Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Haween-Waynaha Degmada Axmed Dhagax Iyo Gobolka Hawd .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Haween-Waynaha Degmada Axmed Dhagax Iyo Gobolka Hawd .

 

Hargeysa (SLL)-Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay Haween-waynaha Degmada Axmed Dhagax iyo Gobolka Hawd Ee XIsbiga UCID .

Ujeedada hadhimo-sharafeedkan ayaa daarnayd dardargalinta hawlaha Xisbiga, maadaama wakthigii doorashadu qabsoomaysay ay kaabiga inoo saarantahay .Waxaana halkaasi ku sugnaa qaar ka mid ah xubnaha garabka haweenka Ee Xisbiga UCID, Madaxda Xisbiga Ee Heer Gobolk Iyo Masuuliyiin kale .


Sidoo kale Kulankan qado-sharafta ah ayaa ahaa mid ay haween-waynahaasi ay taageeradooda Xisbiga UCID ay ku muujinayeen .
Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Gobolka Maroodijeex Marwo Xafsa oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Haween-waynaha Degmada Axmed Dhagax Iyo Gobolka Hawd ay maanta u heelanyihiin sidii ay codkooda iyo cududoodaba ay ula garab istaagi lahaayeen Xisbiga UCID iyo Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe .


Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa haween
-waynaha uga mahad naqay sidii ay u soo ajiibeen qado-sharaftan, waxaanu ku dardaaray in ay doorkooda iyo kaalintooda ay ka soo dhalaali doonaan, maadaama la galayo u diyaar garawga Doorashada Madaxtinimo Ee Dalka .


Kulankan qado-sharafta ah ayaa ku soo dhamaaday is af-garad, iyadoo loo ballamay in gacmaha la isku qabsado sidii xisbiga UCID uu guul uga gaadhi lahaa Doorashada Madaxtinimo ee la gali doono Bisha November .

Image may contain: 5 people, people standing

Leave a Reply

*