Allaybaday:-Foolladayntii Musharax Cirro Iyo Weftiga Xisbiga WADDANI + Fashilka Kooxdii Uu KULMIYE Ka Shidaaliyey Hargeysa + Foodhidii Reer Allaybaday + Foorarka Xasan Shaxax Iyo Xaabadii Uu Watey

Allaybaday:-Foolladayntii Musharax Cirro Iyo Weftiga Xisbiga WADDANI + Fashilka Kooxdii Uu KULMIYE Ka Shidaaliyey Hargeysa + Foodhidii Reer Allaybaday + Foorarka Xasan Shaxax Iyo Xaabadii Uu Watey

Allaybaday (SLL)- Wefti ballaadhan oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo maalintii shalay socdaal kooban ku tegay Degmada Allaybaday ee Gobolka Gabiley iyo degaaanada ku xeeran, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey halkaasi, iyadoo lagu qaabilay calaamo qoyan iyo calanka muuqa dheer ee astaanta u ah Xisbiga WADDANI.

Weftigan WADDANI oo uu hoggaaminayey Musharax Xisbiga WADDANI Dr C/raxmaan Cirro , ayaa waxa kamid ahaa Hoggaamiyaha WADDANI Xirsi, Siyaasi Abiib Timocad, Siyaasi Daa’uud Food-cade, Siyaasi Ismaaciil Yare,iyo weliba masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, iyadoo weftigan ay bulshada ku dhaqan degmada Allaybaday iyo degaanada ku xeeran ku qaabileen soo dhaweyn miisaan leh oo taxnay Hargeysa illaa Allaybaday, taasi oo ahayd mid dhul-gariir ah oo aan nooceed hore loo arag, isla markaana muujinaysay cududa taageero ee Xisbiga WADDANI uu ku leeyahay Degmada Allaybaday iyo degaanada kale ee hoos yimaada.

Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ayaa markii ay gaadheen magaalada Allaybaday meel fagaare ah khudbado kala duwan oo qiiro leh uga jeediyey bulshada ku dhaqan degmada, iyagoo aa uga mahad-naqeen sida diiran ee ay u soo dhaween, waxaanay ku dhiirigeliyeen in ay amaanka illaashada, si ay doorasho xor ah oo xalaali u dhac-do, waxaanay u balan-qaadeen masuuliyiinta WADDANI in haddii uu Xisbiga WADDANI ku guuleysto doorashada ay helidoonaan cadaalada loo Oonka qabo ee uu KULMIYE ceelka ku riday.

Dhanka kalena Xisbiga gabalkiisu dhacay ee KULMIYE ayaa habeen hore markii uu ka war-helay inuu Xisbiga WADDANI ku jihaysan-yahay degmada Allaybaday, isla habeenkiiba galay dagaal culus oo ka dhan ah socdaalka uu WADDANI ku tegayo deegaankaa, waxaanay qorsheeyeen madax-da KULMIYE sidii ay mudahaarad ka dhan ah WADDANI uga dhigilahayeen Allaybaday, iyadoo ay magaalada Hargeysa ka shidaaliyey koox dhalinyaro ah oo baabuur lagu duubilay, kuwaas loogu talogalay in ay mudaharaadka ka dhanka ah WADDANI ka dhigaan Allaybaday, waxaana loo xil saaray hawshaasi Xilhdibaan Xasan shahar, iyadoo kooxdanu ay habeenkiiba tegeen Allaybaday, isla markaana ay kullamo la yeesheen qaybo kamid ah shacabka ku dhaqan degmadaasi, balse waxa la sheegay in ay qorshahaa uu KULMIYEwetay ay ka biyo diideen shacabka ku dhaqan degmada Allaybaday, isla markaana ay ku amreen kooxdan uu Xisbiga gabalkiisii dhacay ee KULMIYE uu ka shidaaliyey Hargeysa inay si deg deg ah uga baxaan magaalada, waxaana xusid-mudan inuu sidaasi ku dhicisoobay qorshaasi oo guul-daraystey.

Isku soo wadda duuboo bulshada ku dhaqan degmada Allaybaday iyo degaanada ku xeeran ayaa maalinitii shalay ahayd muujiyey taageerada miisanka leh ee ay u hayaan Xisbiga WADDANI

Leave a Reply

*