Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Aqalka Wakiilada Soomaaliland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Aqalka Wakiilada Soomaaliland

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hambalyo u diray Baashi Max’ed Xaashi oo maanta  ku guuleystay doorashada xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Aqalka Wakiilada Soomaaliland.

Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha aqalka Wakiilada Soomaaliland oo maanta loo doortay Baashi Max’ed Faarax.

Doorashada Guddoomiyaha wakiilada Soomaaliland ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan uu xilkaasi iska casilay C/raxmaan Max’ed C/llahi (Cirro) kaasi oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliland una matalaya xisbiga Waddani.

Radiqo Muqdisho

Leave a Reply

*