War Deg Deg Ah:-Xoghayaha Maaliyada Ee WADDANI Oo Lagu Soo Dhaweeyey Laascanood Video

War Deg Deg Ah:-Xoghayaha Maaliyada Ee WADDANI Oo Lagu Soo Dhaweeyey Laascanood Video

 

Hargeysa(SLL):-Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wefti ka tirsan Xisbiga WADDANI oo maanta socdaal ugu baxay magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, ayaa si ballaadhan oo aad u cajiiba looggu soo dhaweeyey deegaanada hoos yimaada magaaladdaasi iyo weli ba Laascaanood ba.

Weftigan oo Cabdirisaaq Khaliif ay ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa deegaanaddaasi waxa ku qaabilay taageerayaal aad u baaxad weyn oo muujiyey cududooda taageero ee Xisbiga WADDANI iyo sida ay ugu heelan yihiin Xisbigaasi oo ay sheegeen in uu yahay xisbiga keliya ee Somaliland mideyn kara.

Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif iyo Weftigiisu waxa sida oo kale ay xadhiga ka jareen xafiisyo tirabadan oo shacabka ku dhaqan deegaanada Laascaanood ay iskood u furteen una qalabeysteen kuwaasi oo xoojin doona hawlaha shaqo ee Xisbiga WADDANI.

 

 

Image may contain: 2 people, outdoor

Image may contain: 1 person, crowd and outdoorImage may contain: 18 people, people smiling, crowd

Leave a Reply

*