War Deg Deg Ah:- Guddoomiye ku-xigeenkii Golaha Wakiilada Somaliland Oo Hadd Xilkii Iska -casilay

War Deg Deg Ah:- Guddoomiye ku-xigeenkii Golaha Wakiilada Somaliland Oo Hadd Xilkii Iska -casilay

 

Hargeysa (SLL) Gudoomiye ku-xigeenkii golaha wakiilada Somaliland baashe Maxamed Faarax ,ayaa hadda ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii guddoomiye ku-xigeenka 1 aad ee golaha wakiilada Somaliland.

Baashe Maxamed Faarax ayaa is- casilaadiisa kaga dhawaaqay kal-fadhi hadda ka socda xarunta golaha wakiilada Somaliland oo ay isku yimadeen mudanayaash aqalka wakiilada Somaliland, waxaanu sheegay inuu u tartamo jagadii uu  baneeyey Cirro  guddoomiya aqalka wakiilada.

 

Dhanka kalene xarunta golaha wakiilada ayaa hadda waxa ka bilaamaysa doorashada shir guddoonka golaha, iyadoo la doonayo in la doorto guddoomiye iyo ku-xigeen cusub, waxaynu dhawrnaa waa sida uu xaalku noqda saacada soo socda iyo cid ku guulaysan doonta in ay noqoto guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

 

 

Leave a Reply

*