobolka Saaxil.

Leave a Reply

*